Home » Warar »

Maxkamad ku Taala Gobolka Virginia ee Mareykanka oo Dembi ku Heshay Muwaaddin Soomaali ah oo lagu eedeeyey Burcad badeed

Maxkamad ku taala Dalka Maraykanka oo muddooyinkii dambaba Dacwad ku qaadaysey Muwaadin u dhashay Soomaalya kuna Eedeysnaa Falal Burcadnimo ah, afduub iyo qafalasho Marakiib ayaa denbigaas ku heshay Maxamed Shibin.

Maxkamadda ayaa mudaba wadday Dacwadda Eedeysanahan taasoo soo bilaaban tan bilowgii Sanadkan iyadoona Eeddu ay ka soo bilaabantay Dooni (SV Quest) laga lahaa Maraykanka oo oo dalxiisayaal u dhashay dalkaas lagu afduubtay.

kooxaha Burcad badeedda Soomaalida ayaa dil u gaystey Muwaadiniin Maraykan ah oo doonidaas watay xilli Maraakiibta Dagaalka Maraykanku ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan Doonidaas. Burcad Badeeddii Doonidaas u afduubatay oo ay Ciidamada Mariineska Maraykanka ay hore gacanta ugu dhigeen ayaa lagu Maxkamadeeyay dalka Maraykanka iyadoona lagu riday Xukuno kala duwan.

Maxamed Shibin ayaa ahaa sida warbixinta lagu sheegey Ninka haga Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida isla markaana u kala dalaala burcadda iyo Shirkadaha iska leh Maraakiibta ay soo qafaashaan Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida.

Maxamad Shibin oo lagu eedeey dallaal burcad badeed. Sawirka AP

Maxamed Shibiin ayaa sugaya xukunkiisa oo lagu dhawaaqo kaasoo sida la sheegay Wajahaya Xabsi Daa’in ama Madaxaa haku Furto. Maxamed Shibin oo isaga Beriga laga soo qabtay ayaa Xukunkiisu wuxuu noqonayaa kii ugu dheeraa ee la marsiiyo Burcad Soomaali ah oo laga soo qabtay berriga.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.