Home » Warar »

Warbixin: Shirka Golaha Wasiirada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee IGAD oo lagu qabtay Jabuuti

Shir Ay Lahaayeen Wasiiradda Beeraha iyo Xannaanadda Xoolaha Dowladaha Urur Goboleedka IGAD, Qaramadda Midoobey Iyo Urur Goboleedka IGAD oo War-murtiyeed Xasaasi Ah Ka Soo Saarey

Shir ay si wadajir ah isaga kaashadeen Qaramadda Midoobay iyo Urur Goboleedka IGAD oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dhameyn lahaa xaaladaha deg dega ah ee ay keenaan abaaruhu oo Wasiiradda Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobey, Banka Aduunka, Banka Horumarinta Afrika, hay’adaha deeqaha bixiya ee ka hawlgala geeska Afrika iyo qaar ka mid ah Denjireyaasha dowladaha caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti uga socdey Hoteel Kempinski ee Caasimadda Dalka Jabuuti 16-17/05/2012-ka, ayaa war-murtiyeed ka kooban laba bog laga soo saarey.

War-murtiyeedkan oo xambaarsanaa qodobo xasaasi ah ayaa waxaa lagu xusey, iyadoo la adeegsanayo hanaanka u degsan dowladaha IGAD, in la xooyaa maalgelinta Is-gaarsiinta, Caafimaadka, Wax-barashada iyo adeegyada bulshada. Waxaa kale oo war-murtiyeedkan lagu soo qaadey sinaanta Ragga iyo Haweenka iyo sugida xuquuqda cuntada. Waxaana qaramadda midoobey loo soojeediyey inay taageerto IGAD, si loo hirgeliyo u diyaar garowga waxyaabaha keena masiibooyinka bani’aadanimo, isla markaana sare ay u qaado xiirka ay la leedahay Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan oo uu shir-gudoominayey Wasiirka Beeraha iyo Xanaanadda Xoolaha ee dalka Itoobiya ayaa Intii uu socdey waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Eng. Mah-buubb Macallin, Wasiirka Beeraha iyo Xanaanadda Xoolaha dalka Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale, Assistant Adminidtrator and Director Regional Bureau for Africa Tegegnework Gettu, Madaxa Hay’adda UNDP ee dalka Jabuuti Marwo Hodan Cabdullaahi (Insaani), laba xubnood oo ka socdey Banka aduunka iyo Banka Horumarinta Africa iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo xanaanadda xoolaha DFKMG Soomaaliya Dr. Maxamuud Maxamed Maxamuud.

Shir Gudoonka

Wasiirka beeraha dalka Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale oo Somalitalk wax ka waxa laga filankaro iyo ujeedada guud ee shirka ayaa waxaa uu yiri “Shirkan gebagebadiisa waa la garanayaa, waxaana la isugu yimid sidii looga tashan lahaa abbaartan joogtada ah iyo duufankan had iyo goor geeska afrika haysta ee had iyo goor gurmad uun la sameynayo, marka uu gurmadku dhammaado abbaartii baa dib u bilaabmeysa, sidee waxan looga bixikaraa oo horumar joogto ah looga gaarikaraa ayaa loofadhiyey.

Wasiirka Beeraha Dalka Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale

Dowlad kasta, Q.M, Bankiyada aduunka iyo Banka Afrikaba fikrado ayey ka dhiibteen, waxaana ka soobaxay go’aan oranaya naga daaya beyr beyrka Banka Afrika wuxuu ku leeyahay shuruudaas soomar, qoladii kale ee Banka Aduunka sidan ma ahane sida kale, meeshu waa la isla baahayaa waxba ma gaarayaan dadkii, waxaana lagu yiri istiraatiijikada ay dhigaan wadamadda IGAD dhexgala, ka baxana waa la yiri oo gurmadku waa inta hore, laakiin waxaa la doonayaa horumar joogto ah”.

Xubnaha Soomaaliya

Wsiirka mar aan weydiiyey, marka loo eego qaabka ay hey’aduhu u shirayaan iyo sida ay u dhacaan shirarka, amma dunida waxa ka socda xiliyadan dambe, mala dhihikaraa siyaasadaha iska soo horjeeda ee dunida ayaaba qayb ka ah abbaaraha jira?

Midig Banka Aduunka, Bidix Banka Horumarinta Afrika

“sidaan annigu ogahay horta aduunyadu wax kasta ayaad ka maqli waa runtaa, laakiin wadanadan geeska afrika ayey u taalaa siday uga faa’iideysan lahaayeen, wadanka Jabuuti, Kiiniya Soomaaliya, Tanzaaniya, Ugaandha iyo Suudaan haday gacmaha is-haystaan, wax kasta waa ka bixikaraan” ayuu ku jawaabey wasiirku.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.