Home » Warar »

Hayadaha WAMY iyo HARO oo Deeq isugu jirta Raashin iyo Dhar Gaarsiiyey Dad Barakacayaal ah

Hayadaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) iyo World Assembly Muslim Youth (WAMY) oo Deeq Gargaraar oo ay iska kaashadeen waxay gaarsiiyeen dad Barakacayaal ah oo ku jirey Kaam lagu magacaabo Tawakal oo ku yaal Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa Deeqdaan la gaarsiiyey 450 Qoys oo la sheegey in ay ahayeen dad aad ugu baahnaa deeqdaas.

Halkan ka daawo Sawirada

Deeqdaan oo isugu jirey Raashin iyo Dhar ayaa waxaa Qoyskiiba la siiyey 50 Kiilo oo Bariis ah iyo Laba Gasac oo Caano Boore iyo Dhar nooco kala duwan ah iyadoo Deeqdaan Gargaarka uu Goob joog uu ka ahaa Gudoomiyaha Hayada HARO Mudane Cali Xaaji Cabdi Nuur iyo Masuuliyiin ka socotey Hayadda WAMY

Dadkii ka faaiideystey Deeqdaan isugu jirtey Raashinka iyo Dhar oo ka Hadley Goobtii lagu qaybinayey deeqdaas ayaa u Mahad celiyey Labadaas Hayadood oo ay sheegeen in Deeqdaan ay tahay Deeqdii ugu horeysey ay helaan oo weliba isugu jirta Raashin iyo Dhar waxayna ka codsadeen Masuuliyiinta Hayadahaas iyo mar weliba la socdaan Xaaladooda

Masuuliyiintii ka socotery Hayadaha HARO iyo WAMY oo iyana ka Hadley ayaa sheegey in Codsigooda Tixgeli doonaan islamarkaana ay ay ka warqabi doonaan oo ay la socon doonaan Xaaladooda waxaana Deeqdaan ay ahayd mid ay si aad ah ugu baahnaayeen dadkii la siiyey oo Hayaduhuna sheegeen in dadkaan wax siintooda muddo ku qaaday si ay u hubiyaan

Hayadda HARO ayaa Todobaadkii la soo dhaafey waxay Tababar ku saabsan Gargaarka Deg Dega ah u soo gabagabeysey Ardey ka socotey Dugsiyada Gobolka Banaadir oo tiradooda gaareysey Lixdan Ardey waxay sidoo kale Hayadu ka dhex muuqatey Gurmadkii dadkii Abaaraha ee Sannadkii tagey waxayna Hayadu gargaar gaarsiisey dhamaan Gobolada Soomaaliyeed iyo kuwa la deriska ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.