Home » Warar »

Hay’adda Dhallinyarada Muslimiinta waxayn $40 Milyan oo doolar ku bixiyeen abbaartii ku dhufatey Wadamadda Geeska Afrika

Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Kulanka Dhalinyaradda Muslimiinta Caalamka WAMY Ee Dalka Jabuuti Cabdull-waarith Cali Aadan “WAMY Gargaarka ay Bixisay Wuxuu Gaarayaa In Kabadan $40, Milyan oo Doolar…”

Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Md. Delleyta Maxamed Delleyta, xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah Denjirayaasha caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti, ayaa 17/05/2012-ka, ka qayb-galey munaasabadd ay soo qaban qaabisay Hay’adda WAMY, islamarkaana lagu xushmeynayo Wasiiradihii, xafiiskyadii iyo shekh-siyaadkii gacanta weyn ka geystay xiligii ay socdeen gurmadka abbaartii darneyd ee ku dhufatey wadamada geeska Afrika ee saameysay dadka iyo duunyada bartamihii sannadkii aynu ka soo gudbney ee 2011-ka ilaaliyo horaanta sannadkan 2012-ka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti Dilleyta Maxamed Dilleyta oo gunaanadkii Munaasabaddan ka Hadley ayaa mahad balaaran u soojeediyey Madaxda dalka Sacuudi Arrabiya, islamarkaana abbaal marino kala duwan gudoonsiinayey Wasiiradihii, xafiiskyadii iyo shekh-siyaadkii gacanta weyn ka geystay xiligii ay socdeen gurmadka abbaaraha.

Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Kulanka Dhalinyaradda Muslimiinta Caalamka oo marka la soogaabiyo la yiraahdo WAMY xafiiskooda dalka Jabuuti Cabdull-waarith Cali Aadan islamarkaana wareysi gaar ah siiyey Somalitalk ayaa waxaa uu sheegay “in ka badan $40 Milyan oo doolar, in ay ku bixiyeen abbaartii darneyd ee ku dhufatey Wadamadda Geeska Afrika, sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti. Ayna u diyaar garoobayaan marxaladii labaad ee gurmadka oo ah qodista ceelasha biyaha, dhismaha goobo caafimaad iyo Iskuulo, kuwaasoo ay ka fulin doonnaan Jabuuti, Woqooyiga Soomaaliya iyo Zoonka Shanaad ee Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya.

Cabdull-waarith waxaa hadalkiisa uu ku bilaabey “Hay’adda WAMY, waxay wax gaarsiisay in ka badan 300, 000 oo qof oo ku nool Zoonka Shanaad ee Itoobiya, Jabuuti iyo Woqooyiga Soomaaliya, Hay’adda WAMY waa Hay’add ahli ah oo fadhigeedu yahay magaaladda Riyaadh ee dalka Sucuudi Carabiya, waxayna dunida ku leedahay 47 Maktab, Jabuutina wuxuu ka mid yahay Maktabadahaas, Gargaarka ay bixiso inta ugu badan wuxuu ka yimaadaa, maalqabeenada Sucuudiga” ayuu yiri mar uu ka hadlaayey tiradda dadka ay gaarsiiyeen gargaarka iyo goobaha ay ka hawl-galeen.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey dalka Jabuuti waxaa uu yiri “Lixda gobol ee dalka Jabuuti inta badan waxaan gaarsiiney noocyada kala duwan ee raashiinka daruuriga ah, maalinta jimcaha waxaa gobolka Cali Sabiix, gaar ahaan Casaamo gaarsiindoonaa 500 oo qoys, raashiin ku filan mudo laba bilood ah”

Cabdull-waarith

Cabdull waarith mar uu ka hadlaayey Soomaaliya waxaa uu yiri “ Koofurta Soomaaliya waxaan ku leenahay Maktab, wuxuuna halkaasi ka wadaa hawlo waaweyn, laakiin Goboladda Woqooyi ee Soomaaliya kuma lihin Maktab, sidaas darteed annagaa gaarsiina gargaarka, kan aan wadnana waa marxaladii ugu horeysay oo ahayd dadka in Raashiin la gaarsiiyo, Marxalada labaadna waxay noqoneysaa in Ceelal biyo loo qodo, lana dhiso Iskuulo iyo goobo caafimaad, dhammaan arrimahaasina waxaan ka fulindoonaa Zoonka Shanaad ee dalka Itoobiya, Jabuuti iyo Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya”.

qayb ka mid ah mas'uulyiintii munaasabadda

Mar aan weydiiyey hadafka laga gaarey barnaamijkan ayaa wuxuu yiri “ mash-ruucaan wuxuu socdey mudo sideed bilood ah, marka la isugeeyo gargaarka ay WAMY bixisay wuxuu gaarayaa in kabadan $40, Milyan oo doolar, taasina waxay muujineysaa in WAMY ay qabatey wax weyn, qof kastana waa ka qayb gelikaraa gargaarkaasi” ayuu hadalka ku soo geba gebeeyey Cabdull-waarith.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.