Home » Warar »

Kulan looga hadlayay Amniga Muqdihso oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Kulan ballaaran oo looga hadlayay amniga gobolka Banaadir oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen wasaaradda Arrimaha, Gudaha iyo Amniga qaranka, isla markaana ay ka soo qeyb galeen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, guddoomiye yaashe degmooyinka iyo saraakiisha ammaanka ayaa maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Kulankan oo bishiiba laba mar dhaca ayaa looga hadlayay ammaanka caasimadda, waxaana si wadjir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradda Arrimaha, Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, kulanka waxaa furitaankiisa looga doooday dardar galinta amniga gobolka Banaadir iyo sidii ciidammada amniga loogu adkeyn lahaa arrimahaasi.

Kulanka inta uu socday waxaa haddallo ka jeediyay saraakiisha amniga, iyo guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo si gaar ah loogu fara guray, dardar galinta ammaanka caasimadda iyo wada shaqeynta saraakiisha amniga gobolka iyo guddoomiyayaasha degmooyinka, sidoo kale sarakiisha ammaanka ayaa soo jeediyay tallooyinka ku habboon sugidda amniga.

Intaasi kaddin guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna Duqa magaalada Muqdishi mudane Maxamuud Axmed Nuur ?Tarsan? ayaa ka hadlay kulanka, waxa uuna ciidammada Booliska kula dardaarmay iney si hufan uga shaqeeyaan ammaanka, haddana looga baahan in ay sii xoojinyaan oo la shaqeeyaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha, Gudaha iyo Amniga qaranka Soomaaliya mudane Cabdi-samad Macallin Maxamuud ayaa dhinaciisa sheegay in lama maarmaan tahay wada shaqeynta laammaha ammaanka caasimadda, haddii arrintaasina la hirgaliyana hey?addaha amniga ay wax badan ka qaban karaan sugidda ammaanka gobolka Banaadir oo hadda meel wanaagsan maraya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa kulankan ku tilmaamay mid dhiiragalin u ah xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa hey?addaha amniga iyo saraakiisha ka howlgasha caasimadda, isagoo intaa raaciyay in guddigani uu Bishii laba mar kulan ka yeeshaan xarunta gobolka Banaadir, waxyaabihii ka qabsoomay amniga caasimadda, iyo sidii loo qaadi lahaa tallaabada xigta arrintaasi.

Gabagabada kulanka ayaa waxaa ka soo baxay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, xoojinta ammaanka iyo in ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ay ballaariyaan wada shaqeynta ka dhaxeysa si looga guulleysto kooxaha doonaya in ay waxyeelleeyaan ammaanka caasimadda, sidoo kale waxaa la isla gartay in Isgoysyada Muqdisho ay ka howlgalaan ciidamo heegan ah oo amniga shacabka illaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.