Home » Warar »

Range Resources oo Sheegtay in ay Ka Baxayso Shidaal Sahaminta Puntland ee ASX….

Suuqa Ganacsiga Australia ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi kaddib markii ay soo shaac baxday in Shirkada Range Resouces ay u muuqato in ay soo afjarayso maal gashigeedii sahaminta shidaalka Puntland ee Saamiyadda Suuqa Australia….

  • Mr. Landau: “So let’s take Puntland out…”

Range Resources oo Sheegtay in ay xooggeeda u wareegeyso Trinidad iyo Colombia

Madaxa shirkadda Range Resources, Peter Landau, oo la hadlayey ganacsato ka tirsan Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) oo uu kula kulmay Hong Kong ayuu u sheegay in shirkadiisu maal gashigeeda ASX ka wareejineyso Puntland, islamarkaasna xoogeeda isu geyneyso shidaal sahaminta dalalka Trinidad iyo Colombia, sidaas waxaa Arbacadii May 30, 2012 qortay jariidada The Australian.

Mr. Landau waxa uu yiri “Waxaan aragnay in aan qiimayn la siinayn Trinidad sababtoo xoogga ay Range Resources saartay Puntland. Sidaas daraadeed aan ka baxno Puntland (aan meesha ka saarno Puntland), oo markaas maalgashadayaasha Range aan siino saamiyada (free stock), islamarkaasna aan diiwaan gaar ah uga samaynayno suuqa ganacsiga London.”

  • “What we’ve seen is Trinidad doesn’t get valued because all the punters trade Range on Puntland. So let’s take Puntland out, give (Range investors) the free stock, and have a separate AIM-listed stock,” he said.

Range Resources waxay Puntland markii ugu horesey timid sannadkii 2005.

Jariidadda The Australia waxay sheegtay in shirkadda Range Resources ay saami wadaag xagga sahaminta Shidaalka Puntland kula jirto shirkaddaha kale Horn Petroleum iyo Red Emperor Resources kuwaas oo shidaal qodis ka wada Puntland.

Waxaa durbadiiba shalay (May 30, 2012) hoos u dhacay (-8.33%) samiyadda shirkadda Range Resources ee Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX).

Fight over oil revenues would harm Somalia peace prospects

Qoraalka oo dhamaaystiran ka akhri halkan (English)

THE Australian market’s affair with the controversial Somalia exploration assets of Range Resources looks set to come to an end as the company prepares a spin-off of the projects on to London’s AIM board. MORE…

Wararkii hore ee shidaal Sahaminta Puntland ka akhri HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Range Resources oo Sheegtay in ay Ka Baxayso Shidaal Sahaminta Puntland ee ASX…. "

  1. ASaid says:

    Asalaama Calaykum.

    Waxaan ku mahadinayaa Somalitalk.com team iyo siday bulshada ugu soo gudbiyaan akhbaarta noshooda toos u saaamaynaysa iyo tixraaca wanaagsan.

    Range Resource xag waxay u leedahay inay lacagteeda iyo caqligeeda meeshay doonto la aado.

    Shirkadaani short-term investment ayay meesha u timid, sida saaxiibkay sheegayna, waa macquul in la laaluushay.

    Hadda iyo dan: soomaalidu petroleum/mechanical engineers, project managers, economists, marketers and so on waa leedahay oo weliba ka karti iyo khibrad ka wanaagsan qaar ka mid ah ajnabiga.
    Intaas waxaa kuu dheer Soomaalidoo malyuumaad Dollars la wareegaysa East Africa, Middle East oo ku gadanaya worthless assets.
    Dadka Koonfurta & W.Galbeed daga xataa halagu casumo inay mashruucaan maalgashadaan

    Wabillaahi Tawfiiq

    ASaid

  2. saydii says:

    acw waxaa u maleeynayaa in range resouces ay soo gaartey lacagihii waligood carabaha siin jireen ama sacuudiga taasoo lagu xanibi hirey shidaalka soomaliya sida uu ku waramay nin sacuudiyaan ahaa oo kabaxsadey sacuudiga kana shaqeeyn jirey shiriikadaha shidaalka ee sacuudi careebiya