Home » Warar »

Shirweynihii labaad ee Xisbiga Hiil Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho

 

Shirweynihii labaad ee Xisbiga Hiil Qaran oo muddo Shan maalmood ka ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabgabeeyay hotel Naasa-hablood, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga iyo Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Xisbiga Hiil Qaran, Ibraahim Macallin Mursal oo ka hadlay halkaas ayaa wuxuu ku dheeraaday sidii lagu soo aasaasay xisbiga, marxaladihii uu soo maray iyo mustaqbalka waxay higsanayaan.Mr. Mursal wuxuu sheegay in xisbiga ay hoggaamiyaan 11-xubnood oo loogu magac-daray xubnaha dhuuxa xisbiga, wuxuuna sheegay in xubnahan aan loo ogoleyn inay siyaasadda ka qaybgalaan ama ay darjo siyaasadeed qabtaan. Isagoo sheegay in xubnahan ay yihiin kuwa loo celiyo talada guud ee xisbiga.

“Xisbigan waa mid ruuxi ah oo loogu talogalay inuu Soomaaliya ka saaro dhibaatada ay kusoo jirtay muddada dheer. Waana mid ka Madaxbannaan reer-reer,iyo Qabiil Qabiil ” ayuu yiri Mursal, isagoo sheegay inaysan aqbali karin wax aan Soomaali ahayn.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo loo doortay Guddoomiyaha dhinaca siyaasadda ee Xisbiga Hiil Qaran oo isagana ka hadlay Madasha ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay sidii ay dadka Soomaaliyeed ay u mideyn lahaayeen. “Dunida aad ayay ula yaaban tahay in Soomaali oo isku af, isku dhaqan, isku diin iyo isku midab ah ay isfahmi waayaan, waana taas midda innaga ina dhaqaajisay ee aan doonayno inaan meesha ka saarno,” ayuu yiri Prof. Samatar oo dhaiilay qaabka ay u wadahadlayaan Somaliland iyo DKMG ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Guddiyada ay magacaabeen Somaliland iyo DKMG ah ma ahan kuwii loo baahnaa haddii la doonayo xal, balse waxay ahayd in la soo xulo dad aqoon Miimeed iyo mid Maaddi leh oo ay ka go’an tahay in Soomaaliya nabadi ka dhalato.” Wada hadallada Somaliland iyo DKMG ah ayuu sheegay inaysan ahayn mid iyaga ka timid balse ay tahay mid dusha looga keenay, balse laga faa’iideysan karo haddii la doonayo xalka dalkaan.

Shariif Xuseen Roobow oo isaguna ah Wakiilka Xisbiga Hiil Qaran ee Muqdisho oo ka hadlay isaguna madasha ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin imaanshaha wafdigan ballaaran ee Muqdisho yimid kana qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbiga Hiil Qaran, isagoo u mahadceliyay intii gacan ku siisay qabsoomidda shirweynahan.

Xisbiga Hiil Qaran oo la aasaasay sannadkii 2010 ayaa wuxuu xafiisyo ku leeyahay dalalka Soomaaliya, Mareykanka, Australia, Yurub, Afrika iyo dalal kale, waana xisbi ay aasaaseen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shirweynihii labaad ee Xisbiga Hiil Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho "

  1. Siyasada somaliya haatan ka tagan wa mid u bahan dad maskax aqoon u leh jahawarerka ka tagan somali oo dhan waxana u arka in hiilqaran u yahay kan kaliya e ka so bixi kara

  2. Abdulahi says:

    Hiil qaran haduu wax ka bedeli karo umadaan bahalada noqotay ee aan ka quusanay waan soo dhaweyneynaa.