Home » Warar »

Maamulka Soomaaliland oo Mar Labaad ku Celiyay inuusan La Fariisanayn Guddiga ay soo Saartay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Iyadoo dhawaan Maamulka la magac baxay Somaliland u ka Biya diiday Gudigii Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay u Xushay wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa mar kale Maamulkaasi sheegey inuusan la Fariisan doonin Xubnaha ay Dawladdu soo Xushay. Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka SomaliLand Maxamed Cabdullaahi Cumar oo arrintaa ka hadlayay ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan wada hadalka balse ay ku baaqayaan in wax laga bedelo Guddiga iminka u magacaban TFGda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Gudigan ay yihiin kuwii sii carqaldeynaya wada hadalada la doonayo in labada dhinac ay yeeshaan. Maxamed Cabdullaahi Cumar Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka Somali Land ayaa ku eedeeyay Xukumadda ku meel gaarka Soomaaliya ay carqaladeyneyso wada hadaladaa sidaa darteedna aysan xiligan dhankooda diyaar u ahayn ka qayb galka Wada Hadaladaas.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Somal Land ay tahay Dawlad jirta isla markaana Koofurta Soomaaliyana ay u aqoonsan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya sidaa darteedna ay doonayaan in loo wada hadlo iyadoo la yahay laba Dawladood oo Jaar ah. Hadalkan Wasiirka ayaa imanaya xilli dhawaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya u Magacabay Guddi heer Wasiiro ah kuwaasoo Wada hadalada u Matalaya Dawladda Federaalka Soomaaliya taasoo hore ay uga biya diideen Maamulka Somaliland. Somaliland ayaa ku adkaysanaysa inaysan ka qayb galeen wada Hadalada Soomaalida oo xilli aan la magacaabin loo madlanaa in uu ka dhaco Dalka Ingiriiska waxaana wadahadalada dhexmari lahaa Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland sii murjiyey ka dib markii Laba Xubnood oo Maamulka Puntland lagu darey taasoo markiiba ay ka caroodeen Soomaaliland .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaarootmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.