Home » Warar »

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Tiyaaterka Xilli uu Khudbadeynayey Raiisul Wasaaraha DFKMG Gaas

Gaas “Ilaah baa iga Badbaadiyey waxaase Qaraxaasi Waxyeelo ka soo gaartey Dad fara badan”

Gudoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed iyo Gudoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta oo ku Geeriyoodey Qaraxaasi

Waxaa maanta Arbaca April 4, 2012  Xarunta Tiyaaterka ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah, Wuxuuna Qaraxaani ku soo beegmey Xili ay halkaa ka socotey Xaflad lagu maamuusayey Sannadguurada 28 aad ee Talifishinka Qaranka waxaana lagu waramey in Qaraxa uu dhacay Xili uu Khudbeeynayay Raiisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qaraxaan ayaa waxaa ilaa hada la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa Lix Ruux hase yeshee dhawaaca ayaa ah mid aad u badan, waxaana wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya ay sheegeen  in dadkii Qaraxaasi ku geeriyoodey ay ka mid yihiin Gudoomiyhii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabrow Wiish ,iyo Gudoomihii Xiriirka Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe, sidoo kale waxaa ku dhaawacmey Xildhibaan Mowliid Macaani , Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa , Xildhibaan Yaasin Bucul , waxaa kaloo ku dhaawacmey ilaa Todobo Wariye oo qaarkood Dhaawacoodu uu yahay mid Halis ah.

Raiisul Wasaaraha DFKMG oo ka badbaadey Qaraxaasi ayaa mar uu u waramayey Warbaahinta ayaa yiri “Ilaah baa iga badbaadiyey hase yeeshee dad badan ayey waxyeelo ka soo gaartey waxaana u sheegayaa kuwa ka dambeeya Qaraxyada Noocaan oo kale in aysan Niyad jabin doonin Hadafkooda ah in ay soomaaliya ku soo dabaalaan Nabad”. Waxaana Raiisul Wasaaraha DFKMG uu Tacsi u direy dadkii ku dhintey Qaraxaasi wuxuuna si gaar ah Tacsi ugu direy Bahda Isboortiga isagoo uga tacsiyadeeyey Geeridii ku timid Gudoomiyhii Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Gudoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Saciid Mugambe wuxuuna Ilaah ugi baryey in uu janadii ka waraabiyo

Xarakada Alshabaab ayaa war ay soo saartey ku sheegatey in ay ka dambeysey Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka iyadoo warkaas lagu sheegey in ay Qaraxaasi la beegsadeen Goob looga soo horjeedo Shareecada Islaamka , waxay kaloo ay sheegeen in ay Qaraxaasi ay ku dileen Wasiiro, Saraakiil iyo Ciidamo hase yeehsee Dowladda Federaalka ayaa Cambaareysey Qaraxaasi kuna tilmaamey mid arxandaro oo ay ka dambeeyeen Xarakadda Alshabaab.

Qaraxyada noocaaan ah ee ismiidaaminta ayaa waqtiyadaan ku soo badanayey Soomaaliya kuwaas oo Galaaftey dad fara badan ilaa iyo Hadda Dowladda Federaalka waxba kama qaban waxayna ku celceliyaan in ay wax ka qabanayaan Amaandaridda ku soo korodhey magaalada Muqdisho iyadoo Xarakada ay sheegtey in ay sii wadayaan Qaraxyada Noocaan ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.