Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare-xigeen, ahaana Wasiirka Beeraha DFKMG oo iscasilay

Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim “Anigaa Qaatey in aan Is casilo si Danta Qaranka Halkeeda uga sii Socoto”

Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Ra`iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirkii Beeraha ayaa 30 kii Bishii tagtay ee April u gudbiyey iscasilaad Madaxda sare ee DKMG iyadoo ay jahwareer ka heysatay Madaxweynaha iyo Ra`iisul wasaaraha sharciyada ay uga qaadeen xilka Wasiirkii Beeraha iyo sida ay uga qaadi karaan Xilka Raiisul Wasaare ku Xigeen

Iscasilaadiisa ayaa timid kadib markii uu go`aansaday Maxamed Ibraahim taasoo Farxad galisay Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo ay arintan culeys sharciyeed ku heysay iyo in ay cadaatay in Xilka qaadistaas aheyd doonistooda oo aysan aheyn Dan Qaran oo ay ka waayeen Wasiirka.

Maxamed Maxamuud Xaaji ibraahim oo noqday Wasir Arima Dibadeed ayaa dadka Siyaasada u kuurgala ay shjeegeen in uu ahaa midkii ugu wanaagsanaa ee soo mara DKMG kaaso howlgaliyey Safaaarada badan oo xirnaa iyo kuwa aan horey loo furin wanaajiyeyna xiriirka Soomaaliya iyo Dalalka Caalamka ayaa ugu dambeyn eersaday Rabitaanka Madaxda DKMG oo uu ka horyimid, iyadoo Fajicisa ay noqtay markii Wareegto madaxweyne lagu sheegay in Shaqadiisa uu gudan waayey.

Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa iscasilaadiisa lagu sheegay kadib markii ay xaalada isku cakirantay mudo Bil ahna uusan fariisan Wasaarada Beeraha maadama Magacaabista Wasiir cusub aysan soconeyn oo ay ku xiran tahay magacaabistiisa isagoo isla wata Raiisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Beeraha taasoo aysan gacanta ugu jirin Raiisul wasaare Gaas iyo Madaxweynaha KMG Shiikh Shariif, Sharciyana aysan ku dhicin in ay ka qaadaan Xilka u haray ee ah Raiisul Wasaare ku xigeenka.

Balse Mudane Maxamed Ibraahim ayaa qaatay go`aan ah in uu Is casilo si danta Qaranka halkeeda uga sii socoto iyadoo qof walba ka dharagsan yahay in Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim howlkarnimadiisa iyo Heerka uu soo gaarsiiyey Wasaarada Arimaha Dibada waxaana uu yiri Ma uu ka hadleyey iscasilaadiisa “ Danteyda fuli iyo Danta Qarankaa ka muhiimsan ayaa ku waayey Masuuliyad Qaran oo aan si Daacad ah u Gudanayey”

Haddii aan wax yar dib u Qooraansano Taariikhdiisii shaqo Bilowgii Sideetamaadkii ilaa 1985 ayuu madax kasoo noqday markaliya laba Dugsi Sare oo lagu barto Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha kuwaa oo ku yiil Degmada Kuntuwaareey iyadoo sanadkii xigay Waxbarasho Dowlada ugu dirtay dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Newcastle si uu Maxamed Ibraahim ugu soo qaato Shahaadada Sare ee Master-ka isagoo markii uu soo qaatay Shahaadada ka shaqa bilaabay Dalka Namibia Bil kadib markii ay xornimada qaateen halkaasoo ay geysay Hey`ada Qaramada Midoobay oo uu shaqaale uga ahaa Wadankaa ku dhawaad Toban Sanadood ilaa uu u soo guuro Dalka Ingiriiska oo uu ka shaqa bilaabay isagoo maalin kaliya aanan shaqa la`aan noqon ilaa looga magacaabo Xilka Ra`iisulwasaare ku xigeen ahna Wasiika Arimaha Dibada..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.