Home » News »

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta 15ka May oo Lagu qabtay Magaalada GOUDA ee Wadanka Holland

Xaflad si Heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Soomaali Fara badan oo ka kala yimiday Dhamaan Gobolada Dalka Holland ayaa Dhawaan Lagu Qabtay Xaruunta Ururka WARSAN oo ka Dhisan Magaalada Gouda ee Dalka Holland.

Halkan ka daawo Sawirada jaaliyadda Holland

Munaasabadan oo ay si Wadajir ah u soo wada qaban qaabiyeen,Ururada kala ah:Stichting Warsan,Somali Next Generation,Ururka Wadaniga Soomaaliyeed,ayaa waxaa ay ka Tarjumeysay sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku Nool Wadanka Holland ay u Muujin lahaayeen isla Markaana ugu Dayan lahaayeen sidii Dhalinyaradii S.Y.L ay Dalkooda Soomaaliya ay Wax ugu Qabteen,Waxaana Halkaas ay Dhalinyaradii ka soo qayb gashay ay is dhaafsadeen Fikirado la Xiriira Sidii Dalka Soomaaliya Xilligan oo ay Dhibaato Badan ka Jirta ay Kaalinta kaga aadan wax ugu qaban lahaayeen.

Waxaana intii ay Xafladda Socotay Warbixino laga Dhageestay Qaar ka Tirsan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Dhawaan Booqday Wadanka Soomaaliya oo Halkaasi ku soo Bandhigay Waxyaabahii ay Ku soo arkeen dalkii Soomaaliya iyo Waxyaabaha ay Dhalinyaradan Holland ku Nool ay Ka qaban Karaan.iyagoo Tusaale u soo Qaatay in ay Jirto Baahi Badan oo ah Dib u Dhiska Dalka,Sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo Nadaafadda oo ay Xiligan is badalo Badan ka jiraan Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Doodo Badan ka Dib waxaa Dadkii Xafladda ka soo qayb galay ay isku afgarteen in qaybta hore ee Caawinaada laga Dhigo in la Taageero Dhalinyarada iyagu sida iskaa wax u qabso uga Howl gala Magaalada Muqdisho ee ka Shaqeeya Nadaafadda,Taas oo la sheegay in dhibaato badan ka haysato Fasiilatiga ay ku Shaqeynayaan,waxaana Halkaas lagu balan qaaday in loo aruuriyo Qalabka Qashinka Lagu Guro iyada oo Qof Waliba oo Soomaali ah uu isku Xilqaamayo in uu si iskiisa ah intii uu awooda uu Gacan ka geysto,waxaana ay Ururadii Xafladda soo agaasimay ay Balan qaadeen in ay Dawladda Wadanka Holland u weydiin doonaan Qalabka Qashinka lagu qaado isla Markaasna ay Diri Doonaan Magaalada Muqdisho,si ay ugu Fududaato Dhalinyarada Magaalada Muqdisho Ka wada Dadaalka iskaa wax u qabso ah oo ay ku Nadiifinayaan Caasimadda Dalka Soomaliya oo Muddo 21 Sano ah uu Bur Bur iyo Dagaalo ka Socdeen.

Xafladdan ayaa Sidoo Kale Waxaa Qudbado ka Soo Jeediyay Mas,uuliyiin Ka kala Socotay Ururada Soo agaasimay Xafladda,iyadoo inta ay Socotayna Halkaas Lagu Daawaday Filimaan ka Hadlaya Taariikhda S.Y.L iyo Dhibaatada Xilligan ka Jirta Dalka Soomaaliya,waxaana Dadka Ka soo qayb galay Xafladda ay ahaayeen Kuwo aad ugu Murugeysan Waxa ka socda Dalka Soomaaliya,iyadoo Dhanka Kalena ay ahaayeen Kuwo u diyaarsan in Dalkooda wax u qabtaan iyaga oo Halkaan jooga ama Tagaan Dalkiin Hooyo.

Guud ahaan Xafladda ayaa ku soo gabagabowday sidii Loogu Tala galay Dadkana Waxaa ay ahaayeen Kuwo Ku Faraxsan Qaabka ay Ku Dhacday Xafladda iyo Goobta ay Ka Dhacday oo ahayd Meel si fiican loogu soo Shaqeeyay oo ay si Wada Jir ah iskaga Kaashadeen ururada Xafladdan Soo abaabulay.Waxaana Munaasabadda ay ku soo gabagabowday sidii loogu tala galay.

Waxaa soo tebiyey
mohamed Daik
deeq1982 [ A T ] hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.