Qoraalka oo faahfaahsan ka akhri halkan
Taalado 29da May 2012
Ayadoo laga ambaqaadayo shirkii London ee bishii February ee sanadkan oo looga arrinsanayay Soomaaliya ayaa garwadeenada (Jiliyaasha) dhinaca siyaasadda iyo ururada bulshada ee xilligan waxay ku shirayaan mar labaad Istanbuul si ay diiradda u saaraan “Diyaarinta Mustaqbalka Soomaaliya ” (Pre paring for Somali’s Future).
Hayadaha samafalka Soomaaliya ayaa kulmay si ay ugu gudbiyaan talo bixin ku haboon shirka ka dhacahaya Istanbuul , Turkey 31da May iyo 1da June 2012. Ururka loo yaqaan Somali Humanitarian Operational Consortium (SHOC) ayaa waxuu ku marti galiyay Soomaaliya hayado kor u dhaafi ilaa 60 oo Soomaali ah kuna howlan samafalada (NGOs) si ay uga wada xaajoodaan mustaqbalka Soomaaliya waxayna ku heshiiyeen in ay yeeshaan hal cod oo matala magaca Soomaalida halkaas cod oo ay ku hor fariisanayaan qeybaha kale ee la wadaaga wax ka qabadka baahida soomaalida.
Talo bixintaan hoos ku qeexan waa war murtiyeedkii ka soo baxay oo caddeynaya mowqifka mideysan ee hayadaha ka badan 60ka oo samafalka ka shaqeeya isuguna jira kuwa dalka gudihiisa ku sugan iyo kuwo qurbajoog ah. Waxaa sidoo kale la wadaaga mowqifkaas dalladda “Somali Relief and Development Forum (SRDF)” oo ayadana doorkeeda martigalisay 15kii May ee 2012 hayado dhan 22 oo Soomaali ah Boqortooyadda Midowday (UK) ay xurun u tahay kuwaas oo si qoto dheer u darsay go’aamada ka soo bixi kara shirka Istanbuul.
Hadda guud ahaan tala bixitii ka soo baxday waa sida soo socota:
- Dhammaan qeybaha ay khuseysa arrimaha Soomaaliya waa in ay ka guuraan dhaqanka ah in un laga jawaabo dhibaatoyinka ayna u jeestaan dhinaca ah ka hortagga. Isbebelkaas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya marka la maalgaliyo bulshada ka soo kabaneysa dhibaatadii ku habsatay ayadoo loo abuurahayo ururo iskaashato.
- Dadaalada loogu jiro nabad ka dhalinta SOomaliya iyo dib u heshiisiinta waa in ay ku saleysan tahay talana ay ku leeyihiin dadka deegaanka waana in ay ka turjuntaa qaabka dib u heshiisiinta ay Soomaalidu u aragto in ku haboon yahay sida in uu yahay mid loo dhan yahay kuna saleysan talooyinka dadka deegaanka
- Baqdin la’aanta joogtada ah oo ay keentay shacri la’aanta iyo xadgudbka xuquuqda banii’aadamka iyo sharciyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah waa in aysan sii socon. Anaku aragtideenu waxay tahay haddii aan lagu guuleysan maanta In loo howl galin qaab dhismeed haboon oo lagu ilaalinayo xuquuqda insaanka in taasi ay sii kordhineyso dhaqanka ah sharciga oon laga danbeyn iyo cadaalad darro.
- Hab cilmiyeed farsameysan oo si buuxda ay ugu qeyb qaadanayaan bulshada loo adeegayo, Ururada bulshada rayidka ah ee Somaliya (SCSO’s) iyo hayadaha aan dowliga ahayn marka la qorsheynayo howlaha la xiriira samafalka iyo horumarinta waa in la xaqiijyaa in ay joogaan dad soomaaliyeed oo matala una taagan danaha Soomaalida laga biloobo wajiga hore ee qorsheynta ilaa heerka oogu sareeya ee go’aan qaadashada, taasi waxay ku imaan kartaa in kor loo qaado awooda ururada rayidka ah ee bulshada (SCSO), ayadoo la siinaayo tababaro gacanna laga siinayo howlaha farsamo.
- Dib u dhiska kaabayaasha waxbarasho waxaa ay leedahay mudnaanteeda koowaad, taas oo lagu xiriirinayo baahida bulshada deegaanka iyo helidda hababka cusub ee loo fuliyo adeega waxbarashada. Dugsiyada guur guura (mobile schools) ee la socda dadka reer guuraaga ah waxay gaarsiineysaa Soomaalida ujeedooyinka horumarineed ee la higsanayo in la gaaro bilowga kun buuxdada “Millennium development goal (MDG)” iyo in la helo iskaashi hayado gaar ahaaneed oo bixiya deeq waxbarashada sare taas oo xoojin tayada nolosha, xaqiijinna helitaanka fursado deeq waxbarasho lagu siinayo dhalinyarada la liido oo ka soo jeeda qoysas dan yar ah.
Dhammaad
Qoraalka oo faahfaahsan ka akhri halkan
Dalladda loo yaqaan “Somali Relief and Development Forum (SRDF), waxay ka diinwaangashan tahay Boqotooyada Midowday (UK) waxayna saldhig u tahay oo XIBNAHEEDA ka mid ah hayado waaweyn oo Somali ah waxayna ka shaqeysaa gargaarka iyo horumarinta bulshada Geeska Africa.
Ururka loo yaqaan “Somali Humanitarian Operational Consortium (SHOC)” waa urur ka diinwaan gashan Soomaaliya isku xira hayadaha aan dowliga ahayn ee Soomaaliya oo kor u dhaafaya ilaa 60 hayadood oo inta badan isaga yimid gobolada dhexe ilaa koofurta hoose ee Soomaaliya. SHOC waxaaa taageera seddexda hayadood ee kala ah “Somali Relief and Development Forum (SRDF)”, “Muslim Charities Forum (MCF)” iyo “The Humanitarian Forum (THF)”
La xariir
Hanan Bihi, Somali Relief and Development Forum
0207 845 7610 – Hanan.bihi@srdf.org.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.