Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG oo Sheegay in ay baaritaan ku wado warbaahin….

War Saxafaded 54/2012

Dowladda oo Baaritaan ku wado caay iyo af-lagaado ay geysateen xarumo warbaahin

(Muqdisho, May 22, 2012) Asbuucyadii la soo dhaafay ayaa waxa socday ol’ole ay wadeen qeyb ka mid ah saxaafada oo madaxda dowladda kula kacay caay iyo af-lagaado, iyagoo abuuraya cabsi ama jahwareer oo ku wajahan hanaanka nabadda ee Soomaaliya, ujeedaduna ay tahay qas iyo fowdo lagu sameynayo heshiiskii qariidada nabadda ee Roadmap-ka.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in dhaqankaan uu ku kooban yahay oo kaliyah kooxo saxaafada u adeegsada ujeedooyin khaas ah, kuwaas oo shacabka runta ka marin-habaabiya. Saxaafada inteeda badan ma ahan kuwo ku sifeysan tilmaamahaas, sababtoo ah intooda badan waxay gutaan waajibka ka saaran ku dhaqanka sharciga saxaafada ee ka jira dalka, oo uu baarlamaanka DFKG ay qaadatay sanadkii 2007-da.
Shuruucda waxay si cad u qeexayaan cawaaqibta ka dhalan karta markii ay saxaafada ku kacdo caay, sumcad-dillid, been-abuur iyo xumaan ula kac ah taas oo mamnuuc ka ah in saxaafadda lagu baahiyo.

Dowladda waxaa ka go’an in ay dhowrto saxaafada xorta ah, laakiin in la dafiro shuruucda u dagsan saxaafada oo markaas been laga abuurto dowladda, shacabka, waxgaradka iyo cuqaasha – iyadoo baad la weydiisanayo – ma ahan mid loo dulqaadan karo. Wararkii ay faafineysay mid ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay ayaa ka mid in lagu sheegay masuul sarre oo dowladda ka mid ah in uu lunsaday ama xaday hantidii dowladda iyadoo aysan jirin wax cadeyn ah oo arintaas loo daliishaday.

Sharciga wuxuu sheegayaa masuulad iyo anshaxa wanaagsan in loo hogaansamo markii ay idaacad gudbineyso wararka, si saxaafada ay xornimadeeda u hanato. Markii shati la siinayo warbaahin, waxaa shuruudaha ka mid ah in idaacadda ay buuxin karto waajibaadka ka saaran bulshadda, gaar ahaan in la xaqiijiyo faaf-reebida waxyaabaha lidka ku ah anshaxa bulshada, beenta, caayda iyo shaqsi-weerarka.

Dalka waxa uu ku talaabsaday jawi nabadeed iyo mid xasilooni, taas oo ay dowladdu ugu gogol-xaareyso dhaqan-galka saxaafad xor ah oo madax banana iyo bulshada rayidka ah oo buuxisa doorkeeda si loo gaaro dibu-heshiisiin dhab ah. Sidaas darteed, mulkiilayaasha idaacadaha waa in ay ka digtoonaadaan jabinta sharciga u degsan saxaafada iyo in ay hor-istaagaan hanaanka nabadda iyagoo baahinaya warar kheyrul-masuulnimo leh oo carqalad ku ah nabadda.

Dowladdu waxay taageersan tahay saxaafadda xorta ah, waxaana ka go’an in ay garab istaagto bulshada rayidka ah si ay qeyb uga noqdaan dadaalka lagu samatabixinayo dalka. Waxa kale oo ay dowladdu ku dhaqaaqday baaritaan lagu sameynayo mulkiilayaasha idaacadaha loo furtay in ay saxaafadda meel uga dhacaan oo ka shaqeeyaan buun-buuninta qaska, rabshadaha iyo been abuurka.

DHAMMAAD

Warsaxaafadeed 55/2012

Ciidammada Dowladda oo Qabsaday Jidka Afgooye ee Istiraatiijiga ah

(Muqdisho: 22 Maajo 2012) Ciidamada Soomaaliya oo garabsanaya ciidammada Migowga Afrika ayaa weerar ballaaran ku qaaday maanta,gabbaadkii duleedka Muqdisho ee ugu dambeeyay maleeshiyaadka argagixisada ah, iyo Jidka Afgooye ee Istiraatiijiga ah, iyadoo ay ka carareen maleeshiyaadka Al-Qaacida deeganadaas, Shacabka ku nool deegaanada gacanta xukuumadda ku soo laabtay ayaa soo dhaweeyay ciidammada dowladda.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta oo ka hadlayay guulaha ay xukuumaddu soo hoysay iyo naf-huridda ciidammada Soomaaliya iyo kuwa la jaalka ah ee Midowga Afrika ayaa yiri “Hadafkeenu waa isla isagii uu kaaso ah cayrinta argagixisada iyo burburinta gabaadyadooda aaminka ee dalka ku yaal”

“Xukuumaddu way wiiqday awoodii Al-qaacida iyo laantooda Soomaaliya ee Alshabaab, awoodna uma laha in ay weerar ku qaadaan Xukuumadda iyo Jaalkeena” ayuu wasiirku ku daray.

Taliye Sare oo Ciidammada ka tirsan ayaa xaqiijiyay horumarka ay ciidammadu sameeyeen iyo in lagu guuleystay weerarkii manta Ciidammada Soomaaliyana waxay ka soo saareen miinooyin argagixisadu ku aastay degaanadii la xoreeyay.

Iyadoo ay qeyb ka tahay duulaanka maanta olole ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-qaacida, xukuumadda Soomaaliya waa ay sii laba jibaaraysaa weerarka ka dhanka ah maleeshiyaadka argagixisada ah ilaa laga cirib tiro, loona diido fursad in ay dib isku soo abaabulaan mar kale.

Waxaa xusid mudin in shacabka Soomaaliyeed uu ku gacan sayray meerisyada iyo qawaaniinta guracan ee xagjirka Al-Qaacida, waxaana uu muujiyay sida uu u garab taagan yahay Xukuumadda dadaalka ay ugu jirto in ay jibiso maleeshiyaadka Al-shabab ee xagjirka ah.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.