Home » Warar »

Nin Turki ah oo Ganacsade ah oo lagu dilay Suuqa bakaaraha

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaah wasiirada DFKMG ayaa sheegay in ay “tacsi u direen dowladda iyo shacabka turkiga oo xalay nin Turki ah oo ganacsade ah lagu dilay suuqa bakaaraha. Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan arrinkan la xiriirta si loo oggaado sababta keentay dilka ama sababta ninkan uusan u soo wargelinin hay’adaha amniga joogistiisa suuqa bakaaraha.”

Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri:

Shirkii Golaha Wasiirada
Muqdisho, 24 May 2012

(Muqdisho, 24 May 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga & Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Heshiiskii Addis Ababa ee Madaxda Soomaalida, Howlgalka Ciidamada Dowladda ee ku wajahan Afgooye, arrimaha amniga, Shirkadda Hormuud iyo arimo kale.

Ugu horeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey Shirkii Madaxda Soomaalida ee xalay ku soo gabogaboobay magaalada Addis Ababa oo go’aanno muhiim ah oo waqtiyeysan ay Madaxda Soomaalida isla gaareen si loo dhameystiro qorshaha Roadmap-ka oo la dhameystiro xilliga KMG ah 20ka August 2012. Golaha Wasiiradda ayaa si qoto dheer uga hadlay go’aanada iyo sida loogu baahanyhay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiraddu waxey soo dhoweeyeen go’aanaddaas dhaxalgalka ah ee Soomaalidu isku raaceen kana codsaday shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan oo ay gacan buuxda ka geystaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa marxaladdan adag. Wasiiru Dowlaha Dastuurka ayaa sheegay in Madax dhaqameedkii ay guda galeen howlahoodii soo xulinta Ergeda Ansixinta Dastuurka oo ay meel fiican mareyso.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey Golaha Howlgallo militari oo maalmahan ka socday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ujeedadu aheyd sidii kooxaha nabad-diidka ah looga saari lahaa goobahaas si shacabku ay u helaan ammaan iyo kala danbeyn dhameystiran si ay hay’adaha gargaarka ah ugu gar-gaaraan shacabka.

Golahu waxey ku ammaaneen ciidanka XDS iyo AMISOM guulaha is-daba-jooga ah oo ay kooxaha nabad-diidka ah uga xorreynayaan dalka. Golahu waxey kaloo ku ammaaneen ciidanka sida loo bad-baadiyey shacabka oo looga baaqsaday in Ceelasha dagaalku ka dhaco oo kor labo meelood laga soo galay. Waxeyna Golahu ka codsadeen Hay’adaha Gar-gaarka in shacabka si deg-deg ah loola soo gaaro gurmad gar-gaar.

Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Degedaha ayaa ka warbixin ka bixiyay sababaha ay diyaarada Turkish Arlines uga soo dege weyda goroonka diyaaraha Muqdisho labadii Usbuuc ee la soo dhaafay sababtu ay u soo dege weyday waxey tahay cilad hawada iney jirtay wasaaraduna ku howlan tahay sidii xal loogu heli lahaa balse todobaadyada soo socdo ay soo degi doonto.

Ugu danbeyntii golaha wasiiradu waxey tacsi u direen dowladda iyo shacabka turkiga oo xalay nin Turki ah oo ganacsade ah lagu dilay suuqa bakaaraha. Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan arrinkan la xiriirta si loo oggaado sababta keentay dilka ama sababta ninkan uusan u soo wargelinin hay’adaha amniga joogistiisa suuqa bakaaraha.

– DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication direct office of the PM

Mobile: +252 615 244689
+252 699 070907

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.