Home » Warar »

Prof. Gaas oo Muqdisho kula kulamy Saraakiil UN-ka, Mareykanka, UK, AMISOM & Midowga Yurub

Kulan ay ka soo qayb galeen Qaramada Midoobey, TFG-da, Ahlusunna, Galmudug, Puntland, IGAD, AMISOM, Mareykanka,  Britain iyo Midowga Yurub ayaa waxaa ka qayb galay ra’iisul wasaaraha DFKMG sida ku cad warsaxaafadeedk ahoose oo ka soo baxay DFKMG…

Warsaxaafadeed:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay kulan Amniga looga hadlayay oo maalintii labaad uga soconayay Xalane iyo kulamo uu la qaatay Saraakiil ka tirsan UN-ka,Mareykanka & Midowga Yurub.

Muqdisho, May, 08, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka tirsan Golihiisa Wasiiradda ayaa maalintii labaad kulan uga soconayay Xarunta taliska AMISOM ee Xalane kaa oo looga hadlayay arrimaha amaanka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudiga Wada jirka Amniga oo ay ku mideysan yihiin Qaramada Midoobey,TFG-da, Ahlusunna, Galmudug, Puntland, IGAD,AMISOM, Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub, Wuxuuna kulanka ku saabsanaa mid diirada lagu saarayo sidii loo xoojin lahaan amaanka dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa warbixin ka siiyay Gudiga Wada jirka Amniga amaanka dalka gaar ahaan Muqdisho iyo Gobaladii laga xureeyay Al-Shabaab, Wuxuu kaloo tilmaamay in Xukuumadda ay ku guuleysatay sugidda amaanka balse loo baahan yahay in dadaaladaasi la sii xoojiyo, Islamarkaana loo baahan yahay in la tayeeyo Ciidamada Booliiska ee dowladda.

Ugu dambeyntii wuxuu Gudigu isku afgartay in la xoojiyo amaanka dalka lana tayeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa kulan la qaatay Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr Jemes Swan, Waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dowladood sidii loo sii xoojin lahaa iyo Sidii dowladda Mareykanka uga qeyb qaadan laheyd dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya ay yeelato dowladd rasmi ah.

Sidoo kale Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha kulan la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha gar-gaarka deg-degga ah Catherine Brag iyo Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya George Mark Andrea oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay arrimaha gar-gaarka, Waxaana kulanka kadib si wada jir ah Saxaafadda la hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud Ms.Catherine Brag.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo hadalka ku hormaray ayaa saxaafadda u sheegay in Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha Gar-gaar ee Soomaaliya, Islamarkaana uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha in Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ay tahay markii ugu horeysay oo ay Muqdisho soo gaarto.

Waxaa sidoo kale saxaafadda la hadlay Ms. Catherine Brag Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM, Waxayna aad uga mahadcelisay soo dhaweyntii Xukuumadda, Iyadoona tilmaamtay iney ku faraxsan tahay imaatanka Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Islamarkaana sheegtay iney kordhin doonaan gargaarka Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa tagay xaruntii shirka ugu socday Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xuli lahaa Gudigii Ansixin lahaa Dastuurka dalka, Isagoona soo xiray shirka Odoyaasha balse uu ugu dardaarmay Odoyaasha Dhaqanka in howlo badan laga sugayo kuwaa oo la rabo in la soo gabagabeeyo muddo 3-bilood ah.

—DHAMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.