4-tii bishan April 2012 waxaa qarax weyn ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaala kaas oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin iyo dad rayid ah. Qaraxaasi markii uu dhacay wixii ka dambeeyey waxaa bilowday isqabqabsi u dhexeeya dowladda federaalka, iyadoo durba ay bilaabatay tuhun ku aadan, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ahaa mid ay sahleen ama ay fududeeyeen xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo la doonayey in lagu qaarjiyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa haddana warar aanu helayno waxay sheegayaan in xiligaasi wixii ka dambeeyey Ra’isul Wasaaraha ammaankiisa si aad ah loo adkeeyey.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Sheekh SHariif Sheekh Axmed ayaa markiiba wuxuu qaraxaasi mas’uuliyadiisa dusha uga tuuray Wasaaradda Warfaafinta, hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta ayaa isna sheegay in wasaaradiisa aysan wax shuqul ah ku laheyn ammaanka goobta lagu qabanayey xafladda, isla markaana ay wargeliyeen laamaha ammaanka, iyadoo Dowladda Federaalka ay u saartay guddi soo baara ciddii ka dambeysay qaraxaasi ayaa haddana aan laheyn xog dhab ah oo ku saabsan qaraxaasi, iyadoo maalintii doraad ahayd qaraxaasi loo qabtay ilaa iyo lix ruux oo ka tirsan Ilaaladda Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdulaahi Cabdulle Magan Boot oo ka soo jeeda Gobalka Gedo iyo xildhibaano kale oo iyana ka soo jeeda isla gobalka Gedo ayaa waxa uu sheegay in lixda xubnood ee la xiray si qalad ah loo xiray iyagoo sheegay in si hayb sooc ah loo xiray dadkaasi wuxuuna Xildhibaan Boot carabka ku adkeeyey haddii aan si deg deg ah loo siideyn dadkaasi ay arrintu cirka isku shareeri doonto.
Qaraxaan ayaa waxa uu keenay tuhun aad u weyn iyadoo haatan la sheegay in ay bilaabatay in ay yaraatay wadashaqeyntii u dhexeysay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda KMG, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyadoo 12-kii April oo la doonayey in la qabto Maalinta Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gebi ahaanba la baajiyey xafladdii loo qaban lahaa, sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay qorsheynayaan in ammaanka madaxda sare ee Dowladda KMG iyaga keliya ay ku koobnaadaan meeshana laga saaro ilaaladda Soomaalida ah ee la socda mas’uuliyiinta Dowladda maadaama la tuhunsan yahay qaar ka mid ah ilaaladda Ra’isul Wasaaraha in ay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay Tiyaatarka.
“Waxay Dowladda Federaalka soo marey Qaraxyo fara badan kuwaas oo la doonayey in Xubno sare oo Dowladda lagu khaarijyo bal fiiri yaa dabagaley Qaraxyadii la doonayey in lagu khaariyo Cabdulaahi Yuusuf, Cali Maxamed Geedi, iyo kuwii ka dhacay Shaamo, Muna , Hargaha iyo Saamaha, iyo kuwo kale oo ciidaa ka badan marka cid loo raacdey ma jirto marka maxaa loo buun buuninayaa kii Tiyaatarka aniga waxaa qabaa in laga leeyahay ujeedo Siyaasadeed waayo meeshaa looga hari lahaa waxaana aamin sanahay in ay ka dambeeyaan Buunbuuninta qaraxa Tiyaaterka Dowlado Shisheeye iyo dad dani Siyaasadeed ka leh marka inta aysan meel Xun lana gelin halaga haro maadaama ay sheegteen Xarakada Alshabaab”ayuu yiri Xildhibaan diidey in magaciisa la sheego
Dhinaca kale waxaa weli muuqanaya Khilaafka u dhaxeeyea Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaasoo ka bilowdey Qaraxii Tiyaatarka.
Ka dib waxa soo baxay warar sheegaya in dhawaan ay isku khilaafeen labadaan Masuul Magacaabisti Guddiyadii dhexdhexaadin ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland waxaa Raiisul Wasaaraha uu diyaarsadey Liiska Gudiyadii wada hadalka hase yeeshee waxaa durbadiiba Guddigii magacaabey Madaxweynaha taasoo uu si weyn ugu caroodey Raiisul Wasaaraha, waxaana dhacadey in Cabdiweli isagana uu guddigaas ka daba tuuro laba xubnood oo ka socda Maamulka Pundland waxaana arrinaan ka caroodey maamulka Soomaliland oo sheegey in ay qaadacayaan wada hadalkii ay lahaayeen Dowladda Federaalka.
Waxaa sidoo kale iyana Madaxweynaha iyo Raiisull Wasaaraha isku qabsadeen Xubnaha magacyada ka qaybgalaya Ansaxinta Dastuurka waxayna labada Masuul ay mid weliba diyaarsadeen liisas mid weliba u gooni ah.
Sidoo kale waxaa hadana Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha isku qabsadeen halka lagu qabanayo Shirka lagu ansaxinayao Dasuurka, waxaana Madaxweynaha uu diyaasadey Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska iyadoo Raiisul Wasaaraha uu diyaasadey Xarunta Xalane isagoo ku doodaya in ay ka nabadgelyo Roon tahay Gaadiidka Booliiska.
Isku soo duuboo haddii uu sii socdo Khilaafkaan waxay keeni kartaa in ay yimaadaan Caqabo fara badan oo ku aadan Dastuurka iyo RoadMap-ka waxayna siyaasiyiinta qaar ay ku andacoonayaan in is qab qabsigaan ay ka dambeyso ujeedo siyaasdadeed oo ay ku macneeyeen in uu yimaado muddo kororsi kale oo hal sanno ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.