Home » Warar »

Tirada Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku jirta Xabsiyada Libya oo kor u kacday

 

(Tripoli):- Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Libya Md.Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa shalay(5/5/2012) 10 Muhaajiriin Soomaali ah,ka soo daayay Xabsi KMG ah oo ku yaalla Degmada ‘Nasma’ oo 200 km.xagga koonfurta kaga aaddan Tripoli.

Muhaajiriintan oo kala ahaa 5 rag ah iyo 5 dumar ah, ayaa muddo lagu hayay degmadaas, ka-gadaal markii ay rag kuwa wax tahriibiya ah ku soo daadiyeen, kagana baxsadeen halkaas xilli habeen ah, sida ay sheegeen Muhaajiriintu.

Ha-yeeshee, Muhaajiriintan ayaa u sheegay Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda: in ay dadkii gacanta ku hayay ee Libyaanka ahaa, ay si fiican ula dhaqmeen kuna soo simeen Safaaraddooda.

Arrintan ayaa dhacaysa 3 casho un ka-dib markii 10-kale oo Soomaali ah, oo rag iyo dumarba isugu jiray soo gaareen Safaaradda,iyaga oo in muddo ah ku sugnaa meel si KMG ah loogu hayay oo ku taalla Degmada ‘Mazda’.

Muhaajiriin kale oo Soomaaliyeed ayaa haatan ku jira Gacanta Ciidanka Ammaanka, waxayna ku kala sugan yihiin Xabsiyada lagu kala magacaabo:-Duweysha, Gharyan,Zawiya,Ceen-Zaara,Al-judeydah,Mazda iyo kuwa kale.

Muhaajiriintan ayaa laga soo kala ururiyay Badda xilli ay xagga talyaaniga u tahriibayeen, Gegida Dayuuradaha ee Tripoli, Waddooyinka isku xira magaalooyinka iyo meelo kale.

Dhammaan waxaa lagu eedaynayaa: Tahriib iyo socdaal sharci-darro ah.

Weli Soomaali ka badan 3-kun ayaa ku sugan gudaha dalka Libya, kuwaas oo ay ujeeddadoodu tahay inay Doonyaha Tahriibka ugu gudbaan dalka Talyaaniga, hadba sidii ay fursad ugu helaan, waxayse taasu sii kordhinaysaa tirada Soomaalida ee gelaysa Xabsiyada dalkan.

Madaxda Safaaraddu waxay marar badan ku celceliyeen in ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka waantoobaan arrinta, marka loo eego khataraha Dhimasho, Xarig, Dhac, Dhaawacyo iyo halisyada kale ee ay wadato.

Waxaa Madaxda Safaaradda weji-gabax ku noqday inay cafis(aan dhamaanayn) Masuuliyiinta Libya u weydiiyaan Tahriibayaasha ku noqnoqonaya Xabsiyada. Soomaalidaa tiraahda:-“Baryo badan iyo Bugto badan, waa laysku nacaa”…!!.

Xafiiska Warfaafinta Safaaradda Soomaalida

Tripoli-Libya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.