Home » Warar »

Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo la sheegey in Xilka uu Wareejin Doono Qabashada Shirka Stanbuul ka dib

Warar aan ka heley Xafiiska Siyaasada soomaaliya ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay noo sheegeen In marka uu qabsoomo shirka Stanbuul ee Turkiga ee la qaban doono Bisha Juun ee Sannadkaan uu xilka wareejin doono Wakilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambasadoor Mahiga ka dib markii ay qoraalo badan oo Cabasho ah ay ka Gudbiyeen Masuuliyyinta ugu sareysa ee Dowladda iyagoo sheegey in in xiligaan aysan la shaqeyn Karin Wakiilka

Warkii dhawaan ka soo yeerey Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya Ambasadoor Mahiga ee ahaa in taladii dalka ay la wareegeen wax uugu yeerey Aalla Shiikh taasoo ay si weyn uga Carooden Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegey in Wakiilkka ay ka dhacdey Maradii waa haddii uu hadalkaa yiri , waxaana wixii ka dambeeyey hadalkii wakiilka ka dib ay yaraatey Wada shaqeyntii Madaxweynaha iyo ergeyga gaarka waxaana Mahiga haatan aad moodaa in uu ka gaabsadey arrimaha Soomaaliya

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ambasadoor Ogsotina Mahiga lagu badeli doono ereegy dhashadiisu tahay dalka Mareykanaa oo aan magaciisa la shaacin kaasoo la sheegey in uu xilka la wareegi doono marka la gaaro qabashada Shirka Stanbuul sidoo kale Wararka aan ka heleyno Xafiiska Siyaasada ayaa sheegay in ay caadi tahay in marka uu gabagabo marayo Xiliga kala guurka la bedelo ergeyga gaarka ee Soomaaliya iyagoo tusaale u soo qaatey markii la bedeley ergeygi hore ee soomaaliya Walad Cabdalla oo isagu dhameystey Xilkaas Doorashadii Madaxweynaha Soonaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ka dhacdey Dalka Jabuuti 31-dii Janaayo 2009

Haddi ay dhabowdo Magacaabisat ergeyga Cusub ee Soomaaliya ee u dhashey Dalka Mareykankaa waxay dadka u kuurgala Siyaasada Soomaaliya ay leeyihiin in Dowlada Mareykanka ay u soo jeestey arrimaha Soomaaliya waxaana bedelka Ambasadoor Mahiga uu yimid xilli ay badatey Cabashada ka soo yeerey Siyaasiyiinta soomaaliya waxaana dhawaan magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Mahiga waxaana goobta banaanbaxaasu ka socdey lagu soo bandhigey Sawir Kartoon oo la dhigey Mahiga oo laba weji leh

Mudda ka harsan Doorashada Madaxwerynha Soomaaliya ee Bisha Ogoosto waxaa muuqata in Siyaasadii Soomaaliya ay ka sii dhaceyso Haadaan iyadoo shirkii London 23 Feberaayo ee Sannadkaan mar ay halkaa ka hadashey Wasiirka arrimaha Dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ay si Cad u sheegtey in aan la aqbali Karin in Muddo korosi kale la sameyo Ciddi isku deydana la xayiri doono dhaqdhaqaaqooda iyo Hantidooda waxaana Hanjabaadaan ay u gogol Xaareysa in ergeyga cusub ee u dhashey Mareykanka arrintaa caadis ku saari doono Masuuliyiinta Dowladda Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.