Home » Warar »

Shiikh Shariif , Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas oo wada Habka ay ku Doonayaan in ay ku Kororsadeen Xilkooda Muddo Sannad ah

Iyadoo lagu wado in Bisha Agoosto ee sanadkaan la qabto Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa hadda dadka siyaasadda u kuurgala waxay sheegayaan in qorshahaasi laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado kadib markii mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha, Guddomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha la sheegay in ay wadaan in mudo hal sano ah loogu daro Dowladda Federaalka ee haatan jirta.

Waxaa bilowday muran ku aadan Dastuurka iyadoo maalmahan ay jireen mucaarado weyn oo lagu hayo Dastuurka Dowladda Federaalka kadib markii Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ay sheegeen in dastuurkaani uu yahay mid aan ka tarjumeynin xal u helida arrimaha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dastuurkaani uu yahay mid mudo soo jiitamay kaas oo lagu bixiyey malaayiin Doolar, sidoo kale waxaa socda mucaarado kale oo ku aadan RoadMap-ka iyadoo mar aan Xildhibaanada wax ka weydiinay arrintaan ay noo sheegeen in qalalaasahaan ku aadan dhanka Dastuurka ay wadaan xildhibaano u adeegaya mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda, kuwaas oo doonaya in Beesha Caalamka ay ka dhaadhicayaan in mudada saddexda bilood ah ee dowladda u harsan aan lagu dhameystiri Karin meel marinta dastuurka iyo roadmap-ka.,

Shiikh Shariif, Shariif Xasan iyo Cabdiwerli Gaas ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta waxay noo sheegeen in ay bilaabeen in ay kiciyaan qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta soomaaliyeed si ay ugu ololeeyaan in waqtiga gaaban ee ka harsan xiliga kala guurka laga dhaadhiyo beesha caalamka in aan la qaban Karin doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, sidoo kale guddiga Dastuurka oo mudo dhaqaale badan ku cunay arrinta dastuurka ayaa iyana waxay wadaan olole ay ku doonayaan in mudo sanad ah loogu daro, iyagoo sheegay in aan dastuurka la gaarsiin qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliyeed sidoo kalana aan la gaarsiin qurbo joogta Soomaaliyeed

Muranka ku saabsan Dastuurka iyo Road Map-ka haddii ay si socda waxay Qaar ka mid ah Xildhibaanada noo sheegeen in ay fursad u tahay Shiikh Shariif, Shariif Xasan , Gaas oo iyagu doonaya muddo kordhin sidey u dhacdey Sannadkii tagey ka dib markii ay is qabsadeen Masuuliyiinta Dowladda taasoo sababtey in mddo sannad ah loogu daro islamarkaana meesh laga saaro Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hase yeeshe Shirkii London 23 Feberaayo Khudbad ay jeedisey Xoghayaha arrimaha Dibada Mareykanka waxay afka ku balaarisey in aan mar dambe la aqbali karin Muddo Kororsi kale .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.