Home » Warar »

Askari ka Tirsan Ciidamada Itoobiya ee ku Sugan Deegaanka Yurkud oo isku soo Dhiibey Xarakada Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Maanta Xarakadda Alshabaab uu isku soo dhiibey Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee Ku sugan Deegaanka Yurkud ee Gobolka Geddo waxaana Sarkaalkaan uu ka mid aha Guuto Ciidamada Itoobiya Halkaa ku sugnaa gaar ahaan ku loo yaqaan Shiishka.

Askarigaana ayaa markuu ka soo fakenayey Ciidamada Itoobioya waxaa la sheegey in uu markiiba uu gaarey Dad reer Miyi ah oo ku sugana agagaarka Deegaanka Yurkud waxaana lagu waramey in Askarigaas uu ku labisnaa Dareyska Ciidamada Itoobiya lagu yaqaan waxaa kaloo uu watey Qori nooca looya qaan Shab-Shuter waxaana dadkii reer Miyiga ahaa ay markii dambe u geeyey Xarakada Alshabaab.

Masuul;iyiin ka tirsan Xarakada Alshabaab aya noo Xaqiijyey in uu isku soo dhiibey Askarigaas iyagoo sheegey in Saacadaha soo socda ay ku soo bandhigi doonaan Magaalada Baardheere , waxay kaloo ay sheegeen in Askarigaan uu yahay Askari Muslim ah oo ay sheegeen in uu adkeysan waayey dhibaatooyinka Ciidamada Itoobiya ay ku hayaan Dadka soomaaliyeed.

Waa askarigii Saddexaad oo gacanta ya ku hayeen Xarakadda Alshabaab waxay hore u soo bandhigeen Laba Askari uu mid yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya hase yeeshee Dowladda Itoobiya waa ay beenisey in Xarakada Alshabaab ay ka qabsadeen laba Askari hadana labadaas Askari ayaa lagu soo badhigey Bishii Feberaayo ee Sannadkaan Magaalada Baardheere waxaana labadaas Askari laguu qabtey Dagaala ka dhacay Deegaanka Yurkud.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhgasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.