Home » Faallo »

Ugaaska Guud ee Beesha Sade oo ka tacsideeyey Geeridii Sh.Maxamed Sh.Axmed Cigaal (Xaadle)

Marxuum Ugaas Sh.Maxamed Sh.Axmed Cigaal (Xaadle) oo Mombasa ku geeriyoodey Mayy 22, 2012, Allah ha u naxariisto

Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo dhamaan dhaqanka beelaha Sade oo tacsi dirayo.

Inaalillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Anigoo ku hadlayo magaca isimada dhaqanka beesha Sade, Waxaan tasci u dirayaa dhamaan duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan duubabka beesha Sade iyo duubabka dariska la’ah, geeridii naxdinta lahayd ee k u timid allaha u naxariistee Ugaas Sh.Maxamed Sh.Axmed Cigaal (Xaadle) oo ku geeryooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaan si khaas tacsi ugu dirayaa qoyskii iyo eheladii uu kabaxay waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu janatul firdowso geeyo, eheladii uu katagayna samir ikasiiyo booskii uu kabaxayna bedel khayqabo ugu bedelo aamiin.

1- UGAAS MAXAMED UGAAS XAASHI UGAAS XIRSI
2-UGAAS AXMED BARRE CALI (TAAKOOY)
3- SULDAAN SHAALE CIBAAD BULXAN
4- UGAAS CABDI BUULE XASAN DABAC
5- NADOON SH.XASAN XUSEEN
6- SUDAAN CABDILLA CABDI IBRAAHIM (SALBAAY)
7- NABADOON IBRAAHIM AXMED KHALIIF (GAD-GADOON)
8- SULDAAN XUSEEN DEER CADAACE
9- SULDAAN XASAN CILMI JAAC
10- NABADOON IBRAAHIM MAXAMED AADAN
11- EX-XILDHIBAAN NUUR CALI XASAN (NUUR-GAAB)
12- EX-GOV. CALI MAXAMED AADAN (CALI XAASHI)
13- EX- GOV. KHALIIF MAXAMUD WARSAME (QORYOOLEEY)
14- AMB. MAXAMUUD CALI MAGAN
15- AMB. MAXAMUD MUUSE TAREEY
16- XILDHIBAAN C/RASHIID XAAJI DEEROW
17- XILDHIBAAN AXMED MUXUMED ABUUKAR (AXMED UGAAS)
18- XAAJI AADAN BARRE AXMED SEED
19- IBRAAHIM YUUSUF FAARAX (DHEELMOOY)
20- ENG- CALI JAAMAD XUSEEN
21- C/XAKIIM C/LLAHI XASAN
22- MAXAMED XUSEEN DHADEEY

Waxaa soo tebiyey
Abdishakur Ali Mire

###

Tacsi
Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

War deg deg ah: Waxaa barqadii maanta tariikhduna markay ahayd 22-05-2-12 magaalada MOMBASA ee dalka Kenya ku geeriyooday Allah ha unaxariistee Nabadoon SHEEKH MAXAMED AXMED (XAADLE) oo kamid ahaa oday dhaqameedyada sida weyn looga yaqaanay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo. Nabadoon SHEEKH MAXAMED AXMED (XAADLE) wuxuu caan ku ahaa arimaha nabada, ugargaarida masaakiinta iyo agoonta iyo isku xirka bulshada Reer Gedo dal iyo dibadba.

Allah ha unaxariistee wuxuu marxuumku udub dhaxaad u ahaa, qayb libaaxna ka qaadan jiray barnaamij kasta oo nabad iyo hormar ah oo laga fulinaayo Degaanada gobalka Gedo.

Waxay tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh halkan uga dirayaan guud ahaan bulshada reer Gedo gaar ahaan qooyskii, ehelkii, qaraabadii iyo xigtadii Alle ha unaxariistee Marxuum Nabadoon SHEEKH MAXAMED AXMED (XAADLE) .Waxaan Allah uga baryaynaa marxuumka in naxariistii janno ka waraabiyo, qooyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan kasiiyo Aaamiin.

Inaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.

Eng Mohamud Mohamed Farah

INDIA, CHENNAI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.