Home » Warar »

Ururka Ahlusunnah oo Shirka Istanbul ku tilmaamay “Waqti Dhumis”, oo aysan aqbalayn wax kasta oo ka soo baxa…

Ururka Ahlusunnah Wal-Jamacaaca ayaa si kulul u dhaliilay shirka Istanbuul…

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Ahlusunnah ayaa sheegay in aan ururukooda si rasmi ah loogu casumin shirka Istanbuul, waxaana kuwo la soo dhoodhoobay ay shirkaas ku tageen magaac Ahlusunnah ayagoo aan matalin ururka, ayuu yiri Eng. Cabdisalaan Aaden Xuseen oo ah madaxa arrimaah siyaasadda ee Ururka Ahlusunnah kuna saxiixay warsaxaafadeedka.

Waxana uu intaas raaciyey in ay aad cambaaraynayaan in magacooda cid aan matalin Ahlusuunah ay shirkaas kaga qayb galaan. Isagoo sheegay in xubnahaasi aysan wadin dan Soomaaliyeed aysana daacad ahayn.

Ahlusunah kama qayb qaadan hab socodka lagu soo xulay shirkaasi, isla markaasna ma aqbali doonaan waxa ka soo baxa shirkaas ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlusunnah.

Waxa kale oo uu Turkiga ku wargeliyey in aysan la macaamilin kuwa isa soo maldahay ee la soo dhoodhoobay oo aan miisaan ku lahayn isku dayga nabadda Soomaaliya.

Dhanka kale madaxa arrimaha siyaasadda ee Ahlusunah waxa uu warbaahinta Kenya ee Capital FM u sheegay inshirka Turkigu yahay “Waqti Lumis”. Waxana uu intaas raaciyey “in kasta oo Kenya ay ayaga shirkaas ku casuntey hadana madaxda Ahlusnnah waxay goosteen in aysan ka qayb gelin”. “Mana aqbalayno waxa shirkaas ka soo baxa,” ayuu sii raaciyey.

Warsaxaafadeedka Ahlusunnah oo Af-ingsiisi ah ka akhri halkan.


“We were not formally invited. There are other stakeholders who are crucial and they were not invited,” Hussein said, adding “we will reject the resolutions,” said the Head of the Political Section of Ahlu Sunna Waljamaa, Abdisalan Adan Hussein.

Hussein told Capital FM News that although the Kenyan government formally asked the group to attend the meeting, the top leadership of Ahlu Sunna Waljamaa had resolved to stay away. More….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.