Home » Warar »

War-saxaafadeed Shirkii Golaha Wasiirada May 03 2012

Shirka Golaha Wasiirada

Muqdisho, Khamiis, May 3, 2012——-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga dhagaystay warbixino Gudiyo loo xilsaaray shirka ay isgu imaanayaan hogaamiyayaasha dhaqanka kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo 05-05-2012.

Gudiyada loo xilsaaray isku duba ridka shirka odayaasha dhaqanka waxay kala yihiin:

1.    Gudiga Logistikada

2.    Gudiga Hab maamuuska (Protocol).

3.    Gudiga Wacyi Galinta

4.    Gudiga Amniga

Ugu horeyntii shirka waxaa looga dhegeystay warbixin Gudiga Logistikada iyagoo ku nuux-nuuxsaday inay qabteen howl baaxad weyn, waxayan shegeen inay diyaariyeen dhamaan agabkii loo baahnaa sida guryihii ladajin lahaa Hogaamiyayaasha dhaqanka, Gawaaridii ay isticmaali lahaayeen iyo diyaarinta hoolkii shirku kadhici lahaa, waxayna gudigu tilmaameen in dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa ay soo dhamaystireen shirkuna xiligii loo cayimay uu qabsoomayo.

Gudiga Habmaamuuska (Protocol) ayaa sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Hogaamiyayaasha Dhaqanka kuwaas qaarkood 02-05-2012 kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyagoo kasoo socdaalay qayba kamid ah Gobolada Dalka waxayna gudigu  usameeyeen aqoonsiyo ay uga qayb galayaan shirka.

Sidoo kale waxaa madasha kahadaly Gudiga wacyi galinta waxayana sheegeen inay usameeyeen tasiilaad dhamaystiran Saxaafada, Hobolada iyo Bahda Suugaanta kuwaas oo kaalin mug leh kaqaadanaya xaflada furitaanka shirka.

Gudiga Amniga ayaa iyana sheegay inay caasimada Muqdisho amaankeeda wax badan kaqabteen gaar ahaana goobta shirku kadhacayo si aad ah loo adkeeyey amnigeeda iyadoo iska kaashanayaan arimaha nabadgalyada Hay’adha kala duwan ee dowladda.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey wax qabadka ay muujiyeen gudiyada kala duwan waxaana uu sheegay in kulamo uu laqaatay maalmihii lasoo dhaafay Bulshada qaybaheeda kala duwan ay balan qaadeen inay qayb weyn kaqaadanayaan shirka Hogaamiyayaasha Dhaqanka waxaana ay sheegeen inay ku dhiiri galindoonaan Odayaasha Dhaqanku inay soo xulaan ergada ansixinta tastuurka dad karti leh..

                                           —-DHAMAAD——-

War Saxaafadeed 50/2012


War-Saxaafadeed ay wada jir u soo saareen Wasaarada Warfaafinta iyo Ururka Qaranka oo ku aadan Maalinta Xornimada Saxaafada Aduunka

(Muqdisho, 3 May 2012) Waxaa Munaasabadan loogu dabaal dagayaa Maalinta Xornimada Saxaafada Aduunka, oo ku beegan maanta oo ah April 3, 2012. Anagoo kala ah, xubnaha saxaafada xorta ah, ee ka howl gala gudaha iyo dibada, oo ay ka mid yihiin Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, waxay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo aasaas u ah saxaafada xorta ah iyo amniga loo baahan yahay in ay saxaafadda ku shaqeyso.

Gudiga Wuxuu isku raacay:

 

  1. In la aqoonsado ahmiyada ay saxaafada u leedahay bulshada, iyadoo la xaqiijinayo kor u qaadida furfurnaanta iyo taageerada saxaafada si horumar looga gaaro xuquuqda insaanka iyo hididiilooyinka shacabka.
  2. In la qeexo in saxaafadu ay door muhiim ah ka ciyaari karto sidii loo xoojin lahaa nabadda oo kor loogu qaadi lahaa sharciga, gaar ahaan mudada kala-guurka iyo wixii ka danbeeya.
  3. In hoosta laga xariiqo ahmiyada ay lee dahay amniga suxufiyiinta, iyadoo laga codsaday in dowladda ay xaqiijiso in amniga suxufiyiinta la damaanad qaado, gaar ahaan markii ay jirto Qatar la taaban karo oo ka imaaneysa kooxo gaar ah.
  4. In la tixgaliyo daruufaha adag ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta, iyo qatarta la xiriirto soo tabinta runta. Sidaas darteed, waxaan aad u cambaareyneynaa dilalka loo geysto suxufiyiinta, gaar ahaan, kii ugu danbeeyay ee Farxaan Jeemis Cabdulle, oo wariye u ahaa Idaacada Daljir, kaas oo xalay lagu dilay Gaalkacyo. Waxaan ku baaqeynaa baarintaan dagdag ah in lagu sameeyo   arintaas oo la xaqiijiyo in cadaalad lasoo hor istaajiyo dabiilaha geystay ficilkaas.
  5. In la ogaado baahida ah in la xoojiyo oo taageero lala garab istaago saxaafada xorta ah si loo hubiyo in laga hortago ilaha ay kasoo fulaan dilka iyo dhibaatada lagu hayo saxaafada.
  1. In hoosta laga xariiqo baahida loo qabo in la difaaco danaha guud ee shacabka oo ah in nabad lagu noolaado, la difaaco xuquuqda saxaafada, oo ay ugu horeyso mushaar ku filan.
  2. In la cadeeyo go’aan adag oo lagu wajahayo caqabadaha soo food saara saxaafada, iyadoo la kobcinayo xiriirka dowladda iyo kan saxaafada.
  3. Waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka qodobo dhowr ah oo u baahan in si wadajir ah loola socdo iyadoo la xaqiijinayo dhameystirka qorshahaas.

 

 

DHAMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.