Home » Warar »

Shiikh Aadan Madoobe oo Beeniyay in Dawladda Itoobiya ay Xarrig u Gaysteen

Shiikh Aadan Maxamed Nuur ‘Aadan Madoobe” oo iminka ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa ka hadlay Sababaha Joogitaankiisa Itoobiya. Shiikh Aadan Madoobe.oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegey in Magaalada Addis Ababa ay u joogaan arrimo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa Xarakada Shabaab isla markaana Dawladda Itoobiya ay kala kaashan lahaayeen arrintaa.

“casuumaad ayaan ku Tagnay Magaalada Addis ababa “ ayuu yiri Guddoomiyihii Baarlamnka isagoona farta ku fiiqay inay kulamo la qaateen saraakiil dhinaca Ciidamada ah kana wada hadleen sidii Gobolada Bay iyo Bakool ay uga saari lahaayeen Ciidamada Xarakada Shabaab.

Xildhibaanka ayaa Shabaab ku sheegay Cadow Gobolka oo dhan uu leeyahay isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah looga hor tago.Aadan Madoobe ayaa meesha ka saaray warar sheegayay in Isaga iyo Xildhibaan xaabsade oo muddooyinkii dambaba ku wada sugnaa Magaalada Baydhabo in sababta halkaa loo geeyay ay tahay in Itoobiyaanku Ciidamadooda ay Xireen ka gadaal markii uu Khilaafkoodu batay.

Xildhibaan Madoobe ayaa sheegey inuusan jirin wax Khilaaf ah oo kala dhaxeeya Xaabsade, xiligana ay yihiin Rag isku Ujeeddo iyo Fikir keliya ku mideysan Arrinta Xarrigga la sheegayana ay faafiyeen Rag ku Cadow ah Midnimada jirta waa siduu hadalka u dhigaye.Warar goor hore soo baxay ayaa sheegayay in labadan Xildhibaan waa xaabsade iyo Aadan Madoobee in lagu Xiray Magaalada Addis ababa sababo la xiriiray khilaaf ka dhaxeeyay oo muddooyinkii u danbeeyay ka soconayay magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Dowladda Maraykanka oo ku Yaboohday 120 Milyan oo Doolar oo ay ugu tala Gashay Wadamada Bariga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay

Xukuumadda Maraykanka Aqalka looga arrimiyo ayaa si weyn u falnqeeyay xaaladda Biya la’aaneed ee la filayo in ay ka dhacdo Bariga Afrika. Kulankaas ayaa Maraykanku u qoondeeyay in uu ugu yaboohayo Boqol iyo Labaatan Milyan oo Doolar si wax looga qabto Xaaladda Roobab Yeri ee la filayo in dhawaan ay ka dhacdo Mandiqadda Afrikada Bari oo ay Soomaaliya ku jirto. Warbixinta ayaa xustay in Soomaaliya oo aan weli ka soo kaban abaarihii ku dhuftay Kal hore ayaa lagu sheegay in Roobabka la filayo in xilliga Gu’ga ay suurta gal tahay in Roobab yaraan ay ka dhacdo Gobolada Soomaaliya qaarkood.

Dhawaan ayay ahayd markii Xukuumadda Washington ay ku deeqday adduun Lacageed oo gaaraya illaa Konton Milyan oo Doolarka Maraykanka ah kaasoo wax looga qabanayay xaaladaha dhaqaale yari ee ka jira Afrikada Bari. Deeqdan uu ku Yaboohay Maraykanku ayaa loo qaybinaya Hawlaha kala duwan sida horumarinta Xoolaha iyo Beeraha iyo sidii loo soo hagaajin lahaa dhinaca Biyaha.Dawladda Maraykanka ayaa hore u sheegtay in Soomaaliya oo keliya Sanadkii hore ay ku bixisey Adduun Lacageed ee gaaraya illaa Afartan Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Hadalkan ka soo yeeray Xukuumadda Maraykanka ayaa imaanaya xilli weli Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Boqolaal Shacab ah oo ka soo hayaamay dhulka Miyiga kuwaasoo si barakac ah ku deggan Xeryo ku yaala Magaalada Muqdisho kuwaasoo weli la dhutinaya Diiftii ka soo gaartay Abaarihii ku dhuftay Gobolada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya kal hore.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.