Home » Warar »

Warsaxaafadeed Shirkii Golaha Wasiiradda DFKMG oo qodobo laga soo saaray maanta.

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiiradda ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Dr. Abdiweli Mohamed Ali, loogana hadlay Qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay Tiyaatarka, heshiiskii Gaalkacyo, arrimaha amniga iyo goboladda, Is-afgaradkii Soomaaliya iyo Jarmalka kala saxiixdeen 31kii Maarso 2012 iyo heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga miinooyinka.

Golaha Wasiiradu waxey si kulul u cambaareeyeen falkii shalay dhacay ee haweeney isku qarxisay Tiyaatarka oo ay ku dhinteen madaxdii Isboortiga Soomaaliya iyo dad kale kuna tilmaameen mid fuleynimo ah. Golahu waxey isku raaceen in loo baahanyahay in tallaabo adag laga qaado cidii mas’uuliyadeeda leh ka dib marka la baaro. Golahu waxey isku raaceen:

in Guddoomiyahii Olombikada Qaranka Aden Yabarow Wiish iyo Madaxii Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaranka Siciid Maxamud Nur (Mugabe) loo diro tacsi heer qaran ah, isla markaana golahu u tacsiyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii intii ku geeriyootay, una rajeeyey caafimaad buuxa dhammaan intii ku dhaawacantay.
Guddi heer wasiiro ayaa la magacaabay si ay baaritaan dhab ah ugu sameeyaan falkii shalay dhacay isla markaana uu Ra’iisul Wasaarahu amray inay warbixin ku soo gudbiyaan 24saac gudahooda.
Guddi heer wasiir ah ayaa la magacaabay oo ka howlgala sidii dhaawaca culus loogu raadin lahaa caafimaad dalka dibeddiisa ah iyadoo lala kaashanayo waddamada aan saaxiibada nahay.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu caddeeyey in falkan loo baahanyahay in cashar laga qaato oo tallaabo adag laga qaado cid allaale iyo ciddii mas’uuliyadda falkan ku cadaato.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha siiyey warbixin ku wajahan heshiiskii Gaalkacyo ay saxiixayaasha Roadmap ka ku yeesheen 26kii Maarso, waxuuna sheegay in mas’uuliyadda soo xulidda xubnaha Guddiga Ansixinta Dastuurka ay leeyihiin madax dhaqameedka Soomaaliyeed oo ay saacidayaan bulshada rayidka ah. Sidoo kale in 135 madax dhaqameed ee matala dhammaan beelaha Soomaaliyeed iyadoo lagu qeybsanayo habka 4.5 ay isagu imaanayaan Muqdisho 25ka April 2012 si ay u bilaabaan soo xulidda xubnaha Guddiga Ansixinta Dastuurka. In tiradii 1000 ka ergo laga dhigay 825 oo loo arkay in tiradan ay si sahlan ugu qeybsami karto habka 4.5 oo leh raadraac hore.

Wasiirada Amniga ayaa waxey ka warbixiyeen amniga guud ee dalka iyo howlgalka lagu soo celinayo amniga. Arrimihii howlgaladda waxey u socdaan sidii loogu talo galay oo dhowaan la rajeynayaa in deegaano cusub laga xorreeyo kooxaha nabad diidka ah ee Al-Shabaab. Golahu waxey isku raaceen in xasilinta dalka, dib-u-heshiisiinta shacabka deegaanka, gaarsiinta adeega bulshada iyo sameynta maamulada ay muhiim tahay loona baahanyahay in shacabka deegaanada lagu dhiiri geliyo inay xasilinta dalka qeyb weyn ka qaataan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa golaha warbixin ka siiyey safar uu Muqdisho ku yimid Wasiirka dhaqaalaha iyo horumarinta ee Jarmalka 31kii Maarso, isla markaana Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ay kala saxiixdeen Is-afgarad ay Dowladda Jarmalku ugu yaboohday Soomaaliya lacag dhan 94 million Euro oo mashaariic horumarin loogu sameynayo Soomaaliya iyo 6 million oo ay ugu talo galeen magaalada Muqdisho. Golahu waxey dowladda Jarmalka uga mahadceliyeen kaalmadaas oo ay weliba si toos ah ula galeen Dowladda.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo La Taliyaha Sharciga ee Xukuumadda ayaa golaha siiyey warbixin ku saabsan Heshiiska (Treaty) Caalamiga ah ee ka hor-tagga Miinooyinka oo ay 158 dal horey u saxeexeen oo Dowladda Soomaaliya aysan weli saxiixin heshiiskan. Bacdamaa heshiiskan uu yahay mid caalami ah oo lagu mamnuucayo isticmaalka dhammaan miinooyinka, waxaa muhiim ah in Soomaaliya ay saxiixdo oo ay sahlayso in shacabka soomaaliyeed ay helaan kaalmooyin ku wajahan wax-u-qabadka dadka ku aafoobey dhibaatooyinka miinooyinka. Dood dheer ka dib Golahu waxey isku wada raaceen in heshiiskan la saxiixo.

– END –

Afhayeenka dowladda Eng Yariisow oo saxaafadda u aqriyay warsaxaafadeedka


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somali

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.