Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Faahfaahiyey soo Xulidda Baarlamaanka cusub

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey soo afjaridda Xilliga Kala guurka ah, iyo qorsheyaasha Roadmap-ka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii sheegay in heshiiskii Soomaalida ee 6dii September 2011 uu ahaa mid taariikhi ah oo soo celiyey karaamadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed, bacdamaa heshiiskaas uu ahaa mid uu hoggaankiisa iyo wadatashigiisaba lahaayeen Soomaalida isla markaana 3 cisho gudahood lagu gaaray heshiis.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha DKMG waxuu sheegay in 8dii bilood ee la soo dhaafay horumar baaxad leh laga sameeyey dhammaan qeybaha muhiimka ah ee uu Roadmap ku ka koobnaa sida Amniga, Dib-u-heshiisiinta iyo Isku xirka maamulada iyo Dowladda, Dastuurka iyo Maamul Wanaaga.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG waxuu sheegay in wadajirka Soomaalida iyo heshiiyadii taariikhiga ahaa ee Garowe I, Garowe II iyo kii Gaalkacyo ay kalsooni buuxda gelisay caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo keentay in Dowladda UK ay Soomaalida isagu yeeraan shirkii 23kii Febraayo ka dhacay London oo isna ahaa shir taariikhi ah oo beesha caalamku ay ku go’aansadeen inay mideeyaan aragtidooda ku wajahan Soomaaliya oo ay si dhab ah ugu soo jeestaan arrimaha Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in soo afjaridda Xilliga KMG ah ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo dowlad rasmi ah oo u istaagta danaha shacabka Soomaaliyeed. Waxaa jira waddamo la mid ah Soomaaliya oo aan ku jirin KMG. Ra’iisul Wasaarahu waxuu caddeeyey inay ka go’an tahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah.

Wuxuuna intaas ku daray aad ugu dheeraaday habka soo xulidda Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub oo uu sheegay inay soo xulayaan Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada Rayidka ah, waxuuna caddeeyey in Saxiixayaasha aysan soo xuli doonin Ergeyda Ansaxinta Dastuurka iyo Xildhibaanada cusub. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inay ka go’antahay in waqtiga yar ee haray uu ku dadaali doono sidii bulshada Soomaaliyeed loo wada gaari lahaa oo ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen barnaamijkan. Waxuuna sheegay in 825ta Ergeda Ansixinta Dastuurka ay intooda badan noqon doonaan bulshada Rayidka oo uu sheegay inay ku jiri doonaan Haweenka, Dhalinyarada, Oday Dhaqameedka, Culumaa’udiinka, Qurbo joogta iyo dhammaan qeybaha kale ee bulshada.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha DFKMG waxuu shacabka Soomaaliyeed kuwooda gudaha iyo dibedda ugu baaqay inay muhiim tahay inay barnaamijka socda taageeraan oo ay ka mid noqdaan Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo xildhibaanada cusub si loo helo Dowlad Rasmi ah oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Xoogga Dalka Soomaaliyeed u diray dhammaan ciidanka XDS, qoysaskooda, iyo shacabka Soomaaliyeed kuna ammaanay dadaalkooda ay dalka dib-uga xorreeyeen kooxahii Argagaxisada, iyagoo ku howlgalayey duruufo aad iyo aad u adag. Waxuuna sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sidii loo haqab tiri lahaa baahiyaha Ciidanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.