Home » News »

Soo Dhawaynta Xildhibaan Affey & Safiyo oo Si Xawli ah Uga Socda Melbourne


Melbourne (29 May 2012): Soomaalida degan caasimada gobolka Victoria ee Melbourne ee dalka Australia ayaa ku jira diyaargarowgii ugu danbeeyey oo lagu soo dhaweynayo laguna marti galinayo xildhibaan Maxamed Cabdi Affey iyo xildhibaanad Safiyo Cabdi Nuur oo ah laba xubnood oo ka tirsan baarlamanka Kenya. Mudane Affey iyo Marwo Safiya ayaa qeyb ka ah wafti balaadhan oo ka socda dalka Kenya oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Australia maalintii Axada ahayd (27th May 2012).

Socdaalka waftigan ayaa ku salaysan marti qaad ay ka heleen dowlada Australia, gaar ahaan baarlamanka Australia, ujeedadiisuna tahay wax wada qabsiga labada dal iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Australia iyo Kenya. Waftiga ayaa hadda ku sugan magaalada madaxda Australia ee Canbera, iyaga oo halkaasi uu uga socdo wadahadaladii ay la lahaayeen madaxda dowlada Australia. Xalayto ayaa casho sharaf heer sare ah waxaa waftiga u sameeyey safiirka Kenya ku leedahay dalkan Australia.

Waftigan Kenya ayaa qeyb ka mid ah oo ka kooban 10 xubnood oo uu hogaaminayo Mudane Affey waxa ay si toos ah uga soo duuleen dalka Denmark oo intii muddo ah ay kormeer ku joogeen, halka qeybta kale ee waftiga iyaguna ka soo duuleen magaalada Harare ee dalka Zimbabwe oo ay booqasho ku joogeen ka hor inta aysan iman Australia. Wadaxaajoodka waftiga Kenya iyo kan Australia ayaa soconaya afar maalmood 28 – 31 May 2012. Dhinaca kale, ku xigeenka baarlamanka Kenya Mudane Faarax Macalin oo waftigan hogaaminayey si aad ah loo sugaayey ayaa isagu saacadihii ugu danbeysay baaqday arimo la xidhiidha xagga shaqadiisa oo isagu hadda waftiga lama socdo.

Ka dib marka waftigu dhamaysto arimihii ay u yimaadeen Australia, ayaa waxay la kulmi doonaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Melbourne. Kulankan oo ka dhici doona jaamacada weyn ee Victoria University, ayaa waxaa lagu casuumay dhammaan dadka asal ahaan Soomaalida ah oo ka soo kala jeeda dhammaan wadamada Bariga-Afrika.

Waxaa laga codsanayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee degan Melbourne in ay ka soo qeyb galaan kulankan oo u dhacaya sida hoos ku qoran:

Taariikhda: 1June 2012 (Jimce)

Saacada     : 5:30pm – 10:00pm

Goobta       : Victoria University Footscray Park Campus

Ballarat Road, Lecture Theatre D231

Kala Xiriir : Hassan Yusuf  Shuriye (Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada iyo Soo  Dhawaynta). Mobile: 0422632854

 

Dr. .Maxamed Cabaas

Kismaayo91@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.