Home » Warar »

Xildhibaano ku dhintay Qaraxii ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ayaa ka mid ahaa dadkii ku dintay qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Waxaana qaraxaas in ay ka dambeeyeen sheegtay Alshabaab. Waxaa arrintaas cambaareeyey DFKMG oo soo saartay warsaxaafadeedka hoose:

Warsaxaafadeed

Xukuumadda oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb.

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.

Afhayeenka dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng: Yariisow) ayaa Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda ay ka xuntahay qaraxii galabta ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb ee gobalka Galgaduud kaa oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaar katirsan xildhibaanada dowladda KMG Soomaaliya.

Wuxuu kaloo Afhayeenka sheegay in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ay ku dhinteen qaraxaasi islamarkaana uu ku dhaawacmay Axmed C/salaam oo Xukuumadii hore ka noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo mas’uuliyiin kale.

Wuxuuna sidoo kale sheegay Afhayeenka in Shacabka Soomaaliyeed intaan ka dib aysan u dul-qaadan doono in kooxaha nabad diidka ah ay sii joogteeyaan falalkooda argagaxisada ah. Dowladdu waxey sii kordhin doontaa howlgalada looga soo horjeedo kooxdan caadeysatay inay shacabka gumaadaan.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Warsaxaafadeed ka soo baxay UN-ka, AU iyo IGAD lagu sheegay in cidii ka hortimaada Road-map-ka tilaaba cadd laga qaadi doono islamarkaana loo aqoonsanayo qaswadayaal.

Ugu dambeyntii Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan hanaanka looga baxayo Kumeel Gaarnimadda islamarkaana ay ka shaqeyaan sidii loo heli lahaa dowladda rasmi ah.

– DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Deputy of Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615 244689
+252-699 070907
Mogadishu, Somalia

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha oo caawa la kulmay haweenk ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka ah

Muqdisho, May 01, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka, dhismaha Baarlaanka iyo ansixinta Dastuurka dalka iyo weliba Koontada haweenka ee 30% (Boqolkiiba soddon).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankan waxa ay si toos ah oo furan su’aalo u weydiiyeen haweenkii shirka ka soo qeybgalay waxayna haweenku uga mahadceliyeen wada wada hadalka xukuumadiisa la yeelaneyso iyo talo is weydaarsiga waxayna soo jeediyeen in la badiyo kulamada ceykan oo kale ah si looga faa’iideysto maskaxda haweenka iyo dhamaan qeybaha bulshada rayidka ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo haweenka ayaa diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee looga gudbi karo marxaladdan kumeel gaarka ah ee mudada lagu soo jiray, waxayna haweenku cabir wanaagsan ka dhiibteen qaabka looga gudbi karo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u balan qaaday haweenka in kaalintooda aan dib loo dhigi doonin si gaar ahna wuxuu carabka ku adkeeyey inay heli doonaan Koontada loo balan qaaday ee ah 30%(Boqolkiiba soddon), “Waxaan caawa hortiina ka cadeynayaa in xukuumadeydu aysan marnaba dib u dhigi doonin kaalinta aad ku leedihiin hay’addaha siyaasada iyo kuwa maamulka ee dowladda, gaar ahaana Koontada aad xaqa u leedihiin ee Baarlamaanka” ayuu yiri R/wasaaruhu.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyay haweenka horumarka laga gaaray dhaqangelinta Road-mapka, dhismaha Guddiyada iyo Sugidda Amniga wuxuuna carabka si gaar ah ugu dhuftay Dastuurka dalka oo uu sheegay in uu yahay mid Shareecadda Islaamka ah dalka lagu hogaamin doono islamarkaana aan dalka lagu faafin karin wax ka baxsan Shareecadda Islaamka ah.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli waxa uu u balan qaaday haweenka in xafiiskiisu uu u furan yahay xilli kasta uuna sii wadi doono kulamada noocan oo kale ah kuwaasoo talada lagu weydiinayo qeybaha shacabka Soomaaliyeed sida bulshada Rayidka, haweenka, odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Aqoonyahanka dalka kuwa gudaha iyo dibadda.

—-Dhamaad—-

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.