Home » Warar »

AMISOM oo Sheegtay in ay la wareegeen Afgooye

Warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan ay Jimacdii May 25, 2012 la gudbeen websiga Shabeelle, lana wareegeen gacan ku haynta magaalada Afgooye.

Afgooye waxaa hore gacanta ugu hayey Al Shabaab.

Faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin AMISOM.

Waxaana warsaxaafadeedka lagu soo koobay in Ciidamada AMISOM la wareegeen Afgooye. “AMISOM Press Release – 25-05-2012 regarding the crossing of the Shabelle River and the securing of Afgooye town by African Union troops.”

Video ay faafiyeen AMISOM ka Daawo HALKAN : http://vimeo.com/42852166 password afgoye 2 (FG: Fure ayuu Video-ga u baahan yahay waana: afgoye 2).

Magaalada Afgooye oo uu maro webiga Shabeelle waxay Muqdisho u jirtaa 19 miles ama 30 km (Tixraac: Fogaanta magaalooyinka)

Dhanka kale Idaacaddda waraka u faafisa Boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC) ayaa shegtay in aysan jirin cid gacanta ku haysa Afgooye kaddib markii ay shalay AlShabaab iskaga baxeen oo aan AMISOM weli gelin halkaas.

Halkan ka dhegeyso warkaas:

[audio: http://somalitalkradio.com/cod/2012/afgoye_yaahaysta.mp3]

Sawirka hoose waxaa Khamiistii May 24, 2012 faafiyey AMISOM

Daawo Video Aljazeera: AMISOM oo sheegtay in ay doonayaan in ay isku xiraan AfGooye iyo Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.