Home » Warar »

Wafula Wamiyiyi “Waxaa Rabnaa in Ciidamada Amisom Waajibdkooda Gutaan islamarkaana joojiyaan Tacadiyada u Geystaan Shacabka”

Ku Xigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafuula Wamiyiya ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya iminka ka jirta.Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegey in Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya in ay suurta geliyeen in gacanta dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo celiyaan Degaana ay hore uga talin jireen Ciidamada xarakada Shabaab.

Wafuula ayaa intaa raaciyay in ciidamadu iminka ay qorsheynayaan sidii ay uga saari lahaayeen degaanada ay weli xarakada shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Soomaaliya qaarkood.Guddoomiye ku xigeenka Ergyaga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in haatan Midowga Afrika uu qorsheynayo sidii uu uga gacan siin lahaa Ciidamadaas dhinaca Xuquul Insaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay Tacaddi aad u ballaaran gaar ahaana dhinaca ku tumashada Xuquukl Insaanka.Horey ayaa ciidamada AMISOM waxaa loogu eedeeyay in ay xad gudubyo sameeyeen kuwaasoo meel kaga dhacay Xuquul Insaanka waa sida ay eedeymahaasi hore sheegayaane.

Wafuula ayaa xusay in ujeedkoodu yahay in Ciidamada AMISOM ay waajibkooda gutaan isla markaana ay joojiyaan wixii xad gudubyo ah oo ay ku kici karayaan.Hadalkan ku Xigeenka Ergyaga Midowga Afrika ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe uu midowga Afrika isku hawlayay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha tacadiyada ee ay gaystaan Ciidamada amisom kuwaasoo ay ka mid yihiin madaafiic ay ku ridaan Dadka rayidka ah iyo waliba marar hore oo ay si bareer ah Dad Shacab ay Rasaas ugu Rideen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.