Home » Warar »

Maxaa ka jira in Dowlada Turkiga ay Dooneyso in Sannadkaan Dalkeeda lagu soo Doorto Xubnaha ka mid noqonaya Dowladda Cusub ee Soomaaliya

  • iyo Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM Howgalo ay ka Sameeyeen Degmada Af Gooye ku soo qab qabtey Dad gaaraya 100 Qofood

Warbixin Turkiga:

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya soo faragelisey Xiligii Abaaraha ka dilaaceen Soomaaliya ayaa hada muuqata in ay u Xuubsiibaneyso sidii ay ugu lug yeelan lahayd Siyaasada Soomaaliyaa ka dib markii ay 23 Feberaayo ee Sannadkaan 2012 shirkii London ay kaga dhawaaqdey in ay marti gelineyso shir looga hadlaya arimaha Soomaaliya kaasoo qorshihiisu ahaa in la qabto Bisha Juun ee fooda nagu soo hayso.

Hadaba waxaa durba la dareemey ku lug lahaanshaha Arrimaha Siyaasada Soomaaliya waxaa markiiba magaaladda iStanbuul loo duuliyey 200 Xubnood oo isugu jira Odoyaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka waxayna Dowladda Turkiga ay sheegtey in sababta ay kulankaan loo qabanayo ay tahay in Odoyaasha dhaqanka ay soo eegaan Wax loogu yeerey Dowlad Wanaaga iyo Horumarka ay gaartey Dowladda Turkiga hase yeeshe waxaa muuqata in taas ay meesha ka sii baxayso waxaana warar aan helney ay sheegayaan in Dowladda Turkiga ay aad u dooneyso in ay si weyn uga Galaan gal ugu yeelato arrimaha Siyaasada Soomaaliya.

Warar aan ka helney Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku suga Dalka dibadiisa ayaa noo sheegey in Dowladda Turkiga ay sannadkaan dooneyso in ay martigeliso mid ka mid shirarka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxay sheegeen in Dowlada Turkiga ay dooneyso in dalkeeda lagu soo dhiso Dowladii la filayo in ay Soomaaliya ka hana qaado Bisha Ogosto ee Sannadkan waxay kaloo ay sheegeen in Dowladda Turkiga ay martigelineyso ilaa kun qof oo Soomaaliyeed oo qaarkood dalka Turiga ku ansaxin doonaan Dastuurkii Qabyada ee muranka xoogan uu ka dhashey.

Sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa in ay Odoyaasha Dhaqanka ay soo xulaan Xubnihii ka mid noqon lahaa Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyadoo sidoo kale Dowladda Turkiga ay dooneyso in marka la soo xulo Xubnaha Baarlamaanka iyana halkaa ku doortaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa sidoo kale Dowlada Turkiga waxay dooneyusaa in dalkeeda lagu soo dhiso Dowladii Soomaaliya waxaan la sheegey in Xitaa Madaxweynaha halkaa lagu soo dooran doon, ka dibna Muqdisho lagu soo noqon doono iyadoo soomaaliya ay u dhisan tahay Dowlad Rasmi ah oo aan ku meel gaar ahayn.

Waxaa Magaalada Stanbuul ku sii qulqulaya Siyaasiyiin , Aqoonyahano , iyo Qurba joog kuwaas oo doonaya in ay goob joog ka noqdaan hadba halka ay mareyso Siyaasada Soomaaliya, qaarkood waxaa la sheegey in ay halkaa u tagayaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda waxaa durbaba laga dareemey dalka Turkiga qul qulka dadka Soomaaliyaaed waxaana la sheegey in shirka haatan ka furmey uu socon doono ilaa bisha Ogoosto ee Snnadkaan dadka qaar baa kuu sheegaya in waqtiga uu intaa ka badnaan doono maadaama la soo dhisayo Dowladdii Soomaaliya iyagoo Tusaale u soo qaatey shirarkii ka dhacay Embaghati iyo Carta oo muddo dheer Socdey

Shirkaan ayaa la sheegey in ay ka soo qaybgalayaan Maamulka Soomaaliland iyadoo wadata qorshe la sheegey in aad u adag yahay kaasoo ah in Xubaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda loo qaybsadp 50 iyo 50 dhaqaalaha loo qaybsado 50-50 iyo Masuuliyintooda uu fadhigoodu uu noqdo Magaaladda Hargeysa waxaana la sheegey in shirkaan uu daba joogo shiirkii ka dhacay magaalada London iyadoo Dhawaan Dowlada Ingiriiska ay sheegtey in shirarka soomaalida ay ku bixin doonto 11 Milyan oo doolar waana midda Dowlada Turikaga ku dhiiragelisey in ay Soomaalida u qabato shir lagu soo dhisayo Dowlad Soomaaliyeed

Hadaba Shirkaas lagu qabanayo Stanbuul waxaa markiiba soo wajahdey Mucaaradad kaga timid Maamulada Pundland iyo Galmudug ka dib markii ay sheegeen in aysan ka warqabin Ajandayaasha looga hadlayo hase yeeshee dadka u kuurgala arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in wararka ka soo, yeerey maamuladaas ay tahay mid ay gadaal ka soo riixeyso Dowlada Itoobiya sidoo kale Maamuladaas oo yagu doonayay in shirka Turkiga lagu qabsado saxiixayaashii Road Map-ka ee Lixda Xubnood ahaa waxayna ka soo horjeedaan in wax lagu qaybsado habka 4.5 taasoo la sheegey in aysan dani ugu jirin labadaas Maamul hadaba waxay wax waliba kala Cadaan doonaan Maalmaha soo socda

Ciidamada Dowlada KMG iyo kuwa AMISOM Howgalo ay ka Sameeyeen Degmada Af Gooye ku soo qab qabtey Dad gaaraya 100 Qofood

Col. Cabdullaahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Gaazka koowaad ee ciidanka Xoogga Dalka ee DFKMG Soomaaliya ayaa maanta Shir jaraa’id ku qabtay gudaha degmada af gooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.Col. Caanood ayaa ka war bixiyay hawl gal ay saaka Ciidamada Mileteriga, nabad Sugidda iyo amisom ay si wadajir ah uga sameeyeen gudaha degmada af gooye.

aliyaha ayaa sheegey in hawl galkaas lagu soo qabtay illaa dad tiradoodu ay gaarayso Boqol qof oo ka tirsanaa Ciidamadii Xarakada Shabaab magaaladana ku dhuumanaya hase yeeshee dadkaas lama oga in ay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab Col. Caanood ayaa sheegey in Ciidamada Mileteriga Soomaaliya kelidood ay soo qabteen illaa Soddon Xubnood oo ka mid ah Boqolkaas qof ee maanta hawl galada lagu soo qab qabtay halka inta hartayan ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda Dawladda iyo kuwa amisom.

Taliyaha ayaa shacabka Reer afgooye uga mahad celiyaya gacantii ay ka gaysteenhawl galkaas isagoona sheegey ainay si wanaagsan ula shaqeeyeen Shacabka Reer af gooye oo uu sheegay in ay hor kacayeen Hawl galkii maanta ka dhacay gudaha degmada af gooye.Taliyaha Gaazka koowaad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan hawl agalada ay ku soo qab qabanayaan kooxihii hore uga tirsanaa Xarakada Shabaab isla markaana sharciga la waafajinayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxaa ka jira in Dowlada Turkiga ay Dooneyso in Sannadkaan Dalkeeda lagu soo Doorto Xubnaha ka mid noqonaya Dowladda Cusub ee Soomaaliya "

  1. ina jareer weyne waxaan deganahay degmada jawhar waxaan qabaa marka hore in madaxweyne laga dhigo nin jareer weyne ah si ay u dhamaato shakiga ku jiro soomalida dhaxdeeda oo ku saabsan qabiilka