Home » Faallo »

“Dagaalkii 77 ayaa la’iqabtay anigoo 13 jir ah” Q.1aad

Assalaamu Calaykum walaalaha qeymaha iyo qaayaha badan ee kuxiran websitekan ukhidmeeya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la’isoo qabtey anigoo 13 jir ah waxaana ka soo baxay markaan 24 jirsadey, sanadka markuu ahaa 1988”

Waxaa sidaas kubilaabey qisadiisa Sheekh Abubakar oo horey la oron jirey Markab Gashow oo 7sano kahor soo galay diinta Islamka.

Waa sheekada aan doonayo inaan idinla wadaago maanta iyo maqaalkeena. Magarankaro dhanka aad ka eegidoontaan sheekadan? Ma dhanka diinta Islaamka ee uu soo galay? Mise caruurta iyo goobaha colaada? Mise waxaad soo xasuusanay Dagaalkii dhexmarey Somalia iyo Ethiopia oo aan kadhaxalney musiibada maanta nagu habsatey?

“Waxaan fasax utagey magaalada Godey oo walaalkey ka shaqeynaayey.Walaalkey Muxammed xabsiga ayaan wada galnay, diintana waan soo wada galnay walow uu iiga soo horeeyey!Al-xamdulillaah,iminka waxaa nagu soo biirtey gabadh ay walaashey dhashey oo soo muslimtey ayadoo joogta Australia.Sheekh Abubakar wuxuu yiri isagoo kahadlaya sida ay kubilaabatey qisada 11sano oo xabsi ah:

Marna isma oron dadka sidaan kuu galay ayaad diintooda soo galaysa. Arimuhu waxay kujiraan gacanta Allah! Isaga ayaa rog-rogaya oo hanuuniyo cidda uu doonayo.

Xaalada magaalada Godey, waxay aheyd mid dagan oo wax guluf colaadeed ah kama jirin marka laga reebo afduubyo ay samayn jireen niman burcad ah oo aanan garaneyn inay Somalia lug kulahaayeen iyo inkale.
Inuu dagaal kadhexeeyo labada wadan ee Somalia iyo Ethiopia waxaan kamaqlay aabahay oo igula soo dardaarmey inaan tagin xaduudaha iyo meelaha dagaalka kadhowyahay.Dhanka kale, waxaan baxsad ka ahaa ciidamada Ethiopia waayo waxaan kamid ahaa arday taageersaneyd mucaaradka dowlada oo wadooyinka ayaan ku qeybin jirney waraaqado. Wadanka Ethiopia waxaa ka jirtey markaas caburis xaga siyaasada ah oo qofkii lagu ogaadana inuu ka tirsanyahay ama taageersanyahay mucaaradka waxaa loo taxaabi jirey xabsiga. Walaalkey ayaa igula taliyey inaan isaga cararo Harar oo aan aado walaalkey ‘kale’ oo dagan magaalada Godey”

Aabahey oo sii saadaaliyey Xabsigayga

“Aabahay wuxuu ahaa mid aad ii jecel oo aan marnaba doonayn inaan kafogaado. Markii aan soo ambabaxaayey ayuu ila soo dardaarmay isagoo sii saadaalinaya waxa igu dhicidoona haddii aan baxo “Waxaan kabaqaya in lagu qabto oo macbuus lagaa dhigo,kadibna aad xabsiga ka soo baxdid anigoo ifka katagey oo aan sidaas isku wayno”

Siduu sheegey ayey noqotay oo waxaan xabsiga ka soo baxay isagoo sii mootan 2sano. Waxaan jeclaan lahaa inuu maanta noolyahay oo aan diinta ugu yeero.

Hooyadey ayaa iminka nool walow aan isku haysano gabdho aan walaalo nahay.Waxaan quud daraynayaa inaay maalin kudhawaaqdo shahaada”

Markab waa nin reer Harar ah oo kuhadlo luuqado badan oo Afka Soomaaliga ka midyahay, kaas oo uu bartey isagoo yar. Markaad aragtid, waxaad isleedahay waa Soomaali aan weligiis gaalnimo soo marin.

Markii iigu horaysay oo aan lakulmay Markab oo la’iisheegey inuu soo muslimay, waan uqaadan waayey waayo waxaan ka mid ahay Soomaalida aaminsanaa ‘in qof Afsoomaali kuhadlayo’ uusan gaaloobi karin ama aysan gaalnimadu ka run aheyn!

Qisada Markab ma’ahan oo kaliya inaan idiin soo gudbinayo sida uu diinta ku soo galay oo aad uxiiso badan laakinse waxay aniga ahaan isoo xasuusiyey xaalada adag ee soo wajahdey caruur badan oo aan ka mid ahaa. Waxaa shaqi laheyn inay kumanaan caruur ah ku le’deen dagaalkaas meesha kumanaan kale oo aan kujiro ku soo samata baxnay si Allah ogyahay.

Madoonaya inaan idinka leexiyo dulacda sheekada laakinse waa qadiyad ubaahan in dib loo milicsado. Mar Alle iyo markaan arko meel dagaal kadhacay waxaan soo xasuustaa 77 iyo noolasheydii caruurnimo.

Markab, mar aan weydiyey sida uu u arka isagoo caruur ah in lasoo qafaashay oo aan la eegin xaquuqda caruurta, wuxuu iigu jawaabey isagoo kuhadlayo afka Soomaaliga:

Waxaan filaya inay siyaasadu aheyd in laqabto macaabiis fara badan siloogu gorgortamo marka uu wadahadal yimaado ee aysan aheyn caruur qafaalasho. Dhanka yaraanta,aniga waa la’iga yaraa, waxaa jirey dumar sitay caruur aad u yaryar iyo dad waayeel ah. Dadka lasoo qabtey Ethiopian kale ma’aheyn ee waxaa ku jirey Soomaali badan walow markii dambe lasiidaayey kadib markii la’ogaadey inayihiin Muslimiin salaada tukada.

Waxaa xusid mudan, meesha ay Soomaalida soo qabqabtey caruur iyo dumar, Ethiopianka ayagu way xasuuqeen cidkasta oo ay qabteen; waana taas mida keentey inay macaabiista laga soo daayey dhanka Ethiopia kayareyd mida laga siidaayey Somalia.

Waxaa laga soo daayey xabsiyada Ethiopia 27 qof meesha ay Somalia sii daysay 3000 oo qof. Diyaaradii aan ka soo degney ayey raacayeen oo waan is aragnay.

Miyaad Cabsantahay?

Weli waxaan sii xasuustaa askarigii ugu horeeyey ee isoo qabtey iyo su’aashii uhoraysay ee uu iweydiyey “Waryaa miyaad cabsantahay!Afka kala qaad inay khamri kaa soo urayso iyo inkale”
Rasasta iyo hubka faraha badan ee ay kusoo fureen gurigii aan ku jirey oo layga kala cararay awgeed ayaan lawareerey oo ay uqaateen inaan ladhadhacaya khamri daraadeed

“Waryaada nagadaaya xabada” Ayaan afsoomaali ku iri anigoo weliba xagooda usoo dhaqaaqey!

Maadama aan caruur ahey afsoomaalina kuhadlo wuxuu ii qaatey inaan Soomaali ahey.

“Waryaa bisanka qabso oo orad kugub buundada” ayuu igu yiri mar uu doonayey inuu ii gudbiyo dhanka Somalia!
Ma Bisanbaan aqaan! Wuxuu ii haystaa inaan muslim ahey afka Soomaaliga awgiis. Buuntada haddii aan soo gudubnay waxaan soo marney macaabiis farabadan oo uu kujiro walaalkey.

Intanada afka Soomaaliga kuhadlaysay oo intooda badan ay Soomaali ahaayeen,dhowr jeer ayaa si qarsoodi ah naloo siidaayey, hadana dib ayaa naloo soo qabtay. Waxay aheyd xaalad dagaal, dadka amarka bixinaya war isuma hayaan.Qaarkood waxay noo haystaan macaabiis Ethiopian ah, meesha ay qaarkale doonayaan inay nabadbaadiyaan oo ay nagafogeeyaan goobta dagaalka”

10 sano oo beero qodis ah
“Markii uhoreysey ee nala keeney xabsida Ceel-Barde, aniga iyo 9 nin oo kale,Waxaa naloo arkaayey inaan shaqo kulaheyn ciidamada Ethiopia oo aan kashaqeyno mashruuc faa’ido uleh Soomaalida gobolka. Waxaa naloo yaqaaney beeralaydii oo qol gooni ah nala dajiyey Waana tankeentey inaan 10 sano ee kadanbaysan aan kashaqeeyo beeraha. Sanadka kale waxaan ku qaatey xabsiyo kala duwan”

Markab intii uu ii waramaayey wuxuu kacudurdaartey inuu kawaramo wixii kadhacay xabsiga waayo wuxuu u arkaa inay aheyd arin siyaasadeed oo kuwajahan macaabiis dagaal.

“Niman cadaan oo kasocda hay’adda caalamiga ee Laan-Qayrta Cas ayaa tagay xarada uu kuxirnaa walaalkey, kuwaas oo had iyo jeer ukeeni jirey waraaqo ay soo diraan reerkanaga, islamarkaasna ka qaadi jirey. Walaalkey maqal ahaan wuu ogyahay inaan xiranahay; marka uu waraaq reerka uqoraayo looma ogaleyn inuu iga waramo oo waxaa amar lagu siiyey inuu naftiisa kali ah kahadlo taas oo jahawareer ku keentey Hooyadey ‘sababta uu ugu soo jawaabi la’ayahay su’aalaha aniga igu saabsan. Nin askari ah oo salaan noo kala qaadey aniga iyo walaalkey waa lalakacay oo gudaha ayaa ladhigey!

Wuxuu sidoo kale ii sheegey inay jireen dad Muslimiin ah oo xabsiga kula jirey laakinse asalkooda ahaa askar ama militia ubadan reer Harar iyo qoymiyaadkale oo lasoo qabtey ayagoo dagaalamaya ama hubaysan. “Sida ay ubadnaayeen ayagaa isa soo dhiibey waayo askarinimada waa lagu soo qasbey ee diyaar uma aheyn inay dagaalamaan”

Soo deyntii iyo 6 bilood oo nalagu xirey Ethiopia
Inta aan nalasoo deyn kahor waxaa noo yimid safiir Ethiopian oo ay lasocdaan Laan-Qayrta Cas. Wuxuu noo sheegey in dalkii loogu sameeyey diyaar garow iyo abaalmarin farabadan laakinse nimanka ka socdey ururka laan-qeyrta Cas, waxay noosheegeen inaysan xaalada wadanka caadi aheyn oo ay iska joogna Somalia inta ay nooga helayaan wadankale na aqbalo! Laakinse anaga waxaan uxamaasanayn sidii aan dadka nagii u aragki laheyn waxkasta oo meesha kajiraba.

Walaalyaal inta kadhiman sheekada anigoo idin soo gudbin doona ,inta aan dib dambe ukulmayno waa walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri oo idinleh Wassalaamu Calaykum Warahmatullaah. Wixi talo iyo tusaale ah waxaad kusoo adinkartaan,

abuzuhri1@gmail.com rayigiinana waa muhiim

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.