Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo ka qayb galay kulan looga hadlay Xoriyadda-qowlka

Warsaxaafadeed:
Muqdisho, Khamiis, May 17, 2012—————-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay kulan labo maalmood ka soconayay Xalane kaa oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Warfaafinta loogana hadlayay Qebyo-Qoraalka Dastuurka ee ku aadan Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Ugu horeyn Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdulaahi Bille Nuur, ayaa Sheegay in Shirka labadii maalmood ee la soo dhaafay looga hadlayay arrimaha Dastuurka ee Xuquuqul Insaanka iyo Xuruyatul-qowlka Saxaafadda.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa isna sharaxaad ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kulankii ay la qaateen dhinacyada Bulshadda rayidka ah iyo waliba doodii ay ka yeeshee arrimaha Xuruyatul-qowlka.

“Mudane Ra’iisul Wasaare Waxaan kulankaani u qabaney inaan ka doodno Xuruyatul qowlka iyo Saxaafadda, Waxaan Dastuurkeena cusub ku soo darnay Xuruyatul-qowlka, Waxayna muhiimadiisu aheyd dhowr arrimood oo ay ugu horeyso inaan kaga gudbeyno Kumeel Gaarnimada oo aan dowladd rasmi ah yeelan doono iyo In Saxaafadda loo soo bandhigo sharcigaasi”.

Wuxuu sidoo kale Wasiirku soo hadal qaaday in mudooyinkii la soo dhaafay xad gudub badan lagu sameeyay Saxaafadda Soomaaliya oo dhalinyaro badan lagu toogtay Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Boosaaso iyo meelo kale, Waxaana Wasiir Ku-xigeenkuba ka hadalney in dowladda ay wax ka qaban doonto islamarkaana aysan dhici doonin mar kale in nin xad gudub geystay uu magaalada iska dhexmaro.

Dhinka kale Ra’iisul Wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Sharaf weyn ay u tahay inuu maanta kala soo qeyb galo shirka aad kaga hadleyseen arrimaha Xuquuqul Insaanka, Waxaan aad ugu faraxsanahay in labo cisho ay bulshada Rayidka ah gaar ahaan Odoyaasha arrimahaani ku xeel dheer ay si qoto dheer ah uga doodeen si loo hubiyo in Qebyo-Qoraalka Dastuurka qodobadiisa la xiriira Xuquuqul Insaanka ay u noqon lahaayeen kuwa hormarinaya danaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Xuquuqdooda lama taabtaanka ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay inuu aad uga xunyahay tacdiyadda loo geysanayo Suxufiyiinta oo ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

“Waxaan aad idin kugu bogaadiyanayaa daruufaha adag oo aad ku shaqeyneysaan iyo caqabadaha maalin walba idin ka soo wajahaya kuwa damiir laawayaasha, dowladuna ma ogolaan doonto in dhib loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay hormarinta xuruyatul-qowlka sababtoo ah waxaa jirayn heshiis Is-afgarad ah oo ay dowladdu la saxiixatay hay’adda QM u qaabilsan Xuquuqul Insaanka si dowladdu looga taageero dhanka logistic-da iyo in si wada jir ah loogu shaqeeyo Xuquuqul Insaanka, waana mid ku cad Dastuurkeena.

-DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.