Home » Maqaallo »

AL-ANDALUSTA QARNIGAN (Somaliya)

Qormadii: Nuur Cilmi Xalane

Email: warsan54@gmail.com, elmi5754@hotmail.com

 

Magaca Al-Andalus iyo taariikhda ku hoos-aassan waa hubaal ah in qeyb yar oo Qowmiyaddeenna ka mid ahi ay wax ka og yihiin. Waxa aad taariikhdan ula socda, gaar ahaan culimada Somaaliyeed ee diinta Islaamka ku fogaatay iyo aqoonyahanno faro-ku-tirisa oo taariikhda Islaamka bartay.

Magaca oo afka Carabiga ka soo jeeda, luqada Isbaanishkana soo galay Qarnigii 13aad, waa magac hoggaamiyeyaashii Islaamku  siiyeen dhulka maanta loo yaqaan Isbayn iyo Bortugal oo Islaamku ka taliney intii u dhaxeysay 711 -1492. Dad ayaa qaba in dhaqan ahaan magaca laga soo musuqmaasuqay kalmadda “ Vandalusia” ama dhulka Vandalus oo ka soo jeeda qabiil Jarmal oo mar ku soo duulay, qabsadayna Isbanishka iyo waqooyiga Africa, kadib dhacitaankii Boqortooyadii Roomanka.

Taariikhda Al-Andalus, waa mid aad u xiisa gelisay taariikh-yahannada dunida muddu qarniyo ah. Waa taariikh ay dowlad Islaam ahi ka sameysantay dhulka iyo mujtamaca reer Yurub dhexdiisa iyadoo kulmisay dadyow kala jinsi iyo diin ah, una suuragelisay inay si nabada u wada noolaadaan. Islaamku dhulkaa waxa uu qabsaday kadib markii uu soo qabsaday dhulkii leysku oran jiray Maqrib ( waa Aljeriya, Tunisa, Liibiya iyo Morokada maanta’e).

Dhulkaa loo bixiyey Al-Andalus, waxa weeraray ciidan u badnaa Qowmiyadda Barbarka loo yaqaan ee degta buuraleyda dhulka Maqrib leysku oran jiray oo uu hoggaaminayey Taariq Ibn Ziyaad horraantii sannadkii 711.  Sannadkii 712 Tariq waxa gacan siiyey oo fududeeyey in dhulkii Iberiya leysku oran jiray badankii Islaamku qabsado Emir Musa ibn Musayr.  Islaamku dhulkaa waxa uu xukumayey baa la leeyahay qiyaastii 130 sano. Taariikh Al-Andalus oo aad u dheer awgeed iyo xukunka oo sannado badan leyska soo dhaxlay, waxan isku koobayaa sababahii kala daashada dowladahaas Islaamka ee xoogga quwadda lahaa iyo halka aan  maanta innagu ka shaabahno.

Taariikh-yahannadu waxay wariyaan in kala daadashadu ay bilaabatay waqtgii “Banu Ummayya Dynesty” oo ku aaddan Qarnigii 11naad.  Qarniganu waa markii dowladdii Banu Ummayya-du ay sii tabar-yareyneysay, ayna abuurmeen dowlado yar yar oo is-maamula loona yaqaannay (Taifa States), kuwiiyoo iyaguna sii qeybsamay oo mid waliba madaxweyne dhul aan ka weyneyn 50KM ka taliyo. Waxa sii yaraanayey dhaqaalahii dalka lagu maamulayey, keentayna in ciidamada oo ka koobnaa Barbar iyo Carab khilaafkoodu dhamaan waayo.

Waxa abuurmay mushkilado dhaqaale iyo bulsho oo shacabka soo wajahay oo u xuubsiibtay in sharcigii iyo kala dambeyntii la xassilin waayo.  Waxa furmay muran dhul, xuduuddo, iyo ilaha dhaqaale oo si fudud u kiciya dagaallo sokeeye oo dami waaya illaa midba mid ka sii takhaluseysay, laakin ay midna u suuroobi weyday inuu gacanta sare yeesho.

Waxa arrinka sii murgiyey markii hoggaamiye-kooxeed kasta uu isu qaabeeyey hab-dowladeed leh gole wasiirro, Baarlamaan , Boliis iyo Garsoor, laakin aan laheyn dhaqaale ama ciidan nidaamka lagu ilaaliyo, dhulka iyo dadka la xukumayo oo aad u koobanaa awgeed. Waxan joogsan oo goor walba hura, dagaalka dhexdooda ah oo mid walba ka nuuga  dhaqaalaha yaree soo gala, ciidamaduna ay kolba sii burburayeen iyo jahwareer siyaasadeed oo aan dhamaan.

 

U KALA DHUUMASHADII BOQORRADII REER YURUB

Cadaawaddu heerka gaaraty, waxay ka fursan weyday inay maciinsi mudaan gaaladii ay dagaalka ku wadeen, dhulkana ka qabsanayeen, una kala dhuuntaan iyagoo sir iyo xoolaba wixii ay heli kareen ku raalli geliya. Jabkii is-cadaawadeysiga dhexdooda ay ka dhaxleen ayaa sababay in Boqortooyadii reer Yurub ee iyaga laftoodu aan waagaas is-bixin, ay midoobaan, madaxna ay ka dhigtaan Boqorkii la oran jiray Alfonso VI.  Alfonso waxa uu bilaabay inuu koodhi ka qaado oo uu mid walba dhaqaale uu u cayimay ku soo shubo khanaddiisa. Muddo yar kadibna, waxa uu bilaabay inuu ilaha dhaqaalaha ka cuyaamiyo sida isagoo xoog uga qaadanayey dalagga beeraha, si cuntadu ugu yaraato oo gaajo loogu la’do.

 

XAGGEE  ISAG SOO DHACNAA Al-ANDALUSTII SHALAY

 

‘Talo qori saran iyo tumaati sokeeye tagoog jabay baa laga dhaxlaa’:- Haddii talada loo dhiibo qoriga iyo dagaalka ninka wada, waxay keeneysaa in rixin goysku bato, dadkuna arxan waa isugu uruuro, marnaba lama xigaalsado dhiigyacabka, siyaasad-xumaha iyo daneystaha. Gar xeer-diidday iyo ummad gole diidday midna guul ma dheelmo: – Haddii gartu ay diiddo sharciga oo xaqdarrada sharci qabta la waayo, gole mushkilad xalliyaa uu doodi waayo, go’aan maslaxadeedna heli waayo, wanaag lagu jiray la heysan kari mayo.

Labadan maahmaahood ee aan xusay, waxay iftiiminayaan dhaxalka dagaal sokeeye leeyahay iyo guuldarrada in la gar-naqsan waayaana ay leedahay oo runtii shillalka aan maanta naal na dhigay. Markaan gar-naqasan weynnay oo ay isu-kaaya qaban weyday, shisheeye ayaa fursad helay oo maanta na maamula, khilaafkeennana xalliya. Qorshayaal aanaan la falgeli Karin diinteenna, dhankeenna iyo hab maamul fitnadii jirtay, sii hurinayana ayaa la nagu sandulleeyaa, iyadoo la noo abuuray dowlado yara yar oo hadda bilaabay inay ku doodaan inay sinaadaan oo dowlad dhexe aayan jirin.

Bal u fiirso doodada dowlad goboleedka Puntland ay dustuur ku sheegga ku soo biirisay, kuna khasabtay dowladdii dhexe in Boqorrada masiirka dalkaan gooya loola tago, si iyagu u go’aamiyaan, dantoodana ugu darsadaan.

Madaxweyne -goboleed Puntland, Faroole, waxa la sawiran karaa in maskaxdiisa ay meel uun uga keydsan tahay inuu arko Puntland oo ka go’is ku dhawaaqda, waqtigiisa iyo ka dambeeya kii ay doonto ha noqotee, oo waxaaba daliil cad kuu ah, waxa uu Madaxtooyada Puntland ku soo kordhiyey ficil aaney qaadan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed ( Alle ha u naxariistee) iyo Korneel Cadde Muuse oo ah inuu qaato astaanta madaxweyne dal madax bannaan oo ah inuu sarkaal ciidan oo darajada Jannaraal gaaray, dhabarkiisa istaago oo kaliye uu lahaan karo madaxweyne dal madax bannaani. Shariifka iyo isaga oo laba jannaraal dhabarka ka taagan yihiin shirarka ma ku aragtay?.

Astaan kale oo  goosashada muujineysaa, waxay aad uga muuqataa qaar ka mida 36 qodob ee uu kaga hor yimid dastuur ku sheegga, ku riixdayna inuu Itoobiya gacan uga weydiisto. Waxan kalsooni badan ku qabaa, oo haddaba aad uga soo muuqata in issimada Puntland oo aan Somaalinimo badan ku aqaanno, ay is hortaagi doonaan damacan waalan ee burbur iyo qeybsanaan kale wax aan aheyn laga dhaxleyn.

Haddii warar soo baxayey waqtigii aan qorayey maqaalkan ay wax ku qaadasho leeyihiin, waxa la wadaa inay qoladan meesha hadda heysata, sannad kale loogu daro, dastuurkana dib loo dhigo, gacanna looga helayo qaar Boqorradeenna ka mida (IGAD, AU, UN).  Andalusta maantu waxay tii shalay la wadaagtaa, dagaalka sokeeye ee keenay inaan la kala garqaadan, loona kala dhuunto qaar aan har noo jiideyn. Alle ha inna badbaadiyo.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " AL-ANDALUSTA QARNIGAN (Somaliya) "

  1. Qoraagu waa fiican yahay laakiin waxay ahayd inuu faroole ka horaysiiyo kuwii wadanka burburiyay eemeeshan dhigay ee fadhfadhya xamar iyo wixii lahalmaaya iyowaliba waqooyi galbeed

  2. wadani says:

    bilowga qoraalka .waa arin taariikhi ah oo kooban , hase ahaatee gadaal ayaa qoraagu ka leexday mawduucii oo galay arin shakhsi oo qoraalka xikmadii ka dilay.

  3. Mohamed says:

    waa qorma fiican oo qiimo badan balse qoraagu wax mooda inuu xooga ka bayray xaladda guud ee Soomaliyeed oo uu ka hadlayey oo u ubayray Puntland oo qura oo diiradda ku saaray dabcan waa ay jiraan khaladaad badan oo ay leeyihiin dadka madaxda ka ah maamulka puntland hadna waxaa iyadun u bahan in toojka lagu ifiyo dhibaatadda kale ee katagan guud ahaan soomaliya iyo inta Maamul goboleed ee maqaar-saar ka ah waayo Puntland waa dad tashaday una tagan had iyo jeer sidii ay Somaliya xal ku heli lahayd …..

  4. Idris says:

    qoramaadu waxey aheyd miro dusha ka qurux badan laakiin kharaar,oo waxey salka ku heysaa isir naceyb,waana tan qoraalkaada qiima tirtay.dhibaato 23 sano kusii socota hadii faroole oo 2 sano joogay dusha looga tuuray,waxey muujineysaa in aad laba midood tahay,nin ciil qabay oo inuu ciil tirmo radinayey oo taariikhdan Puntland iyo Faroole ka dhex arkay,iyo in aad tahay nin 23 sano hurday oo hadeer un hurdadii ka toosay wixii Soomaaliya ka dhacayna aan la socon.

  5. Sharmaake says:

    Aragtidayda qoraagu taariikh fiican oo qurux badan ayuu ka soo sheekeeyay balse u jeedadiisu ma ahayn in uu dadka baro taariikhda Alandalus ee waxay ahayd afeef uu ugu gogol xaarayo meesha laga hayo.

  6. Walaal aad iyo aad ayaad umahadsantahay maqaalkaan qeymaha badan. Mar dhaweyd ayaan aqrinaayey taariikhda Andulus iyo sida ay gacanta ugu baxdey. Inta aan buuga akhrinaayey waxaan maanka kuhayey xaalada uu wadanka marayo oo aan waxbo kaga duwanayn sidii ay Andulus ku dhuntay. Waxaa wax laga naxo ah in dadka maanta Somalia isku haysto aysan eegin taariikh fog iyo mid dhow intaba. Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiintooda haddii ay mar un madaxa kor uqaadi lahaayeen oo ay eegilahaayeen xitaa wadamada dariska ee ka tagay wax weyn ayey u ahaanlaheyd.
    Andulus rag baa dhiibey, wadadeediina waxaa maanta ku taagan Somalia, rragbaana loo haystaa ee adiga ka fogow!
    Washukran

  7. Ordaaye says:

    Qorma fiican oo weliba af Soomaali qiimo leh uu ku qoran weeye. Waxaanse jeclaa intaad farta ku fiiqaysay Faroolle inaad ku darto kuwa kale oo iyaganu kala dhuumashada ku jira.
    Waxaana haboonayd taariikhda inaad soo hooriso oo aad wax ka tilmaanto sidii kala dhuumashada Andulus u dhacday iyo sida maan gaabnimdu inu shaqaysay. Mahadsanidin.