Home » Warar »

Maamulka gobolka Banaadir oo soo bandhigay 24-Kartoon oo KHAMRI ah iyo raggii watay

Kadib howl gal ay sameeyeen ciidamada nabd gelyada degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen rag watay KHAMRI Orginal ah oo ku jiray Kartoomo kama koobnaa 24 Box ayaa waxaa saxaafadda usoo bandhigay Afhayeenka maamulka gobolka iyo guddoomiyaha degmadaasi.

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo saxaafadda kula hadlayay irida hore ee saldhiga degmada CabdiCasiis oo maanta lagu soo bandhigay 24-Kartoon oo KHAMRIGA nooca dibadda laga keeno ah iyo raggii watay.

Ayaa waxa uu sheegay in raggan watay KHAMRIGA laga soo qabtay gudaha degmada CabdiCasiis kadib howl gallo amniga lagu sugayay oo ciidamada Amniga degmada ay saaka waabarigi sameeyeen.

Sida idiin muuqata waxaan gacanta kusoo dhignay KHAMRI 24-Kartoon ah Raggii watay iyo gaadiidki ay ku wadeen, waxaana ku wareejineynaa hortiina hayadaha Amniga sida Boliiska oo baaritaano ku sameyn doona? ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa goobtaasi ka hadlay guddoomiyaha degmada CabdiCasiis Cabdullaahi Xuseen Xasan oo isna ka dhawaajiyay iney wadi doonaan howl gallada ay ku xaqiijinayaan amniga degmada isagoona ka codsaday Boliiska iney caddaalada horkeenaan raga lagu soo qabtay Khamriga.

Maaha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleysto soo qabashada waxyaaba maanka dooriya iyo raashiinka dhacay oo dadweynaha reer Muqdisho laga iibiyo.

Xafiiska Warwaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Muqdisho-Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.