Home » Warar »

Warbixin: Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Saameyntii Xilliga Jiilaalka

Hay’adda Falaqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) waxay hadda soo saartay warbixin Saddex biloodle ah oo ku saabsan Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Saameyntii Xilliga Jiilaalka. Warbixintan goobani waxay i noo iftiiminaysaa xaaladda Cimilada, Colaadda Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suugyada iyo Nafaqada iyo waliba Falaqeynta Baahsan Sugnaanta Cunnada ee Magaalooyinka iyo reer miyiga.

  • Tiro dhan 2.51 malyuun oo qof ayaa ku sugan cunta xumi Soomaaliya. Hayeeshee, tirade dadka ku sugan Gargaar Deg-deg ah (IPC Phase 4) ayaa hoos u dhacday taas oo loo aaneynayo hagaaga xaaladda sugnaanta cuntada ee hab-nololeedka jiinka webiga ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
  • Wax-soo-saar badar/firiley oo wanaagsan ayaa laga goostay diilka/jiinka webiga Jubooyinka bilaha 3aad – 4aad 2012, taasi oo kobcinaysa fursadda iyo keydka badarka ah ee ay haystaan qoysaska saboolka/danyarta ah illaa laga kaadhayo bilaha6aad-7aad 2012.
  • Hawlo beereed khudaar iyo geed midhood ayaa ka socda hab-nololeedka jiinka/diilka webiga gobolka Gedo, taas oo ka yeeshay awoodda wax-siweydaarsiga badarka iyo maalin goosiga (bishii 3aad 2012) ka ugu sareeya dalka.
  • Qiimaha badarka/firileyda ayaa hoos u dhacayay saddexdii bilood ee ugu horeeyay ee sanadkan; qiimaha badarka ee suuqyada koonfurta ayaa boqolkiiba 50-60 ka hooseeya sannad ka hor inta uu ahaa (bishii 3aad 2011)
  • Xaaladda daaqa iyo biyuhu way fiican yihiin dalka, inkastoo ay ku liitaan qaybo ka mid ah Waqooyi-bari, meelahaasi oo roobabkii Deyrtu 2011/12 liiteen.
  • Wakhtigii caadiga ahaa ay roobabkii Gu’gu uga bilowdeen koonfurta Soomaaliya, halka roobab khafiif ama dhexdhexaad oo teel-teela ahi laga soo sheegay inay ka da’een deegaanno balaadhan oo ka tirsan gobolada Dhexe iyo Waqooyi.
  • Xaaladda nafaqo ee koonfurta Soomaaliya waa mid Halis ah ama Ba’an, inkastoo hagaag wax-ku-ool ah la wariyey laga soo bilaabo bilihii 7aad iyo 8aad 2011.

Qoraalkan waxa aad ka soo miguursan kartaa shabakadan hoos ku xusan:

http://www.fsnau.org/downloads/FSNAU-Quarterly-Brief-April-2012-Somali-Version.pdf

 

Haddii aad wax su’aalo ah hayso, fadlan lagala soo xidhiidh: info@fsnau.org http://fsnau.org/
Aad ayaad u mahadsan tihiin

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.