Home » Warar »

Xarakada Al Shabaab oo Sheegtay in Degaanadii ay ka Baxeen uu Bixitaankoodu Xeelad Dagaal ahaa dib ugu soo laaban doonaan Muqdisho

iyo Dawladda Federaalka KMG oo Sheegtey in ay Sii Wadi Doonaan Dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al Shabaab —

Afhayeenka dhinaca Hawlgalada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay degaanadii ay Ciidamadooda ka baxeen iyo sababta keentay inay halkaa ka baxaan.

Af hayeenka Shabaab ayaa sheegey in tani ay tahay Xeelad Dagaal balse aysan jirin wax awood darri ah oo Ciidankooda haysata isagoona ballan qaaday in Dagaalo xoog leh ay ku qaadi doonaan Fariisimada Ciidamada dawladda iyo kuw Amisom ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka dhinaca Hawl galada Xarakada Shabaab ayaa dhinaca kale sheegay in Ciidamadoodu aysan ka bixin Degaanada loo barakacay halkaasna ay ku sugan yihiin isagoona ballan qaaday in dhawaan halkaas ay ka gaysan doonaan Weeraro ay dib ugula wareegayaan degaanada ay soo galeen Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom .Af hayeenka Xarakada Shabaab ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed eek u sugan degaanada ay soo galeen Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom inay dagaal kala hor tagaan kuwaasoo uu sheegay inay duulaan ku yihiin Maalkooda, Naftooda iyo Diintooda.

Ma aha markii u horeeyay ee Ciidamada xarakada Shabaab ay sheegaan in degaanada ay ka baxeen in ka bixitaankoodu uu yahay mid Xeelad Milatery ah dibna ay ugu soo laabanayaan degaanada ay ka baxaan.Magaalada Muqdisho Degmooyin ka mid ah ayay ahayd markii ay kal hore ka baxeen Xarakada Shabaab oo ay sheegeen in Xeelad dagaal ay tahay dibna ugu soo laaban doonaan iyadoo magalada Muqdisho ka wadaan Qaraxyo iyo Dagalo ku dhufo oo ka dhaqaaq

Dawladda Federaalka oo Sheegtey in ay Sii Wadi Doonaan Dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al Shabaab

Abaanduulaha Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka KMG Gen Cabdikariin Dhega Badan oo warbaahinta kula hadlay inta u dhaxaysa Degaanada loo Barakacay ee Duleedka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay qabsashadii ay qabsadeen Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom Degmada Afgooye. Dhega badan ayaa sheegey in Dagaalkii ay la galeen Xarakada Shabaab inuu ahaa kii ugu khasaaraha yaraa eed dhinaca Rayidka isagoona sheegay in Ciidamada Milateriga ay adeegsadeen Khidad Milatery oo heerkeedu aad u sarreeyo si loo bad baadiyo Shacabka ku dhaqan Degaanada loo barakacay.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka ee DFKMG ayaa sheegey in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dagaalamayo sidii uu uga dul qaadi lahaa Culeyska dhinaca xarakada Shabaab ay ku hayaan isla markaana ay Har iyo haben u soo jeedaan Difaacidda Qaranimada iyo Sharafta Ummadda Soomaaliyeed.

Gen Cabdikariin Dhega badan ayaa ka codsaday dadka ku dhaqan degaanada loo bara kacay inay is dejiyaan isla markaana Ciidankan uu yahay Ciidankoodii sidaa darteedna aysan suurta gal ahayn in wax dhib ah la gaarsiiyo dadka Shacabka ah.
Jananka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu yeeray Dhallinyarada ka tirsan Shabaab in ay isa soo dhiibaan dadkoodana dhinac ka raacaan isagoona u ballan qaaday xitaa haddii ay goobahaas wax ganacsi ah ay ku leeyihiin inaan far loo taagi doonin ganacsigoodana ay iska sii wadan karaan.

Abbaanduulaha ayaa dhinaca kale ku hanjabay Askerigii ka tirsan Ciidamada dawladda oo haba yaraatee wax dhibaata ah u gaysta Dadka Rayidka inay Wejiga ka toogan doonaan iyadoo aan wax maxkamad ah la gayn. Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegey in ay dagaalka sii wadayaan illaa guud ahaan Dalka Soomaaliya ay ka Saaraan Ciidamada Xarakada Shabaab ee ka soo hor jeeda Ciidamada dawladda iyo kuwa la socda ee Caawinaya ee Midowga Afrika

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.