Home » Warar »

Xukuumadda Kenya oo Shaacisey in Qayb Ciidamadeeda ka Mid ah Dhawaan ay ka Saari Doonto Soomaaliya.

Sida ay qoreen wakaaladaha wararka Caalamka Xukuumadda Kiinya ayaa laga soo xigtay in Ciidamadeeda qaybta ka ah Hawl galka AMISOM ee Soomaaliya in dhawaan qaar ka mid ah ay dib ula bixi doonto.Kenya ayaa sheegtay in illaa Siddeed Boqol iyo Konton Askeri oo Ciidamadeeda ah oo iminka ku sugan Gobolada gedo iyo Jubada Hoose inay halkaa ka saarayso iyadoona sheegtay in Ciidamadaasu ay bedeli doonaan Ciidamada siraaliyoon.

Dhawaan ayaa saraakiil sar sare oo ka Tirsan Dawladda Siraliyoon waxa ay gaareen Gobolka Gedo kuwaasoo qiimeyn ku sameynayay qaabka ciidamada Siraliyoon ay u soo direyso Soomaaliya ay uga hawl galayaan Gobolada la filayo in gaarsiiyo Ciidamada Sirliyoon oo dhawaanta la filayo in hor dhacooda uu soo gaaro Dalka Soomaaliya. Dawladda kienya ayaa sheegtay in dhawaan Madaxweynaha dalkaasi inuu magacabay Nin Jenaraal ah oo ka tirsan Ciidamada Kiinya kaasoo Taliye Xigeen ka noqonaya Ciidamada AMISOM.

Dawladda kenaya ayaa ku nuux nuuxsatay in ay sii wadayaan iyagoo qayb ka ah dagaalka lagula jiro Xarakada shabaab isla markaaana Ciidamdoodu ay ka bar bar dagaalami doonaan Ciidamada siraaliyoon oo la filayo in ay ka hawl galaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.Xukuumadda Kenya oo Koofurta Soomaaliya soo gashay Bishii Oktoobar ee kal hore ayaa dhawaan waxa ay ku Biireen hawl galka nabad Ilaalinta ee AMISOM kuwaasoo ka sii hawl gali doonaan Gobolada ay iminka ku sugan yihiin ee Gedo iyo Jubada Hoose.

Warara ayaa sheegey in sababta ay Ciidamada Kenya u dhimayaan Ciidamadooda ka jooga qaar ka mid ah Gobolada soomaaliya ayaa lagu macneeyey ka dib markii ay ku adkaatey in Ciidamadooda sii socdaan sidoo kale wara baa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ka cabsanayaan Roobka Guga ee la filayao in ay ka da’aan Soomaaliyeed dhulka haatan ay joogaan ku Go’domaan ayna ku adkaato isku socodkooda oyado weli ay wajahayaan dagaalo goos goos ah

Hadalkan ka soo yeeray Xukuumadda kenya ayaa waxaa uu imanaya xilli dhawaan Midowga Afrika uu sheegey in Hawl galada AMISOM lagu Baahinayo Gobolada Dalka gaar ahaana Goboladii laga Saarey xarakada Shabaab iyadoo Ciidankii u horeeyay ee magaca Amisom ku hawl galayana dhawaan la gaarsiiyay Magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadda Kenya oo Shaacisey in Qayb Ciidamadeeda ka Mid ah Dhawaan ay ka Saari Doonto Soomaaliya. "

  1. Waa Maaweelo.com. Waa marinhabaabin.com. Waa male-awaal.com Waa Afta-hammo.com Waa khiyaamo.com.

    Soomali waxey rummeysan xaqiiqada arrintaa marka ay ciidaan ahaan dibadda Jamhuuriyadda Soomaliya uga baxaan. Iyo siyaasadd ahaan Soomaliya fara-gelinta ay ku hayyaan ka joojiyaan.

    Labadubana baryo kuma imaan-doonta ee Soomaali ayaa idink kula hadli doonto luuqad aad (Xukuumadda Kiinya) fahamto kuna joojiso. Waqtigeeda ayaan arrinkaa u deyn.