Qeybtii koowaad ee qoraalkaygii ku saabsanaa heshiiska dhexmarey Dawladda KMG iyo shirkada ajnabiga ah Halliday Finch waxaan ka codsadey Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, mudane dr Cabdiweli Maxamed Cali in uu Ummadda Somaliyeed usoo bandhigo mowqifka rasmiga ah ee dowladda Somalia ay ka qabto heshiiska wasiirka gaashaandhigu la galay Halliday Finch 25/02/2012, sida ku qoran warsaxafadeed lagu daabacay website-ka Halliday Finch iyo sida uu u sheegay 30/03/2012 idaacadda VOA-da wasiirka gaashaandhiga mudane Xuseen Carab Ciise.
Wax jawaab ah kama hayno xafiiska Ra’iisalwasaaraha. Laakiin waxaan rajeynaynaa in uu ka soo jawaabi doono markii uu fursad u helo.
Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaan ayaa walaac ku abuuray shacabka Soomaaliyeed maadaama ay xadgudub weyn ku yihiin xornimada Qaranka Soomaaliyeed. Halliday Finch waxaa loo saxiixay maamulka xeebaha Soomaaliya oo dhan. Bixinta shatiga kaluumeysiga oo ay siin karto shirkado iyo wadamo shisheeye. Waxay tababari doontaa tiro yar oo ciidan Ilaalo Xeebeed ah.
Sida heshiisku dhigayo, Halliday Finch waxay soo aruurin doontaa dakhliga ka yimaada shatiyada ka kaluumeysiga xeebaha Soomaaliya. Dakhligaas waxaa maamuli doona shirkad kale oo ajnabi ah, taasoo u qaybin doonta lacagtaas DFKMG (70%) iyo Halliday Finch (30%).
Waa heshiis mugdi badan ku jiro oo aan xal u ahayn dhibaatooyinka baahsan ee ka jira xeebaha Somaaliya. Biyaha Soomaaliya waxaa looga kaluumeystaa si sharci darro ah, waxaa lugu daadiya wasakhda warshadaha, waxaa la mari la yahay, burcad badeed awgeed, wadooyinka ganacsiga ee badda cas iyo badweynta Hindiya.
Halliday Finch ma aha shirkad leh aqoon iyo farsamo ay ku xallin karto dhibaatooyinka ka jira xeebaha Soomaaliya.
Soomaaliya waa waddanka Afrika ugu xeebdheer (3025 km) marka laga reebo jasiiradda Madagascar (4828 km). Waxaa la saadaalinayaa in shidaal badan ku jiro xeebaha Soomaaliya, waxaana la wadaa ol’ole muran lugu galinayo xuduudka xeebaha Soomaaliya.
Dawlad masuul ah, waqtigaan xaadirka ma ahan in ay ku degdegto heshiisyo dabraya ama xadidiya Qaranimada Soomaaliya iyo koontaroolka dhulkeeda.
Barlamaanka DFKMG ah wuxuu soo saaray sharci ka mamnuucaya Dawladda in ay shirkado ajnabi ah heshiis la gasho inta laga baxayo marxallada kumeelgaarka ah. Waxay u eg tahay in dawladdu wax xurmo ah aysan u hayn nidaamka dastuuriga ah ee ku qeexan axdiga ku meelgaarka ah. Waxaad moodaa in Kampala Accord yahay Dastuurka rasmiga ah ee halbeega u ah DFKM. Taas waxaa daliil u ah, ilaa iyo maalintii la ansixiyey heshiiskii Kampala Accord, dawladdu ma hortagin Baarlamaanka, sidaas awgeed ma jirto cid la xisaabtami karta. Waa wax lala yaabo. Dawlad Barlamaan waxay ku dhalataa kalsooni Barlamaan waxayna ku shaqeysaa kalsooni joogta ah oo Baarlamaan. Waa in ay ka jawaabto su’aalaha Baarlamaanka, siyaasadeeda u fasirto. Waxay u dhaqmeysaa sidii dawlad Madaxweyne shacabku soo doortey oo afartiisanaba mar lala xisaabtamo!
Kampala Accord ma aha Dastuurka Soomaaliya. Kampala Accord waa in loo arkaa oo kaliya Memorandum of Understanding, heshiis is afgarasho, ay wada gaareen madaxda dowladda iyo xafiiska Mahiga-Museveni si loo dardar geliyo dhameystirka hawlaha looga baxayo marxallada ku meelgaarka ah.
Haddii ay ahayd lagama maarmaan in xal degdeg ah loo helo dhibaatooyinka ka jira xeebaha Soomaaliya, waxay ahayd in heshiis labodhinac ah (Bilateral Agreement) lalagalo dawlad awood farsamo iyo dhaqaale u leh in ay caawiso Ciidamada Badda ee Qaranka Soomaliyeed. Waxay tababari lahaayeen Ilaalada Xeebaha Soomaliya, waxay sameyn lahaayeen hawlgalo wadajir ah (joint antipiracy/anti-illegal fishery/antidumping operations). Kaasi wuxuu ahaan lahaa heshiis runta u dhaw. Halliday Finch ma ay laha kartidaas iyo farsamadaas.
http://www.hallidayfinch.org/uploads/files/pdf/tfg-25-02-2012.pdf
http://somalitalkradio.com/2012/mar/draft_tfg_2012.pdf
http://www.voanews.com/somali/news/Faaqidaadda-Heshiis-Dhexmaray-DKMG-iyo-Shirkad-145200695.html
Abdulkadir Mohamed Tahlil
Director of Birmingham Justice and Advocacy Centre (BJAC).
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.