Home » Warar »

Kenya oo sheegtay in ay Qabsadeen Afmadow

Telefishanka Citizen ee Kenya ayaa baahiyey in afhayeenka militariga Kenya uu sheegay in ciidamada Kenya ay qabsadeen magaalada Afmadow.

Major Chirchir ayaa dhanka kale Twitter-kiisu ku sheegay in “Ciidamada Kenya (KDF = Kenya Defence Forces) ay qabsadeen magaalada AFMADOW”.

Waxa kale oo uuu sheegay in ciidamada Kenya qabsadeen maagaalada HAYO.

Waxa uu intaas ku daray in ay dileen 6 ka tirsan Al Shabaab.

Chirchir oo ah afhayeenkak militariga Kenya waxa uu hadalka u dhigay sidan:

  • “KDF has secured the town of AFMADHOW. Earlier in the morning KDF captured HAYO town. 6 Al Shabaab were neutralized in the attack.” Circhir ayaa sidaas kuqoray Twitter-kiiisa.

Ciidamada Kenya ayaa ka tallaabay xad beenaadka NFD bishii October ee 2011, ayagoo gudaha u galay dalka Soomaaliya.

Sawirkan hoose waa hadalkii Chirchir uu internetka ku qoray oo uu ku sheegay in Ciidanka Militariga (KDF = Kenya Defence Forces) qabsadeen Afmadow.

Waxa kale oo u uqoray in duqayntii Kismaayo ay maraakiibtoodu ku dileen 11 Alshabaab ah.

Dhanka kale Hoos Ka Daawo TV Citizen warbixintiisii:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.