Home » Faallo »

CAKUYE MA ANAA LEYSU-KEY ADEEGSADAY

Qormadii  Nuur Cilmi Xalane

Email: warsan54@gmail.com

Qowmiyad waliba waa ay leedahay ashkhaas dhinac mara danaha dalkaas iyo dadkiisuba ay leeyihiin oo waxa qoorta loo suray magaca  khaa’inu waddan, xabsiga ayaana ah meesha ay nolosha ku laasadaan. Maaha inaan Somaalida ka duwayo eeddda mushkiladeenna oo aan shisheeyaha kula galgalanayo, laakin haddana jilicsanaanteyda iyo kala daadadka igu dhacday  ee ii jinsiyo badisay awgii, ayaa leygu soo dugaalay oo sigaya in dhaxlkeyga leyga fara maroojiyo.

Marka aad daawato sida ay maanta wax u socdaan iyo faragelinta aan is-qarin ee qaranimadeenna lagu wado iyadoo la adeegsanayo ashkhaas Somaaliyeed  oo sandanadi ay guursatay, duuduubna u laqa waxa loo yeeriyo iyo shacabkan dhufaanan ee barkinta dheereystay, kana dareen qaadi la’a kacddoonnadan hareerahiisa ah, waxad ka shakiyi taariikhda noo diiwaan gashan oo bogag badan nagu amaantay.

Haddiise tixdan aan ka soo qaatay Gabayga Hurgumo oo uu triyey Abwaan  Yaxye Xaashi Maxamed wax ku qaadasho leedahay, waxa badan ayey taariikhdu ka been sheegtay. Waxuu Yaxye Xaashi yiri:

Ma hungoobo ruuxii yaqaan meesha loo hirane

Hilinkiisa kama uu lumee wuu hiigsanayaaye

Hayeeshee dadkaan heersariyo hoos wax ugu sheegnay

Misana aan hayeey laga heleyn soow Hurgumo maahan?

Dadkaan heyb qabiil looga dhigay heerka noloshooda

Dadkaan calankii heega surnaa heysan garan waayey

Ee maanta heerkaa ka dhigay soow Hurgumo maahan?

Hoggaan qodan dadkaan kala hadlloon hoos wax ugu sheegnay

Ee heybaddoodii ka tegay soow Hurgumo maahan?

Harar iyo Jabuuti illaa hilinka Nyroobi

Dadkan habacsan een wadahadleyn soow Hurgumo maahan?

Taariikhda hodonka ah haddaan hoos ugu laabto

Oo aan higaadshoon murtida hadal ka soo saaro

Waxaan helay in aan nahay dad aan hilinne raacine

Halgankii Gurey waxaa la haray heybta aan nahaye

Halyeygii Daraawiishta waday heyb qabiil niriye

Heybaddii wadaadkii Barsame looma soo hogane

Hadafkii Janankii Daa’uud ahaa ruuxna muu heline

In kastoo halyaay  ahaa geessi hore jooga

Hareeraha lameynaan qabane hoos yaan niriye

Hoggoodii la gale ciil hadduu hiifis leeyahaye

Hayeeshee dhibtey ka hadlayeen maanta woow halise

Heer kasta ha joogtee markaan waa hed sii bixiye

Hangasheedii waa taa dhowaan loo hadoodiliye

Haddii aan la hanan waa hubaal inaan la haynayne

Hooy baraaruga dadyahow waad ka hurudaane

 

Haddii aan la hanan waa la hubaa inaan la haynayne, runtii beydkani maanta waa na dul taagan yahay oo qaranimadii faraheenna ay ka sii sibxaneysa, haddiiba aaney hore uga sibxan. Bal akhristow qiyaas feker ah in xarumaheenna booliska ee degmooyinka Xamar  la leeyhay, waxa la geynayaa Boolis ajaanib ah, cid diidmo ka keentayna ayan jirin. Tiiraraka qaranimada waxa ugu weyn in talada amaanku gacantaada ku jirto, maantana in yar in yar ayaa looga sii saarayaa gacamaheenna. Waxa kale oo aad qiyaastaa ujeedada laga leeyahay malaayiinta doolar ee lagu bixiyo ciidamada shisheeye ee dalka lagu soo uruurinayo, iyadoo dhinaca kale laguu diidan yahay in laguu dhiso kuwaaga oy ku bixi laheyn lacag ta hadda baxda dhibicdeed ah. Waxa amakaag iyo yaab ah, halka uu aaday fahamkii kuwan lafahooda la nagu jebiyo ee sheegta inay wakiil naga yihiin, waxa kale oo la yaab kale ah, shacabkan xarigga lagu cabsiinayo ee aan ka ficil qaadan kacdoonka dhinacyadiisa ka dilaacay ee masiirkooda gacanta ku qabsaday, kaba qaadyadana iska tuuray.

DASTUURKA IYO WAQTIGA SHIDADA

Mowduucani waxa uu runtii u baahan yahay in qormo gaara la siiyo, laakin waxan in yar ka taabanayaa xiriirka labadan ka dhexeeya (waa Dastuur iyo waqtiga shiddo jirto) iyo micnaha ay ka bixiyeen khubarada arrimahan daneeya.

Profisor Christopher J. Coyne, waa macallin ka tirsan qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda George Mason University, Virginia, waxana uu qoraal ka sameeyey mowduucan oo uu bixiyey “Constitutions and Crisis”.

Qormadan oo dheer awgeed, waxan ka soo gudbinayaa halka uu ka waafaqay mushkiladeena. Waxa uu micneeyey waqtiga shidada iyo halis uu u yeelan karo jiritaanka mujtamaca uu arrinku la gudboon yahay qaranimadiisa iyo gaar ahaan hab dhismeed hey’adaha maamulka  ee mujtamacaas.

Waxa uu Christopher leeeyahay, waxa in leys barbar dhigaa baaxadda waxyeellada markaa jirta iyo nidaam maamuleedkii hore u jiray ee qornaa, si loo ogaado in ka jira ( dastuurka hore) la kaabo oo lagu kordhiyo qodobada xalka u noqon kara dhibta taagan iyo in loo baahan yahay in mid cucub dib loo qoro. Profisorku waxa uu ku doodayaa inay fududahay in ka la heysto laga saaro qodobada aan la falgeli Karin waqtiga shidada ama lagu daro qaarkii looga baahan yahay xallinta mushkiladdan si waqti iyo dhaqaaleba loo beekhaamiyo.

Waxa uu Pro.  ku doodayaa haddiiba mid cusub la bilaabo, aan laga lug baxaeyn dano gaareed badan oy yeelan karaan ashkhaas ama dowlado awood ku le hirgelintiisa inay kaga faa’ideystaan.

Waa danahaas gaar ahaaneed ee Somaaligu qabo ama shisheeyuhu leeyahay oo ku soo aaday waqti dadkii dastuurkan iyo dalkanba lahaa ayan iska difaaci karin maquuninta oo xataa aan karin inay afkaartooda ku muujiyaan dibad bax, iyadoo loogu cagajugleynayo in la xirxirayo ama hantida lagala wareegayo.

Shacabka Somaaliyeed ee gudaha jooga iyo kuwa dibaddaba, waxa xil ka saran yahay inay ka dibad baxaan dhagartan aan geed loogu soo gabban ee nagu socota, mas’uuliyadda waxa kasta oo ka xumaada umaddanna, waa inay kula xisaabtamaan dhowrka ninee lagu adeeganayo , kana faham la’a damaca waalan ee shiyeeyaha ee ku aaddan dalka iyo dadkaba. CAKUYE MA ANAA LEYSKU KEY ADEEGSADAY

Qormadii  Nuur Cilmi Xalane

Email:warsan54@gmail.com

                   

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.