Home » Warar »

Turkiga Oo Ardayda Soomaaliyeed Ee Sudan Qaarkood U Dhisay Hooy Ay Ku Noolaadaan. Daawo Sawirada

Dowladda Turkiga oo hoygan deeganka ardayeed ah ugu talagashay 100 Arday Soomaaliyeed ah ayaa waxay ka dhistay meel u dhow Jaamacada Caalamiga ah Afrika ee ku taala Dalka Sudaan gaar ahaan Magaalada khartuum oo  Arday Soomaali ah gaareyso 2000 arday ay dhigtaan.

Halkan ka daawo sawirada… RIIX HALKAN

Hoygan oo ay Dowlada Turkiga ugu talagashay Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha kabarata dalka Suudaan ayaa waxaa Dawladda Turkiga ugu wakiil ah  Hey’ad kheyri ah oo wadankaasi laga leeyahay.

Guduumiyaha Hay’adda hirgalisay hoygan ardayeed oo lagu magacaabo Muscab oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ee magaalada khartuum ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay lacagtan ugu talagashay oo kaliya dadka soomaaliyeed oo ay hay’adana aysan siin Karin dad aan soomaali ahayn.

Hoygan oo ka kooban dhoor dabaq oo isugu jira qolal jiif qolol nasasho saalado ay ardayda wax ku aqristaan iyo masjid salaada ay ku dukadaan iyadoo intaasi u dheertahay ardayda hoygani degan  cuno labo waqti ah.

Ardayda nasiibka uheshay ilaa hada oo hoygaasi oo gaareysa 30arday ah ayaa sheegay in dhamaantooda in ay ku nasteen oo ay  wax badana naftooda wax ka bedashay .

 

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.