Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Booqday Degaanadii loo Barakacay iyo Degmada Afooye ee Shabeelada Hoose

Shiikh Sharif Shiikh Axmed oo ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada Dawladda ayaa maanta socod ku kala bixiyay inta u dhaxaysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo dhawaan kia baxeen xarakada Shabaab.

Sheikh Shariif iyo Saraakiishan la socotay ayaa markii ay gareen degaanka Ceelasha Biyaha halkaa kaga degay Gaadiidkii ay la socdeen isagoona gudaha u galay Suuq halkaa ku yaala oo uu kula kulmay qaar ka mid ah ganacsatadii suuqaas oo ahaa intiisa badan mid xiran oo Cidla la haawanaya.

Madaxweynaha DFKMG ayaa ganacsatadii uu halkaa kula hadlay waxaa uu u sheegey in ay u madax banana yihiin furashada goobahooda ganacsiga isla markaana aysan jirin cid dhibaato u gaysanaysa.

Sheikh Shariif ayaa ganacsatadaas kula balamay in ciddii dhibaato u gaysata oo ka tirsan Ciidamada dawladda in ay ku soo war geliyaan Saraakiisha iyo madaxda sare ee Ciidamada dawladda si looga qaado tallaabada ku haboon.

Sheikh Shariif iyo xubnihii la socday ayaa dabadeed u tallaabay dhinaca meesha loo yaqaano Calamada fagaaro ku yaala halkaasoo uu kula kulmay Saraakiisha Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom oo Fagaarahaas ka samaystay saldhigyo iyo Difaacyo iyadoona Madaxweynuhu uu u hambalyeeyay saraakiishii uu halkaa kula kulmay.

Wafdiga ayaa u baqoolay dhinaca Degmada Afgooye illaa ay ka gaarayeen halka loo yaqaano Baar Ismaaciil ee Kontoroolka afgooye laga galo halkaasoo ay bilaabeen madaxdu in ay ku lugeeyaan gudaha Xaafadaha degmada afgooye.

Sheikh Shariif iyo xubnihii la socday ayaa u sii dhaafay Jiidaha hore dhufeysyada ku yaala ee ay ku sugan yihiin Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom isagoona halkaa salaam sharaf kaga qaatay Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayntii Beer ku taala gudaha Degmada afgooye gaar ahaan Beertii Shiikh Zaaid Aala Nahyaan kulamo kula qaatay Saraakiisha Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom iyagoona ka wada hadlay sidii loo sii adkayn lahaa amaanka goobaha ay ka taliyaan Ciidamada Dawladda.

Madaxweyne Shariif ayaa ugu dambayntiina war bixino ka dhaysatay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Dhega Badan iyo sarkaal u hadlay Amisom kuwaasoo sheegey in ay sii wadayaan duulaanka ay ku doonayaan in gebi ahaanba xarakada shabaab ay ka xoreeyaan Dalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.