Home » Warar »

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku Hanjabtay in Sharciga la Hor Geyn Doono Ciddii ka Danbeysey Qarixii Dhawaan ka Dhacay Golaha Theaterka

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee dawladda Federaalka Soomaaliya cabdisamad Macalin maxamuud ayaa ka hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegey in la magacaabay Guddi Baaritaano ku samaynaya Ciddii fududeysey ama u sahashay in gabadhii halkaas qaraxa ka gaystay ay u soo gudubto gudaha Tiyaatarka oo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dawladda federaalka Soomaaliya.

Cabdisamad ayaa sheegey in Gudigaasi iminka ay bilaabeen sidii ay Xaqiiqda u ogaan lahaayeen isagoona wacad ku maray in cid kasta oo ay caddaato in ay gacan ku lahayd falkaas Sharciga la hor geyn doono Cabdisamad Macalin maxamuud ayaa dhinaca kale ka hadlay war gelin la’aan aan wasaaraddiisa oo iydu ka mas’uul ah amniga Guudha aan lagu soo war gelin shirkaas iyo sidii loo sugi lahaa amaanka goobta.

Wasiirka ayaa sheegey in halkaas ay ku sugnaayeen oo keliya Ciidamo Boliis ah oo aad u yar iyo Ilaalada Ra’iisul wasaaraha Dawladda federaalka Soomaaliya halkaasoo ay ka maqneyd wada shaqayntii.Maalmihii u danbeeyay ayaa waxa isa soo tarayay Eedeymaha la xiriira Habaca Ciidamada ammaanka ee Dawladda iyo wada shaqayn la’aan ka dhaxaysa. Mudane ka tirsan Guddiga ammaanka ee Barlamaanka oo goor sii horreysey hadlay ayaa ku Eedeeyay in arrintaasi Mas’uuliyadeeda uu qaado Taliyaha Ciidanka Boliiska isla markaana uu meesha isaga tago maadaama uu ku fashilay in amnigii magaalada Muqdisho uu wax ka qaban waayay.

Xildhibaan Xuseen caraale Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ammaanka ee Barlamanka ayaa ku taliyay in xilka laga qaado Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo saraakiisha ka hooseysa maadama uu ku guul dareystay in uu wax ka qabto falalka amni darro ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. hadalkan wasiirka ayaa imaanaya xilli dhawaan Golaha wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay magacaabeen Guddi xaqiiqda ka keena Qarixii Tiyaatarka ciddii fududeysey in Haweeney Isa soo miidaamisey ay gudaha u soo gasho gudaha Tiyaatarka xilli uu halkaa ka khudbadeynayay Ra’iisul Wasaare Gaaz

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.