Home » Warar »

Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Subaxnimadii Hore ee Maanta ka Dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.

iyo Ra’iisul Wasaare Gaaz oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay lagu qaaday Kolanyadii Gaadiid ee Galbinaysey Madaxweyne Shariif.

iyo Afhayeenka Dhinaca Ciidamada ee Xarakada Shabaab oo Sheegey inay Dileen Saraakiil Sare oo ka Tirsan Ciidamada Kenya.

Warbixinadii Amiin Yuusuf:

Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Subaxnimadii Hore ee Maanta ka Dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.

Inta la Xaqiijiyay Lix Askeri oo ka tirsan Ciidamada Pontland ayaa dhimatay halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacan tay qarax subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug .

Lix Askeri oo dhimatay ayaa ka tirsanaa Ciidanka dawladda Hoose kuwaasoo la sheegay in qaraxaas ay ka soo qaadeen Xerio dad bara kacayaal ah ay deggan yihiin.

Warku waxaa uu intaa ka daray in qaraxaas Ninkii waday xalay ay toogteen Ciidamada ammaanka xilli sida la sheegay uu doonayay in qaraxaas uu halkaa dhigo.

Dadka qaraxaas ku dhaawacmay ayaa iminka Isbitaalka lagu dabiibayaa iyadoona la sheegayo qaar ka mid ah in xaaladoodu aad u liidato.

Ma jiraan wax hadal ah oo dhinaca Ciidamada ammaanka ka soo baxay iyadoona la filayo in Taliska Ciidanka Boliiska ee Gobolkaas in saacadaha soo socda ay arrintaa ka hadlaan.
.

Ra’iisul Wasaare Gaas oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay lagu qaaday Kolanyadii Gaadiid ee Galbinaysey Madaxweynaha DFKMG.

Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya oo iminka ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka hadlay Weerarkii Shalay Gelinkii danbe lagu qaaday Kolanyadii gaadiid ee galbinayay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu horeyn Cambaareyn u soo jeediyay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas isagoona sheegay in arrintaas ayan la yaab ku ahayn kuwii hore falkaas u samayn jirayna ay ka danbeeyeen Weerarkaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u Direy qoyskii uu ka Geeryooday Askerigii ka Tirsanaa Ciidamada dawladda ee halkaa ku dhintay isagoona Ilaah uga baryay kuwa ku dhaawacmayna inuu Caafimaad siiyo.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha Road Mapka isagoona sheegey in wax waliba ay u socdaan sidii loogu tala galay isagoona meesha ka saaray suurta galnimada in wax laga bedelo iminka Dastuurka qabya qoraalka.

Afhayeenka Dhinaca Ciidamada eeXarakada Shabaab oo Sheegey inay Dileen Saraakiil Sare oo ka Tirsan Ciidamada Kenya.

Afhayeenka Xarakada Shabaab ee dhinaca hawl galada Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab oo Xalay ka hadlayay dagaal shalay ka dhacay Degaano ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa ka warbixiyay Guulo uu sheegay in Ciidamadoodu ay ka gaareen dagaal ay ku qaadeen Kolonyo gaadiidka Ciidamada ah o ay wateen Ciidamada kiinyaanka.

Af hayeenka ayaa sheegay in Ciidankoodu dagaal gaadma ah oo Jid Gooya ah ay ku sameeyeen Kolonyo gaadiid ah oo gaarayay illaa shan iyo labaatan Gaari oo noocya kala duwan ah isugu jiray kuwaasoo sida uu sheegay ka soo anbabaxay Degaanka Qooqaani kuna sii jeeday degaanka Taabta.

Abuu Muscab ayaa sheegey in Illaa Shan gaaro oo qaarkood ay Hubaysnaayeen inay halkaa ku gubeen isagoona intaa raaciyay in halkaas ay ku dilee Seddax sarkaal oo Sare loona soo magacaabay in ay Hoggaamiyaan Hawlka Amisom ee Ciidamada Kiinya.

Labaatankii kale ee Gaadiidka ahaa ayuu sheegay weerarkaas kaddib in ay kala firxadeen iyadoo Ciidankii la socdayna ay ka dhigeen wax ay laayeen iyo wax baxsada.

Cabdilcasiis Abuu Muscab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidankoodii weerarka qaaday ay u suurtowdey inay halkaa ka qaataan Hub iyo saanad kale oo Milatery taasoo uu ku sheegay in ay tahay Guul aad u ballaaran oo ay gaareen Ciidamada xarakada Shabaab ee halkaa dagaalka ka wada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.