Home » Maqaallo »

TACSI: Beeldaaji Faarax Beeldaaje Cabdullahi oo ku Geeriyoodey dalka UAE

Waxa Habeenimadii Axadda 8-dii April 2012 ku geeriyoodey Cusbataal ku yaal Magaalada Al Cayn ee dalka UAE Allaha u naxariistee Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdulahi Beeldaaje Maxamed.

Waxaan tacsi tiiraanye leh annagoo ah qoyska reer Xaaji Faarax gaarsiinaynaa eheladii, Qaraabadi iyo umada soomaliyeed.

Waxaa tacsidan diraya:

1. Xaaji Ibraahim Xaaji Faarax
2. Xaaji Axmed Xaaji Faarax
3. Cumar Xaaji Faarax
4. Shire Xaaji Faarax
5. Cismaan Xaaji Faarax
6. Muuse Xaaji Faarax
7. Ciise Xaaji Faarax
8. Naasir Xaaji Faarax
9. Cali Xaaji Faarax
10. Jaamac Xaaji Faarax
11. Bashiir Ibraahim Xaaji Faarax
12. Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax
13. Axmed Cismaan Xaaji Faarax
14. Axmed Maxamuud Xaaji Faarax
15. Barkhad Cumar Xaaji Faarax
16. Maxamuud Cismaan Xaaji Faarax
17. Maxamed Cali Xaaji Faarax
18. Ciise Cismaan Xaaji Faarax
19. Maxamed Axmed Xaaji Faarax
20. Mire Cumar Xaaji Faarax
21. Bashiir Axmed Xaaji Faarax
22. Axmed Xiddig Xaaji Faarax
23. Ayuub Xiddig Xaaji Faarax
24. Cumar Ibraahim Xaaji Faarax

Dadkaas oo kala jooga UAE, Somalia, USA, UK, China, iyo Egypt waxaan Allaha Subxaanahu wa Tacaalaa uga rajaynayaa in Beeldaajaha Naxariis siiyo, Jannatu Fardawsana geeyo, Qabrigiisana Allaha u waasaciyo, xissbatana u Fududeeyo, annaga iyo qarabaada iyo asxaabta iyo dadkoo dhanna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Allaha Aqbalo.


Warsaxaafadeed Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG:

WAR SAXAAFADEED
TACSI QARAN

BEELDAAJE FAARAX BEELDAAJE XAAJI CABDULLAHI BEELDAAJE MAXAMED
INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid mid ka mid ah Madax dhaqameedka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii shalay fiidkii (Axad 08 April) ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Al Cayn ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).”

“Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Ayuu sii raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Beeldaaje Faarax uu ahaa oday dhaqameed Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan geliyey sidii beelaha Soomaaliyeed ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Beeldaaje Faarax waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan leh oo door hoggaamineed ka qaatay isu keenida, wadajirka iyo wada noolaashaha beelaha Soomaaliyeed.

– DHAMMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
E-mail: engabdirahman@gmail.com
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
Tel: +25261 5479911
Tel: +252699 998854


WAR SAXAAFADEED

TACSI

BEELDAAJE FAARAX BEELDAAJE XAAJI CABDULLAHI BEELDAAJE MAXAMED

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Ugas ciise ugas cabdulle ugaaska beesha sade ayaa tacsi u diray
shacabka Somaliyeed ,Tacsidaaa oo ku wajahan geeri ku timid Beeldaaje
Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed. Ugas ciise
“Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo
eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii shalay fiidkii (Axad 08 April) ku
timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed oo
ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Al Cayn ee dalka Isutagga
Imaaraadka Carabta (UAE).”

Ugasku waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno
ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan
Shacbiga Somaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Ugas ciise ugas cabdule ugaas i ayaa sheegay in Beeldaaje Faarax uu
ahaa oday dhaqameed Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan geliyey
sidii beelaha Soomaaliyeed ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo
barwaaqo. Beeldaaje Faarax waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan leh oo
door hoggaamineed ka qaatay isu keenida, wadajirka iyo wada
noolaashaha beelaha Soomaaliyeed.

– DHAMMAAD –

Arlington, Virginia, United States

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.