Home » Warar »

Shirkii 11-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika oo Minneapolis kafurmay

  1. “Hal ku dhiga shirka Sanadkan ayaa ahaa Tayeynta Hay’ada NACSI”

Minneapolis: Waxaa si rasmi Shalay iyo Maanta uga socda Masaajidka Abuubakar As-Saddique ee Magaalada Minneapolis shirkii 11-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika loona soo gaabiyo (NACSI), shirka waxaa kasoo qayb galay golaha shuurada oo matalaya 18 Maraakis/Masaajid iyo golaha fulinta oo ka kooban 5- xubnood, Shuurada waxaa Gudoomiye u ah Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, shirkan oo sanadkasta lagu qabto Markas kamid ah Maraakista Golahaan ku midaysan ayaa Sanadkan waxaa MarTi galiyey Maraakista iyo Masaajida gobolka Minneasota oo Abuubakar uu hogaaminayo.

Halkaan ka daawo sawirada shirka

Shirka ayaa sida caadada ahayd Magaalada aad looga dareemay, maadaama Imaamyada shirka kasoo qayb galay ay ka khudbaynayeen Masaajiddada Gobolka Minnesota.

Shirka ayaa lagu furay Isdiiwaan galin iyo Soo dhawayn loo jeediyey culimmada iyo ducaada ka kala timid Maraykanka daafahiisa. Culimmada iyo ducaada ayaa aad ugu faraxsanaa inuu shirkaan nasiib u yeeshay inuu kala soo qayb galo Sh. Maxamed Idris Axmed oo kamid ah Culimmada Waawayn ee Soomaaliyeed, kana mid ah aasaa sayaashii Majlisul aa’iamah ama Golaha Imaamyada.

Soo dhawayntii kadib ayaa shirka waxaa si rasmi ah u furay : Sh. Abdirahman Sh. Omar, ah Gudoomiyaha Shuurada NACSI, sheikha ayaa ka hadlay muhiimada kulankan, illaahayna uga mahad celiyey waafajinta Culimmadaan Soomaaliyeed uu waa faajiyey inay Sameeyaan golaah sanadkii 2000 oo ahayd xiligii Soomaalidu Maraykan kusoo qulqulaysay, qodobka labaad ee shirka Saaka ayaa ahaa, warbixin Xubnaha Hay’ada NACSI kuna saabsan Nashaadkooda, barnaamijyadooda iyo guud ahaan gobolka ay ka yimaadeen, waxaa xusid mudan in laga warbixiyey daafaha Maraykanka oo dhan, Minnesota waxaa kasocday 5- Masaajid, California, Georgia, Tennessee , Seattle Washington, Ohio, Arizona, Kansas Missouri, New-England, Utah, iyo qaar kale.

Sidoo kale waxaa shirka warbixin kasoo jeediyey Cali Xaaji oo ah HARO masuulkeeda kana soo noqday Soomaaliya, Ali Xaaji ayaa ka dhawaajiyey arin kasoo qayb galayaashii shirka walaac galisay, taasoo ah “Dacwada wadanka aad ayey u hoosaysaa, mana arkaysid waxbarasho Islaami ah oo kusoo jiidata, waxaan idiin soo jeedin lahaa in Dacwada wadanka aad dad baraarujiya oo oo dhiira galiya u diyaarisaan ayuu kudaray.Sidoo kale Dhalinyarada Golaha maraykanka oo majlisku aas aasay ayaa iyana warbixin kooban oo kusaabsan baahida dhalinyarada kunool wadankan maraykanka kasoo jeediyey. Intaa kadib waxaa loo dareeray khubada Jimacaha.

Galabnimmadii ayaa shirka dib loogu soo noqday waxaana warbixin kasoo jeediyey Abdullahi Nuur (Abul Fadli) oo ah ku xigeenka gudoomiyaha fulinta wuxuuna ka hadlay “Qodabadii ka fulay go’aamadii kalfadhigii golaha Majliska ee sanadkii hore (2011), kuwii aan fulin iyo sababihii ay la fuliwaayeen!

 

Intaa kadib Taariikhda iyo baahida keentay in la’aas aaso Golahaan waxaa ka hadlay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, aadna ugu dheeraaday marxaladihii uu soo maray, intaa ka dib waxaa shirka lagu soo dhaweeyey marti sharaf ay ka mid ahaayeen Sh. Xasan Jaamici, Sh. Sacad Muse, Sh. Jibriil Qaadi, Sh. C/laahi Ibraahim, Sh. C/risaaq Sancaani iyo Sh. C/qani Qardhaawi oo dhamaantood ka mid ah Culimmada.

Intaa kadib waxaa Siminaar bixiyey kusaabsan Sidee loo tayeyn karaa loona hormarin karaa Nashaadaadka iyo Barnaamijyta NACSI Sh. Mohamed Idiris.
Shirka waxuu ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan, shirka oo galay maalintisii labaad dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa, waxii kasoo baxa gabagabada shirka insha allaah.

Halkaan ka daawo sawirada shirka

Xasan Dhooye
Minneapolis

_____________________________________________

Golaha isutaga masaajida ee waqooyiga Ameerika waa jamciyad khayri ah ama organization non profit ah.

Waxaana la aas aasay dhamaadkii sanadkii 2000kii,wuxuusa si rasmi ah u dhaqangalay sanadkii 2001dii

UJEEDOOYINKII LOO AAS AASAY:-

1- Dhismayaasha Masaajida iyo Maraakista Islaamiga ah.

2-Midaynta Awooda Masaajida iyo Maraakista jaaliyada .

3-Xalinta qilaafaadka jaaliyada mid good iyo mid gaar ahba. sida Xalinta dhibaatooyinka qoysaska.

4-Ka jawaabida masaa isha diiniga ah{Fadwah}.

5-Iclaaminta{Sheegida soogalida iyo bixida bisha ramadaan si loo ilaaliyo midnimada umada.

6-Diyaarinta ducaad{Culimo} si ay jaaliyada uga haqabtiraan baahida diimeed.

7-Wacyi galinta dhalinta da’da yar ee qurbaha,si looga ilaaliyo dhaqan xumada iwm.

8-Gaarsiinta Dacwada{Islamka}Dadyooga kale ee aanan muslimka ahayn.

MASAAJIDA IYO MARAAKISTA KU MIDAYSAN GOLAHA.

1-Masajidka abu-bakar asadiq                 Minneapolis,MN

2-Masjidka  Al-Ixzan                                St.paul,Mn

3-Masjid Ibnu-taymiyah                          Columbus,OH

4-Masjid Arahma                                    Owatanna,MN

5-Masjid Ataqwah                                   Kansas,MO

6-Masjid bilal                                          pelican rabe,MN

7-Masjid Asunah                                     Atlanta,GA

8-Masjid al-ansar                                   Sandiego,CA

9-Masjid Arahmah                                  Phenix,AZ

10-Masjid Al-faruq                                  Nashville,TN

11-Masjid Al-huda                                    Salt lake city,Ut

12-Masjid Abu-bakar Asadiq                   Seattle WA

13-Omaha Islamic Center                       Omaha,NE

14-Masjid Billaal                                      Portland,ME

15-Masjid Atawfiq                                   Boston,MA

16-Faribault Islamic Center                        Faribault,MN

17-Lewiston Islamic Center                        Lewiston, ME

18-Irshad Islamic Center, Eden Prairie, MN

Iyo maraakis yar yar oo ku yaalo tooliynka qaarkood oo hoostago masaajida waawayn ee gobalada.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.