Home » Warar »

Warsaxaafadeed DFKMG ka soo saaratay Shirka Addis Ababa

War-Saxaafadeed

Shirkii Madaxda Soomaalida oo si rasmi ah uga furmay Addis Ababa

21 May 2012 – Waxaa maanta Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa si rasmi ah uga furmay shirkii Madaxda Soomaaliyeed ee Saxiixayaashii Roadmap-ka. Shirkan oo galabta ka furmay Xarunta Midowga Afrika Qolka VIP-da ayaa waxaa furitaankiisa marti gelisay Midowga Afrika.

Xafladdii furitaanka shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, waxaana sidoo kale khudbado halkaas ka soo kala jeediyey Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry Rowlings, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden, Ra’iisul Wasaaraha Prof Abdiweli Mohamed Ali, Madaxweynaha Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole, Madaxweynaha Galmudug Mohamed Ahmed Alim iyo Madaxda Ahlu Sunna Waljameeca oo ay u hadleen Abdulkadir Moallim Nur iyo Sheikh Mohamed Aw-Libaax iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Dr Augustine Mahiga. Shirka waxaa goob joog ka ahaa beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda Soomaalida ayaa dhammaantood muujiyey sida loogu baahanyahay in shirkan uu u noqdo mid horumariya dhammaan dadaalada socda ee lagu soo af-jarayo xilliga KMG ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay madaxda Soomaalida sida ay diyaarka ugu yihiin wadashaqeyn buuxda iyo sidii horey loogu sii horumarin lahaa qorshaha Roadmap-ka. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xasuusiyey beesha caalamka iyo Midowga Afrika in Madax Dhaqameedkii Soomaalida ay Muqdisho ku sugan yihiin dhowaana la rajeynayo inay soo dhameystiraan xulidda Ergada Ansixinta Dastuurka iyo xubnaha Baarlamaanka cusub, beesha caalamkana looga baahanyahay inay sii kordhiyaan dadaalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay 12 sano ku jirto KMG loona baahanyahay in marka la soo afjaro, waxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha Roadmap-ka oo hamiga shacabku uu aad u sarreeyo. Waxuuna talo ku soo jeediyey in guddi 15 xubnood ah ee Madax dhaqameedka ka mid ah in la sameeyo si ay u xaliyaan khilaafka beelaha qaarkood ee xubnaha matalaya beeshooda ee Madax Dhaqameedka ah.

Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda Ahlu Sunna ayaa iyagana khudbado ka soo jeediyey furitaankii xafladda shirka Madaxda Soomaalida.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM Ambassador Mahiga oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa iyo fikirka ah in guddi 15 ah ee Madax Dhaqameedka la sameeyo oo ay xaliyaan khilaafka jira. Waxuuna sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Soomaalida ay shirkan ka soo saaraan go’aanno muhiim ah.

Jerry Rowlings ayaa aad u ammaanay horumarka Soomaaliya maanta ka jira oo uu si gaar ah uga mahadceliyey Madaxda Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuuna sheegay in qorshaha Roadmap-ka uu si fiican u socdo kalsooni fiicanna geliyey beesha caalamka iyo Midowga Afrika oo uu sheegay in soo dhameystirka Dastuurka ay muhiim u tahay qorshaha soo dhameystirka Xilliga KMG ah.

Ka dib xafladdii furitaanka ayaa waxaa bilowday shirkii Madaxda Soomaalida oo beesha caalamku ay goobta ka baxeen shirkana si hoose ay Soomaalidu isu wareysanayeen. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu caawa sii socdo ilaa iyo berri oo la filayo inay go’aanno muhiim ah soo baxaan. –

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854
E-mail: engabdirahman@gmail.com
E-mail: ayarisow@opm.gov.so

WAR-SAXAAFADEED

WASAARADDA QORSHEYNTA DFKM “XAALADDA MACLUUSHA EE MUQDISHO KA JIRTAY OO LAGA SOO KABANAYO”
21 May 2012
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo jaaliyadaha qurbo-joogta ah ugu bishaareynayaa in EEBBE mahadiis ay tahay in xaaladii macluusha ee Muqdisho ka jirtay laga soo kabanayo. U kuurgalka xaaladda macluul ee Muqdisho ka jirtay laga soo bilaabo sanadkii na soo dhaafay waxaan ugu bishaareyneynaa in macluushu hoos u dhacday in gaaraysa 50%, xaaladuna ka soo reynayso. Waxaa sabab u ah xaaladda ka soo kabsasho, naxariiska EEBBE ka sokow, dedaal hagar la’aan ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gurmadeen walaalahooda baahan, gaar ahaan waxaa amaan iyo boogaadin mudan jaaliyadaha qurbo-joogta ah oo buuxiyey door mug leh, maadaama ay dhabarka u dhigteen culeyskii ay awalba ehelkood ku masruufayeen inay hadana si lama ilaabaan ah isku xilqaameen iyaga oo yaboohid maaliyadeed, daawo, raashin, dhar agab walba oo awoodooda ah ugu soo deeqaan walaalahooda baahan ee u soo barakacay Caasimadda Muqdisho.

Ganacsatada Soomaaliyeed, bahda waxbarashada, Ciidanka Qalabka sida oo gunadoodii iyo raashinkoodiiba ugu deeqay walaaladooda baahan, shaqaalaha DFKM, Golaha Baarlamaanka oo iska cuno-qabtay mushaharkoodii,, ururadda haweenka iyo culuma’udiinka Soomaaliyeed dhamaantood waxay muteysteen ammaan. Dowladaha iyo hay’adaha kheyriga ah, gaar ahaan kuwa wadamada Islaamka, waxaa shaki la’aan ah haduusan Eebbe noo soo jeediyeen sannadkan, xaaladda macluul ee haysatay shacabka u soo barakacay Muqdisho kama soo reyseen. Wacyi-gelinta iyo baraarujinta bahda warbaahinta waxay sababtay in qof walboo fadhiya meesha ka kaco oo dhexda u xirto sidii loo daba-qaban lahaa dadkii macluusha u baaba’ayey.

Waxay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamku ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee gurmadka qeybta ka ahaa in dadkii barakacayaasha ahaa wax xoolo iyo baad midna u badbaadin oo ay xaaladoodu aad u jilicsantahay. Waxaa lama hurraan ah in laga gudbo gurmadka laab la kaca ah marka xaaladda murugto oo gaarto meel aan indhaha laga qabsan karin, waana in loo gudbo sidii loo joogteyn lahaa waxqabadka, ka hortag khatarta macluusha looga fikiri lahaa iyo sidii dib-u-dhis loogu sameyn lahaa kaabayaasha aasaasiga ah oo dalkeennu ka burburay.

Waxay Wasaaradu warbixinno joogto ah ugu soo gudbin doontaa Shacabka Soomaaliyeed hadba xaaladaha soo kordha, haday tahay culays soo kordha iyo haday tahay sida warkan ka soo kabashada macluusha oo farxad iyo guud wadarreed noo wada ah.

Wabillaahi Towfiiq

Mudane Mahad Cabdalle Cawad, Wasiir Ku-Xiggeen

Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamka

Muqdisho

mahadcawad@yahoo.com

mawed@mpic.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.