Home » Warar »

Dallada Horumarinta Haweenka Baay (BWDN) oo Cambaareysey Xadgudubyo loo Geystey Qaar ka mid ah Shaqaalahooda ku Sugan Baydhabo

 

Bishan 12-keeda waxaa magaalada Baydhaba agagaarka xafiiska Dalladda ka dhacay qarax, kaasoo loo qabqabtay dad ka ag dhowaa Nawaaxigaas oo ay ku jiraan afar qof oo mid dumar tahay lagala baxay xafiiska Dallada magaalada ku leedahay, waxaa ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska Dallada Amiir Maxamuud Cali, Maryan, Manuur iyo Nuurow. Waxaa loo geystay dadkaas jir-dil ba’an oo naxariis darro ah.

Mid ka mid ah dhibbaneyaasha oo lagu magacaabo Amiir waxaa jirkiisa ka muuqda jir-dil, dhaawacyo ay sababeen qoriga AKM 47 liifkiisa (Caaradiisa), baadkiisa iyo astaamo caddeynaya kabo buut ah oo lagula tuntay jirkiisa, xarig si xaasidnimo ah loogu xirey oo jirkiisa maqaarka ka diirey oo hilibkiisuna ka muuqdo, waxay saraakiisha caafimaadka caddeeyeen in dhibbanaha tarooma (Trauma) qaaday, hadana uu u baahan yahay baaritaano dheeraad ah, ayna dareemayaan in jug qarsooni jiri karto.

“Waxaa xafiiska Dallada noo soo galay askar dowladda KMG ka tirsan, si aan isweydiin laheenna nagu bilaabay garaacid qori baadkiisa, haraati ama laad, indhaha iyo miigna noo xiray aad ayaa nagula tuntay, ilaa aan miir daboolmay, ambalaas ayaa cusbitaalka magaalada na geysay markaan soo naaxayna saldhigga nagu xirey” waxaa sidaa yiri dhibbane Amiir. Wuxuu intaa raaciyay in dad aan bani’aadam ahayn oo naxariislaaweyaal ah si arxandarro ah u garaaceen, cagaha ka gubeen, qori liifkiisa jirkiisa la dhaceen, kelyaha, feeraha, jilbaha, garbaha, cagaha, dhegta, wejiga, madaxa meel ii fiyow ma leh ayuu hadalka ku joojiyay isagoo ilmeynaya.

Intii ay waxaa si dhacayeen Bay Women waxay xiriir Teleefan la sameynaysay maamulka Gobolka, kan degmada iyo madax kaloo ka tirsan dowladda si ay arinta u dhex galaan, ugu dambeyn waa la soo daayay afartaba, Amiir oo xaaladiisa caafimaad halis ba’an ku jirtay ayaa loo soo qaaday cusbitaalada magaalada Muqdisho.

Haddaba Guddoomiyaha Dallada Horumarinta Haweenka Baay (BWDN) Raabaco Sh. Nuurow waxay cambaareyn kulul u soo jeedisay kuwa ka dambeeyey tacadigaas arxan darrada ku dhisnaa oo loo geystay dhibbaneyaasha ka tirsan Dallada Bay Women, mar ay ahaatabana in sharciga la horgeyn doono lana weydiin doono, natiijaduna caddaaladu soo saari doonto,

sidoo kale waxaan u sheegeynaa dowladda KMG ah in arintaas meel ka dhac iyo sharaf ka qaadida toos loo abbaaray Dallada, weliba ku xad gudub xuquuq aadane geysteen ciidamada dowladda qaarka tirsan oo jooga gobolka Bay gaar ahaan magaalada Baydhaba iskana dhex socdaan magaalada ayagoo aan wax laga qaban arinta ay sameeyeen, waxaan beesha caalamka u sheegaynaa in xad gudubka loo geystay shaqaalaha gargaarka iyo horumarinta ka shaqeeya ahayn markii ugu horeysay ee wax loo dhimo, balse arintan si isku mid ah loo cambaareeyo, dowladduna ku cadaadiyaan in kuwa falkaas geystay la soo saaro maxkamad.

Waxaan ugu dambeyn hay’adaha caalamiga ah ka codsanaynaa in haddii ay Amiir xaaladiisa caafimaad adkaato gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa oo xaaladiisa caafimaad u heli lahaa, si uu u sii wato howlaha gargaarka uu udub dhexaad ugu ahaa Dallada Horumarinta Haweenka Baay (BWDN).

Isniin 18ka April 2012
Raabaco Sheekh Nuurow
Guddoomiyaha BWDN

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.