Home » Faallo »

CabdiXayi Garaad – Nabadoon Qaali oo ka baxay Soomaalida

Cabdi Xayi Garaad Cusmaan, waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadka ugu qaalisan Soomaalida, kana shaqeyn jiray nabadeenta, dib u heshiisinta iyo is dhex galka bulshada.

Cabdi Xayi waxa uu ku geeriyooday Isbiltaalka Nairobi, 8, may 2012 markii uu dhiig uga furmay madaxa, isagoo ku jirey bilowga 40-ka, waxana uu ka tagay labo caruur ah.

Taariikhdiisa oo Kooban

Markii uu ka dhacay dagaalka sokeeye wadanka Soomaaliya 1991-kii, waxa uu ahaa dhalinyaradii wax barashada ku jirtey ee soo qaxday, waxana u soo galay wadanka Kenya halkaas oo uga gudbay wadanka Ingiriiska uu waxbarashadiisa kasoo dhameystey.

Cabdi Xayi waxa uu dib ugu soo laabtey dalka, si uu uga shaqeeyo nabadeenta iyo dib u heshiisinta, waxana ka shaqeynayay hay’adda xarunta cilmi-baarista iyo wada hadalka (CRD). Qeyb wayn waxa uu ka qaatey in la heshiisiyo bulshooyin is dagaalay.

Ka shaqeyntiisii nabadeenta

Cabdi Xayi Garaad waxa uu ka shaqeyay dib u heshiisino badan oo la dhex dhigay dad ku dagaalamayay Soomaaliya, laakin aniga waxa aan la shaqeyay sanadkii lasoo dhaafay markaas uu ka shaqeynayay sidii loo heshiisin lahaa beelo walaalo ah oo ku dagaalamay goboladda dhexe.

Cabdi Xayi waxa uu isku keenay odayaasha beelaha is dagaalay, isagoo ka dalbaday iney gutaan waajib kooda ah iney joojiyaan dhiiga daadanayo iyo colaadda dadka walaalaha.

Markii danbe waxa uu tagay halkii uu dagaalka ka dhacayay, si uu dagaalkaas usoo afjaro isagoo ku guuleystey.

Dhaxalkii uu ka tagay

Soomaalida waxa ay waysay shaqsi wayn oo Soomaaliyeed, laakiin waxa uu Cabdi Xayi Garaad ka tagay dhaxal leh ku daysasho muhiim ah oo ay tahay inaan sii wadno. Soomaaliya haatan waxa ay u baahan yahay Nabad.

Asxaab Cabdi Xayi Garaad waxa aan ka codsan jirney inuu u tartamo hogaanka Soomaaliya si uu isbadalka hormuud ugu noqdo. Taasi waxa ay ku dayasho inuu ahaa qofka wanaagsan oo ay dadku jecel yihiin, Soomaalinimadane ay ku dheer tahay, ayna dadkuna u hayeen xushmad iyo galgaceel.

Taasi waxa ay ka muuqatey aaskiisa, oo ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada Soomaalida oo dhan, kuwaas oo ka muuqatey iney waayeen shaqsi muhiim ah.

Ilaah naxriistiisa jano ha ka waraabiyo. Aaamin, Aaamin. Aaamin.

Maxamed Cabdi Nuur Mascud
mascudmedia@gmail.com

Tacsi:

Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Abdi Hayi Garaad oo shaley ku geeriyoodey magaalada Nairobi. Abdi Xayi oo ahaa nin muwaadin ah, jecel Soomaalinimada naftiisana u hurey xal u helitaankeeda ayaa naga dhintey isagoo ahaa nin dhallinyaro ah oo aad u firfircoon. Soomaalidu waxaa ay lumisey halyey aniguna shakhsi ahaan waxaan lumiyey walaal iyo saaxiib qaali ah. Ilaahey janadii haka waraabiyo dhammaanna samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Qore: Nuradin Dirie

A Tribute to Somali Patriot Abdihayi Osman Garaad

Today, we lost Abdihayi Osman Garad, a true Somali patriot, a polished intellectual, a man of great integrity, a peace activist, and a courageous Somali who devoted his life to the resuscitation of the Somali state.

It was completely shocking and unbelievable that Abdihayi Garaad suffered brain hemorrhage yesterday and was rushed to the Nairobi Hospital in Kenya where he passed on this afternoon. Abdihayi did not have any pre-existing medical conditions or health concerns. He was only 40 years of age.

Abdihayi cared deeply about Somalia and the Somali people. Anyone who knew Abdihayi would agree that he was working on many different projects which had a common denominator: that they benefited Somalis. He deeply cared about the wellbeing of the thousands of Somali refugees suffering around the globe.  He believed in giving back to his country so much that he returned full time to the Horn of Africa where he worked on projects that promoted health, enhanced livelihoods, and built sustainable peace. As the advisor to the Ministry of Reconcilliation and Constitutional Affairs, Abdihaye had his hands at the pulse of the hope and healing that is apparent in Mogadishu and elsewhere in Somalia.

He tirelessly advocated for Somalia and for restoring effective state institutions. In his last conversation with me, Abdihayi told me that he wanted to seek to become a member of parliament in the new political dispensation.  Assuming that he was beneficial to more people in his role as activist and humanitarian worker, I asked him why he wanted to confine himself by joining the parliament. His response still stuns me. He said that he “wanted to affect change from the inside and to fight for justice for all.”

In addition to a close friend, Abdihayi was also a cousin and a respected family member. I am confident that Abdihayi’s work and legacy will continue to inspire and motivate young Somalis everywhere. I am also sure that Abdihayi’s humanitarian work will have an impact on the lives of many Somalis both now and in the future.

May Allah make his deeds “Sadaqah Jaariyah” and May Allah reward him with Jannah. He will be greatly missed.

May Allah give his family and friends the patience and courage to endure this painful loss.

Abdikhayr Soofe

soofe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.